Xaflad balaadhan oo lagu soo dhawayn doono Toronto Boon Xirsi

 

Waxaa Magaalada Toronto Lagu qaban doonaa 25 April,2009 Bandhig fanaadeed aad u balaadhan oo ay iskugu imanayaan Dhamaan  fanaa niinta Degan Toronto taasi oo Loogu magacdaray habeynkii Toronto iyo Boon Xirsi.

Abwaanka weyna ee caanka ah Boon Xirsi oo kusugan imika magaalada Hargeysa ayaa waxaa soo foodsaray xanuun xaga indhaha ah oo uu waxba ka arkaynin balse loobaahan yahay in looqaado Dibadda amaba lageyo Dal Wax loogu soo qaban karo maadaama Xanunnkiisu yahay mid dhakhtaro gooni ahi wax kaqaban karaan hadii alle yidhaahdo.

Dhamaan Jaaliyada Somaliyadeed ee Toronto Ku dhaqan gaar ahaan Reer Somaliland ayaa waxay u diyaargaroobeyn sidii Xafladan  Qaadh aanka loogu udhuudhinayo inay kasoo qeyb galaan oo ay Tikidhada iibsadaan sidii loogu kaalmeyn lahaa Abwaan Boon Xirsi oo jooga Magaalada Hargeysa.

Hadaba Habaynimada 25 April ee Sanadkan 2009 ayaa waxaa Toronto ka dhacaya bandhig faneed aad u balaadhan waxaana dadweynaha laga codsanayaa inay kasoo qeyb galaan oo ay tikidhada iibsadaan hamoogaanina Habaynka 25 April 2009
 

 

 


Hamse A Salaan

Toronto, Canada