Xaflad Balaadhan oo loogu wanqalayay Furitaan ka Mawjadda FM-ta ee Idaacada VOA ayaa manta lagu Qabtay Hargeisa.
 


 

Hargeisa (Longlivesomaliland News)-Xaflada Balaadhan oo loogu wanqalayay Mawjada FM-ta ee Laanta Afka somaliga ee Idaacada VOA ayaa Saaka lagu qabtay Hotel maansoor ee Magaalada Hargeisa.

Munaasabadaasi oo ay ka soo qayb galeen Madax ka socota Idaacada VOA, Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, Xubno Wasiirro ah, Masuuliyiin ka kala Socotay Seddexda Xisbi qaran,Aqoonyano, Shir gudoonka Golaha Wakiilada, Xildhibaano iyo Marti Sharaf kale oo tiro badan.

Masuuliyiintii munaasabadaasi ka hadashay ayaa halkaasi ka soo jeediyay haddalo ay ku soo dhawaynayaan Furitaanka Mawjada FM-ta ee Laanta afka somaliga ee Idaacada VOA, waxaana ka mid ahaa Masuuliyiintii Halkaasi ka hadashay Madaxa Laanta Af-Soomaaliga ee Idaacada VOA, Mr. C/Raxmaan Yabarow oo sheegay idaacad ahaan inay farax-weyn u tahay inay Haragaysa ka hirgeliyaan FM laga dhegaysto wararka iyo Barnaamijyada idaacadu baahinayso.

C/raxmaan Yabaraw Waxaa uu aad ugu dheeraaday geedi-socodkii kala duwanaa ee Idaacadu soo martay intii ay jirtay waxaana uu sheegay in VOA la bilaabay sanadkii 1992-kii hase ahaatee sanad iyo badh ay joogsatay, waxaanu intaasi ku daray in mar kale si rasmi ah loo furay bishii Febarwari ee sanadkii 21/02/2007-dii.

Waxa kale oo guud ahaan ka waramay habsami-u-socodka shaqo ee idaacada VOA, isaga oo tilmaamay in Idaacada ay ka hawl-galaan 23 Weriye wadamada aduunka uga soo warama iyo 7 xubnood oo ku sugan xarunta guu dee idaada ee Washington.

Madaxwayne ku Xigeenka Somaliland oo isna Xafladaasi ka hadlay ayaa Sheegay inay inay Laanta Afka somaliga ee Idaacada VOA looga baahanyahay barnaamijyo tayo leh, oo isug jira kuwo waxbarasho, barnaamijyo wacyi galinta Tahriibta ah iyo Barnaamijyo diini ah.

Mudane Axmed yuusuf yaasiin ayaa ku soo dhaweeyay VOA- inay ka furtaan hargeisa FM-ta, waxaa kale oo uu tilmaamay inay Saxaafada Somaliland tahay ta ugu xorsan Geeska Africa.

Waxaa kale oo isagu Xafladaasi ka hadlay Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaridaka ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ku hambalyeeyay idaacada VOA iyo mowjada FM-ta ah ee ay ka furteen Hargeysa.

Muuse Biixi Cabdi oo Dardaaran Dheer u jeediyay VOA ayaa ka Dalbaday masuuliyiinta Laanta Afka Somaliga ee VOA in laga daayo ereyada ay ka mid ka yihiin : Somaliland isku magacowday iyo Gobolada Waqooyi.

Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye waxa uu intaasi ku daray inay marka ay Cali samatar iyo kacaankii soo qaadanayaan inay soo qaataan kuwii ka hortagay oo ahaa Somali nation Movement (SNM), waxaanu ku booriyay oo kula dardaarmay VOA inay xaqsoorka afsoomaliga isaga oo tusaale usoo qaatay Ereyada laga isticmaalo Gobolada Koonfurta dalka Somaliya.

Guddoomiye Ku Xigeenka oo daba socday hadal ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta wuxuu yidhi “Xukuumadu waxay tidhi ha la wada shaqeeyo oo af-xumada hala joojiyo, Tallow TV-ga qaranka Iyo Radio Hargeysa ma ku jiraan?. Wasiirku wuxuu yidhi waxba iskuma hayno mucaaridka waxaan leeyahay hadii aynu nidhaahno waxba iskuma hayno waa inagu ceeb, waxaan leeyahay mabaa’di ayaynu isku haynaa.”

Waxaa iyagu Xafladaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay hadalo ka jeediyay Wasiirka Warfaafinta Somalialnd, Musharaxa Madaxwayne ku xigeenka Xisbiga mucaaridka ee ucid, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan.

Waxaanay Dhamaantood Soo dhaweeyeen Furitaanka Mawjada FM-ta ee VOA waxaanay ku booriyeen masuuliyiintu Idaacada VOA inay noqoto mid loo simanyahay isla markaana iska jirto waxyaabaha ka dhanka ah Qadiyada Somaliland, Waxaa kale oo ay masuuliyiintu usoo jeediyeen Idaacada VOA inay ku soo kordhiyaan Barnaajiyo Aqoon korodhsi ah, iyo dhibaatada Qaraxyada iyo Tahriibtu ay leeyihiin.

Gabogabadii Xafladaasi Furitaanka Idaacada VOA laanta Afka Somaliga ayaa lagu soo gabagabeeyay Dood xiiso badan oo ciwaankeedu ahaaa Xoriyada Saxaafada iyo Dimuqraadiyada, waxaanay guud ahaanba xafladaasi ku dhamaatay jawi Wanaagsan.



Mustafe Future

Longlivesomaliland News Reporter
Hargeisa/Somaliland
Mccfuture@hotmail.com