Xaflad balaadhan oo looqabtey Dufcadii 2aad oo ka qallin ja bisey
Jaamacada Geeska Iyo Weedhii Masuuliyiinta +Farxadii ardeyda
qallinjabisey
Hargeysa (TNN)-Xaflad balaadhan oo la
sameeyay ardaydan ka qalin jabisay jaamacadda Gees ka ee
International Horn University ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweyne
Ku xigeenka So maliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),
Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Cabdicasiis
Maxamed Samaale, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxa med Nuur
Caraale Duur, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday,
Agaasimaha Tacliinta Sare Khadar Axmed Diiriye, Xildhibaano,
Sulaadiin, Waalidiin, arday iyo waliba marti sharaf kale oo lagu soo
casuumay Ma dashaas,38 Arday oo muddo ku siman afar Sano wax ka
baranayay jaamacadda Geeska a la guddoon siiyay shahadooyinkii.
Guddoomiyaha Jaamacadda Geeska Sheekh Yaxye, oo ugu horeyn halkaasi
ka hadlay ayaa tilm aamay in jaamacadda Geesku ay soo martay heerar
kala duwan isla markaana maanta ay mara yso halkii ug u saraysay.
Ā“Maalintii aanu aasaasaynay jaamacadda Geeska waanu xishoonay oo
waxa aanu nidhi dalkee nu maanta halkaas ayuu marayaa, markaa side
bay suurtogal u tahay in aynu jaamacadd ka aasaasno dalka.
Taas ayaa wakhtigaas taalay dalka, laakiin alle nagu guulee, oo
arday badan ayaa ka soo baxd ay, dufcadan oo ah tii labaadna waxa ay
muddo afar sanno ah, maanta waa kuwan oo way qal in jabiyeen, waa
wax ilaahay loogu mahad celiyo, kuwo kale oo iyaguna sanadkii ka
horeeyay qalin jabiyay waxa ay jaamacado kale kaga jiraan dalalka
Malaysia iyo waliba meelo kale, imtixa an may gelin laakiin
shahaadadan ayay meel walba ku mareenĀ” ayuu yidhi Guddoomiyaha Jaa
macadda IHU.
Khadra Cali Guuleed oo ka mid ah ardaydii saaka ka qalin jabisay
jaamacadda Geeska ayaa kula dardaarantay dhamaanba saaxiibadeeda
kula mataanka ah qalin jabinta in ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan
sidii ay bulshadda ugu adeegi lahaayeen.
Waxa kale oo ay xukuumadda u soo jeedisay in ay meel saarto ardayda
tiradda badan ee maail nba maalinta ka dambaysa ka soo qalin
jabinaya jaamacaddaha kala duwan ee dalka ku yaala, waxaana
hadaladeedii ka mid ahaa Ā“maanta waxaan ku guuleysanay inay
ardaydii ka baxday sanadkii hore hadda waxkadhigtaan Jaamacadaha
Maleeshiy iyo meelo kaleĀ” ayu u yidhi,wax aa iyana halkaa ka
hadashay Khadra Cali guuleed oo kamida ardayda ka baxday Jaamacaddaa
si,waxaanay ka warantay nimcooyinka Ilaahay siiyey Somailand inaan
hadal lagu soo koobi Kari n hadal iyo qalin toona gaar ahaan xagga
nabad galiyada taamka ah ee aanay haysan Somalida kale.
inaan noqono qaran ka tirsan beesha caalamka waxay ku xidhantahay
inaan inngu noqono kuwi i ka soo baxa kaalintoodaĀ” ayey tidhi
Adrayaddaasi.
waa muhiin inaan kalmadayda ku dabaqo wixii aan soo bartay oo ah
Kulliyatul shariica walqaan uun Somaliland-na waxaan ka cosanayaa
inay badasho sharcigii Talyaaniga oo uu isagiiba waa hore iska
tuuray, dusheena waxaa sudhan Calan ay ku qoran tahay Laa Ilaaha
Illalaahu Muxa maddu Rasuulullaahi ee waa inaan ka dhabaynaa waxa
Dastuurkeena innoogu qoranĀ” ayey intaa ku dartay Ā“innagu waxaan
nahay dad Islaam ah wixii aan soo baray iyo waxay Somalila nd ku
dhaqmaysaana aadbay u kala fogyihiinĀ” ayuu hadalkeeda kaga baxday
ardayddaasi.
Waxaa isna halkaa ka hadalay Suldaan Axmed Daahir oo ku hadlayey
magaca sulaadiinta iyo w axagaradka, waxaanu tilmaamay in uu si aad
ah ula dhacsan yahay qalin jabinta ardayda maan ta ka qalin jabisay
jaamacada Geeska oo uu sheegay in ay ka mid tahay kuwa dhinaca
cilmiga u gu horeeya dalka Somaliland.
Ā“Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aan idin kala soo qayb
galo xafladda qalin jabinta jaamacadda Geeska oo runtii ka mid ah
jaamacadaha maanta dalkeena ugu wanaagsan.
Runtii cilmiga marka aad barato waxa loo baahan yahay in aad wax
badan kaga baydho, wakh tigii aanu wax baranaynay waxa na loo keeni
jiray macalimiin aan anagaba naga cilmi badnayn, markaa wasaaradaha
waxbarashada waxa aan u soo jeedin lahaa in ay dhinaca cilmi wax
badan xil iska saartoĀ” ayuu yidhi.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale
Duur oo isaguna hal kaasi ka hadlay ayaa marka hore mahadnaq
balaadhan u soo jeediyay maamulka iyo macaliim iinta kala duwan ee
jaamacadda Geeska, kuwaas oo uu sheegay in ay talaabo hore u qaadeen
isla markaana ku guulaysteen in ay soo saaraan daĀ’ dhinac walba ka
dhisan.
Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland, waxa uu shacabka ka
codsaday in ay hag ardaamadda ka daayaan dadka soo galootiga ah oo
buu yidhi cabasho ka muujiyay shacabka reer Somaliland.
Ā“Marka hore aan u hambalyeeyo ardayda maanta qalin jabinaysa oo
iyagu xaflada badankeed aba ay ahayd in loogu hambalyeeyo, dhinaca
maamulka jaamacadda geeska iyo waliba macalim iintaba waxa aan
iyagana leeyahay idina waad la soo dedaasheen ee hambalyo.
Runtii waxa farxad noo ah in maalin kasta arday intan leĀ’egi ay ka
soo qalin jabiyaan jaama cadaha kala duwan ee dalka Somaliland,
waxaanay noqonayaan dadkii dalkan iyo dadkaniba ay u baahnaayeenĀ”
ayuu yidhi Wasiir Duur.
Mar uu ka hadlayay soo galootiga sharci daradda ku jooga dalka
Somaliland waxa uu yidhi Ā“W axa aad ka war haysaan in aanu dhawaan
nidhi dadka dalka sida sharci darada ah ku joogaa ha ka baxaan,
runtii way baxayan oo maalin walba way sii socdaan, laakiin
walaalayaal waxa ka soo yeedhay cabasho ah in ay dadka reer
Somaliland kala kulmayaan dhibaato, dalkeena waxa aad ogtihiin in
aanu qaadi Karin in dad intaas leĀ’egi ay joogaan, caalamkana laguma
arag dal dhan oo maalin kasta dad lagu qiyaasay ilaa laba boqol oo
qof ay iska soo galaan, waxa aan idiin sheegi lahaa walaalayaal ha
dhibaataynina dadkaas inala jooga, taas bedelkeedana waxa la idiinka
baahan yahay in aad gacanta qabataan oo aad tidhaahdaan anaga ayaa
idinka bixina yna qarashka idinku baxaya ee orda oo dalkiinii dib
ugu noqdaĀ” ayuu yidhi.
Agaasimaha Tacliinta sare Khadar axmed Diirye
oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Wasaarada Waxbarashada
iyo tacliinta sare ay inta karaankeeda ah ku dedaali doonto sidii ay
waxbarashada halka ay maanta taagan tahay sare uga sii qaadi lahayd
Ā‘Xukuumadda cusubi markii ay taladda la wareegtay waxa ay markiiba
wasaaradda ku soo dartay waaxda tacliinta sare, runtii wax badan
ayaanu qabanay, iminkana waxaaba la sameeyay guddida tacliinta sare
taas oo dhawaan hawsheeda bilaabi doonta, markaa waxa aan filayaa in
maanta waxbarashadda dalku ay marayso halkii ugu saraysayĀ” ayuu
yidhi.
Guddoomiye ku xigeenka golaha Wakiilada
Cabdicasiis Maxamed Samaale oo halkaasi ka hadlay ayaa
tilmamaay in xukuumadda cusub ee madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
uu hogaaminayo ay ka goĀ’an tahay sidii ay dhalinyarada shaqo
abuuris ugu samayn lahayd
Ā“Waanu ognahay in ay dalka shaqo laĀ’aani taalo, laakiin waxa loo
baahan yahay in samirkee da la yeesho oo wax badan loo samro, maalin
kasta waxa ii yimaada intaas oo qof oo doonaysa shaqooyin, suurtogal
maaha in aan wasaaradd geeyo oo aan idhaahdo shaqo ha la siiyo waayo
waxa ay wax la qabaan dadkooda kale, hadii la I arko aniga oo qof
reer Somaliland ah meel geynaya beri ayaa la odhanayaa guddoomiye ku
xigeenka golaha wakiiladu isaga oo xilkiisa uga faaĀ’iidaysanaya
ayuu inankiisii meel hebla geeyayĀ” ayuu yidhi.
Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay marwo
Faadumo Siciid oo ah guddoomiyaha ururka wadani ga ah ee
ODXA, waxaanay xukuumadda u soo
jeedisay in shaqooyin loo abuuro dhamaanba ar dayda ka soo qalin
jabinaysa jaamacaddaha dalka.
Gabogabadiina waxa halkaasi ka hadlay madaxweyne Ku xigeenka
Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaa hi Ismaaciil
(Saylici) oo u balan qaaday ardaydaas in wax badan ka qaban
doonaan cabashadooda, w axaanu yidhi Ā“Waxa aan u hambalyaynayaa
ardayda maanta ka qalin jabisay jaamacadda Geeska, waxaanan leeyahay
hambalyo, runtii dedaal badan ayaad soo wadeen, waalidkiinuna way
idinku soo tabceen.
Waxa aad hadda galaysaan marxalad cusub, laakiin waxa loo baahan
yahay in aad dalkiina iyo dadkiin aba wax u qabataan, xukuumadeenu
maanta waxa haysta culays dhinaca shaqooyinka ah, laakiin keli ya
waxa aanu balan qaadi karnaa in aad wasaaraddaha la sii shaqaysaan,
marka ay shaqooyin cusubi idiin soo baxaan aad hore ka gashaanĀ
Jaamacadda IHU waxay waqtigan bixisaa derejoyinka bachel or iyo
masterate.
Gebagebadii xafladdana waxa shahaadoyin la guddoonsiyay ardayda
qalin fushay, kuwaas oo uu ugu sarreyey ardayga magaciisu yahay C/risaaq
Xassan Cusmaan ayna ku xigtay ardaya dda Cawo Max amuud Faarax kana
baxday kulliyada ICT-ga. Cawo waxay sidoo kale ugu sarrays ay
kulliyada ICT-ga. Sidoo kalea waxa shahaado sharaf la guddoonsiyay
Khadra Cabdi Guuleed oo ugu sarraysay ardayda kulliyada sharciga iyo
qaanuunka.
Waxa iyaguna halkaas deeq shaqo ah ugu bushaareeyey saddexda arday
ee ugu sarreeya shirkadda isgaadhsiinta ee Nation Link oo sheegay
inay ardaydaas shaqooyin siinayan.
Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland
|