Xaflad Balaadhan oo lagu dabaal dagayey Sanad Guuradii 5aad Ee Kooxda Kubadda Cagta Ee Janno Dumar Oo lagu Qabtey Magaalada Hargeysa.

 



Xaflad balaadhan oo loogu dabaaldagaayey sanad guuradii 5aad ee kasoo wareegtey Aasaaskii kooxda Kubadda Cagta Ee Janno Dumar ayaa xalay lagu qabtey hotel Summer Time ee Magaalada Hargeysa.


Hatgeysa (TNN)-Xafladani oo aheyd mid si aad u sareysa loo soo abaabuley waxaa ka soo qayb galley Gudoomiyaha Hayada Wadaniga ah Ee ODHA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim , oo ah Mulkiilaha Kooxda Kubadda Cagta Ee Janno Dumar,Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Axmed Maxamuud Sheekh,Taliyaha Saldhiga Ibraahim Kodbuur Ee Magaalada Hargeysa gen.Xuseen C/laahi  Maxamed,G /kuxigeenka Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland. Siciid Mire,Masuuliyiinta kooxda Kubbada Cagta Ee Janno Dumar Iyo Ciyaartoyga kooxda janno dumar iyo martishara kalla duwan.

Ugu Horey Kabtankan Kooxd Kubbada Cagta Ee Kuciyaarta Janno Dumar oo munaasiabdaasi kahadley  ay aa ugu horey uga mahad naqey dhamaan kazoo qayb galayaasha xafladani sida wacan ee ay u soo  jiib een martqaadkii loo fidiyey.

Waxaa uu Kabtanka Kooxda Mr C/risaaq Uu Sheegey in kooxdan Kubbada Cagta Ee Janno Dumar la  asaa sey 24/01/2006 oo ay aasaaseen dhallinyarada ciyaarta kubbadda cagta ee xaafadda Xarro Awr ee De madda Ibraahim Kooxbuur.waxaanu Kabtanka kooxda Mr.C/risaaq uu umahad naqey Gudoomiyaha  Hay ada ODHA ,Ahna Mulkiilaha Kooxda Janno Dumar Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo taniyo wakhtigaasi la aasaasey kooxda gacanta kusoo haysey,sidoo kallena ay marwalba wixii ay ugu baahdaan qalab,iyo  maa lba siineysa,iyadoo marwo faadumo siciid ay dhallinyaradu uga mahad celiyeen sida fiican ee ay mudda ay jireen usoo gacan qabatey.

Waxa uu sheegey Kabtanka Koxxda Kubbada Cagta Ee janno Dumar C/risaaq in kooxdu intii ay jirtey ay ciyaartey koobab kalla duwan iyadoo 7 jeer soo gaadhey finalka .2 kamid ahna ay ku guuleysteen koobkii ,sidoo kale waxay kooxdu safar ciyaareed ugu baxdey Caasimadda Gobolka Saaxil Ee Berbera,iyadooa y suura galisey safarkaasina marwo faadumo siciid oo hiil iyo hooba nala garab taagneyd koox ahaan.

Gudoomiyaha Xidhiidhka Kubbada Cagta Ee Somaliland Md Axmed Maxamuud Sheekh Oo munaasiabadaasi kaahdleya yaa ugu horey hambalyo udirey kooxda janno dumar ooay tahey sanad guuradoodii  5aad,wa xaanu gudoomiyaha xidhiidhka kubbada cagta ee Somaliland oo kawarbixiyey qorshaooda huramrinta  ciy aaraha isagoo xusey Md Axmed Sheekh in muddadii ay jireen ay qabteen siminaar laga hadlaayey hor umarinta ciayaraha Somaliland islamarkaan dhawaan ay soosaarin doonaa qodoabdii kazoo baxay ,sidoo kale waxaa uu Axmed Sheekh Uga Mahad Naqey gudoomiyah hayada Wadaniga ah Ee ODHA .Faadumo Siciid Ibraahim Sida wacan ee ay uga qayb qaadatey Hurumrinta Dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland.

Taliyaha Saldhiga Degmadda ibraahim Koodbuur Xuseen C/laahi Maxamed oo kahadley isna  munaasiabda asi ayaa ugu horen hambalyo udirey kooxda kubadda cagta ee janno dumar sanadguuradooda 5aad  aw geed,waxaa uu taliyuhu ku amaaney dhallinyarada Degmadda Ibraahim koodbuur sida fician ee ay ugu ciyaraan garomaadda loogu talla galey iyaga oo islka ilaawey dhaqan xumadii waayadii hore ay  dhalliny aradu isku leyn jiren islamarkaana sameystey guddiyo.waxaanu taliyuhu ku amaaney dhallinyaarda kub aada cagta ee Kooxda Janno Dumar sida wacan ay u ciyaar isgoo usoo jeediyey dhallinyarada  degmooyi nka kale ee caasimadda hargeysana iney kudeydaan Dhallinyaarda Demadda Ibraahim Koodbuur isgoo taliyuhu Gabo gabaduu u mahad anqey Marwo faadumo siciid sida wacan ee ay u horumariso  dhalliny arada Somaliland.

Gudoomiyaha Hayada wadaniga ah ee ODHA Marwo faadumo Siciid Ibraahim oo ah mulkiilaha Kooxda  kub adda cagta ee janno duwmar oo kahadashey munaasibadaasi xuska sanad guuradii 5aad ee asaaska ko oxdaasi ayaa ugu horey hambalyo udirtey kooxda kubbada cagta ee kooxda janno dumar.

Gudoomiyaha hayada ODHA Marwo Faadumo Siciid Waxay sheegtey in kooxdani oo ah mid ay aad ugu  fa raxdey akhlaaqdooda iyo sida fiican ee ay uciyaaraan ,waxaa ay kula dardaaran tay iney horumariyaan ciyaaraha iyo akhlaqdoodaba.

Gudoomiyaha hayada ODHA Faadumo Siciid waxay sheegtey in ay shakhsi ahaan aad u tix galiso  dhalliny arada somaliland waxkasto oo ay uga baahdaane wixii kareenkeeda ah ay lagarab istaagto waxay  Mar wo Faadumo Siciid Tidhi{Dhallinyarada Somaliland Waa Jiilkayagii,ubaxayagii,waa Ubadkayagii waa  must aqbalkii Somaliland Sidaa Daraadeed waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud{Siilaanyo},inuu dhallinyarada somaliland ilgaara kuhayo oo uu tix geliyo wasaarada dhallinyarada,dhaqanka iyo ciyaaraha somaliland uuka horeysiiyo wasaaradaha kalle oo uu wixii ay ugu baahdaan uu lagarab istaago maadaama oo ay tahey wasaaradii dhallinyarada}.

Sidoo Kalle waxay gudoomiyaha Hayada ODHA Marwo Faadumo Siciid Ibraahim ugu baaqeydey dhamaan ganacsatadda kalla duwan ee somaliland ineys sameystaan naadi kubadda cagta oo u ciyaaraha  ganac sigooda si dhallinyarada loo dhiiri geliyo.

waxay gabagabadii Gudoomiyaha Hayada ODHA islamarkaana ah mulkiilaha kooxda Kubbada Cagta Ee Ku Ciyaarat Janno Dumar ayaa waxay dhallinyarada kula dardaaran iney ilaaliyaan nabad geliyadda ii  la,a anteed aaney waxba suura galeen iyadoo u balaan qaadey iney wixii ay uga baajdaan ay diyaar u  tah ey,una rajeysey in sanadkan cusubna tartanada ciyaaraha iney ka qayb galaan oo ay ku soo  guuleyst aan ay isha Allah Rajeynayaan,

Gabagabadii xafladaasiwaxaa soo gunaanadey G/kuxigeenka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Md Siciid  Mi re oo Uu Soo wakiishey Agaasimaha Wasaarada dhallinyara dhaqanka iyo ciyaaraha,waxaanu ugu  hore yn siciid u maahnaqey uguna hambalyeeyey kooxda dadaala ay muujiyeen iyo sanad guuardooda 5aad ee ay xusayaan.

G/kuxigeenka ciyaaraha fudud ee Somaliland Waxaa uu umahad naqey Gudoomiyaha Hayada ODHA  Ma rwo Faadumo Siciid Ibraahim Dadaalka dheeraad ah ee ay gelisey horumarinta dhallinyarada  somalila nd,waxaanu siciid oo arimahaa kahadlayaa yidhi{waxaan run ahaantii aan umahad naqayaa Marwo  Faadumo Siciid Oo Muujisey Dedaal Dheeraad ah oo ay ku garab istaagtey Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha Somaliland,waxay faadumo maalgelisey tartankii hafe maratonka hargeisa ee dhawaan lasoo gabogabeeyey,sidoo kalle way muddo bil ah ay maalgelisey in latabobarro dhallinyarada 3 kalmood ee ugu horeeya ka galley tartankii Hafe Maratonka Hargeisa kuwaai oo waliba ya udheerteahey iayga oo matalaaya qaranka somaliland iney ka qayb galaan tartanka hafe maratonka ee bisha soosocta ka dhici doona wadanak jabuuti.waxanan isha Allah Leeyahey dadaalka halkaasi kasii wad,ilaaheybaana kaa abaal marin doona}.

Gabagabadii xafladaasi oo aheyd mid si aad ah loo sooa baalbuley waxaa Shaado sharaf ay kooxda  kub adda cagta ee Janno Dumar ay gudoonsiisey Gudoomiyaha ODHA Marwo FaadumoSiciid Ibaraahim,isadoo sidoo kallena halakasi shaadooyin iyo abaal amrino lagu siiyey qaar kamid ah ciyaartoyga kooxda ugu fiicnaa,taliyaha saldhiga Koodbuur Iyo Akhyaar kalle.

Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland