Xaflad Balaadhan Oo Loo Sameeyay Siyaasi iyo Taageereyaal Ka Tirsanaa KULMIYE oo ku Biiray UDUB
Maxamed
Cabdi Daa’uud, oo ka mid ahaa siyaasiyiintii aasaasay urur Siya
asadeedkii Qaran, ayaa shalay magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inuu
si rasmi ah isaga iyo taageereyaashiisii ugu biireen Xisbiga UDUB.Md.
Maxa med Cabdi, wuxuu sidaasi ka sheegay Xaflad balaadhan oo maanta
lagu qabtay xarunta Xisbiga UDUB ee magaalada Hargeysa oo ay ku soo
dhaw eynayeen isaga iyo taageereyaal kale oo ka soo baxay xisbiga
mucaaridka ah ee KULMIYE . Maxamed Cabdi Daa’uud oo
xafladaasi ka hadlay ayaa wuxuu yidhi "Waxaan ka tirsanaan jiray
Ururkii Qaran, imika waxaan soo galay Xisbiga UDUB, waxaanu xiligaa
aanu doonaynay oo noo muuqatay in dimuqraadiyada dalkan uu fur
furnaado, magaca dimuqraadiyaduna xisbigan UDUB oo qudha ayuu
magaciisa ka muudaa, waayo waxa xarfaha magaca UDUB ka kooban yahay
Ururka Dimuqraadiga Ummadda bahowday, labada xisbi ee kale magacooda
dimuqraadiyadu kama muuqdo."
Maxamed wuxuu sheegay inuu rajaynayo in xisbiga UDUB ay maalin ay noqotaba ururadii siyaasada ay u furi doonto dalka, waxaanu yidhi "Laakiin taas macnaheedu ma aha, taas macnaheedu ma aha in marka ururada la furo uu Maxamed Cabdi Daa’uud cararayee balse UDUB-tayda ayaan ahaanayaa." "Waxa ila noqon weyday sadexdii nin ee hore u tartamay labadii nin ee laga badiyay, haddana imika ay yidhaahdaan haddana way ikan, markaa waxaan idhi kolay arrintan hore ayaa loo daawadaye’e, bal labadii laga badiyay intaad raaci lahayd kii badiyay uun iska raac,"ayuu yidhi Maxamed Cabdi Daa’uud oo ka mid ahaa dadkii bud-dhigeyaasha ahaa ee aasaaskii ururkii socon waayay ee Qaran. Waxa kale oo uu sheegay in marka
la qiimeeyo Soomaali oo dhan cid Somaliland ka horaysaa dhinaca
waxqabadka aanu jirin. Siyaasigaasi wuxuu sheegay in
shacbiga Somaliland leeyihiin cadow badan oo u baahan in laga
gaashaanto, waxaanu yidhi "Cadow badan oo iskugu jira Somaliland
diid iyo ictiraaf diid iyo haddii uu yahay ka dhibaato doonka ah ee
qaraxyada inala doonaya ee reer Xamar-ka wali ina daba socda." Sh. Xasan Jaamac wuxuu sheegay in xisbigii uu ka soo baxay uu garan doono kaalintii uu kaga jiray isla markaana xisbiga UDUB ee uu ku soo biirayna uu tallo iyo taageeraba ku soo kordhin doono, waxaanu masuuliyiinta xisbigan uu ku biiray uga mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen. Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, oo xaflada asi ka hadlay ayaa sheegay in xisbigiisa iyo taageereyaashooduba ay soo dhawaynayaan xubnahan cusub ee ku soo biiray. Xoghayuhu wuxuu sheegay in siyaasiyiintan ku soo biiray xisbigii ay ka soo baxeen uu wax weyn u noqonayo isla markaana ay wax weyn ku soo kordhinayaan taageerada xisbiga UDUB. Md. Jaamac Yaasiin Faarax wuxuu ku baaqay in loo diyaar garoobo sidii doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysaa ay si nabad-gelyo ah oo xor ah ay u qabsoomaan, waxaanu yidhi "Waxaanu ogol nahay in xisbiyadu qaranku ay si sinaan leh u tartamaan, ummadda Somaliland ayaa na kala dheeraysiin doonta, waxaanan rajaynayaa inaanu mar kale ku guulaysanayno. "Ninka maanta UDUB hore u joogay iyo ka imika ku soo biiraa waa isku xuquuq oo waxba isma dheera, Anaguna waxaanu tix-gelin weyn idinku siin doonaa kartidiina. Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori, oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ee laga soo doortay Gobolka Hargeysa lagana soo doortay Gobolka Hargeysa oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo xubnahan cusub, waxaanu tilmaamay in xisbigii KULMIYE iyo Qaran ee ay ka soo baxeen ay guul darro culus ku yihiin. Waxa kale oo isaguna ka hadlay xafladaasi oo erayo mahad naq ahaa ka soo jeediyay Xildhibaan Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo ka mid ah Golaha deegaanka ee Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in xubnahani ay dhibaato iyo loolan adagi ku dhex mari jireen deegaamada isaga laga soo doortay, isla markaana uu ku faraxsan yahay inay xiligan isku xisbi ka wada hawl galaan. Dhinaca kale waxa xafladaasi ka
hadlay Maxamuud Jaamac Quule iyo Luul Balayax oo ku hadlayay magaca
dadkii ka soo baxay xisbiga KULMIYE oo sheegay markii ay arkeen
siyaasad xumada iyo wax ay ku tilmaameen majaro habowga mucaaridka
ay go’aansadeen inay u digo-rogtaan xisbul xaakimka UDUB.
|