Xaflad aad u balaadhan oo loo sameeyay Boqo la al taageerayaal ah oo ka soo digarogtay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE

 

Hargeysa (Timacade News)-Xaflad aad u balaadhan oo loo sameeyay Boqolaal taageerayaal ah oo ka soo digarogtay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE una soo digarogtay xisbiga talada haya ee UDUB oo ka kala socday degmooyinka IB RAAHIM KOODBUUR,26-KA JUNE, iyo degmada GACAN LIBAAX oo ka mid  degmoo yinka caasimada hargaysa ayaa manta munaasibad loo sameeyay waxa lagu qabtay xarunta guud ee xisbiga UDUB ee magaalada hargaysa.

Xafladan loo sameeyay taageerayaasha cusub ee maanta ku soo biiray xisbiga UDUB oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasiamay ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin aad u tiro badan oo isugu jiray wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland oo uu ka mid ahaa wasiirka qoyska somalialnd marwo Faadumo Suudi Xasan,safiirka wareega ee Somaliland Maxamed Aar,xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, Jaamac Yaasiin Faarax, xubno ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga talada haya ee UDUB,iyo sidoo kale taarayaashan manta ku soo biiray xisbiga UDUB oo u badnaa haween iyo dhalinyaro.

Safiirka wareega ee Somaliland Dr. Maxamed Aar oo hadal ka jeediyay xaflada lagu soo dhawaynayay taageerayaasha cusub ee maanta ku soo biiray xisbiga UDUB ayaa u hambalyeeyay taageerayaasha ku soo biiray xisbiga, isla markaana ay ku faraxsanyihiin in ay taageerayaal ku soo biiraan xisbul xaakimka.sidoo kale waxa uu Maxamed Aar ka hadlay arimaha xuquuqda haweenka oo uu sheegay in uu xisbiga UDUB si aad ah u ilaaliyo.

waxa kale oo uu Mr. Aar faah-faahin ka bixiyay diiwaan gelintii codbixiyeyaasha oo uu sheegay in ay hay’adii ajnabiga ahayd ee gacanta ku haysay ee  INTERP EACE wakiiladeedii ay qirteen in uu liiskaasi codbixiyeyaashu khaldamay, oo ay umada reer Somaliland-na ka raaligeliyeen,Isaga oo dhinaca kale Maxamed Aar xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ku dhaliilay in aanu ilaa hada qirsanayn in uu khalad ahaa liiskaasi codbixiyeyaashu taasina ay tahay mid cadaynaysa  masuul iyad darada iyo siyaasad xumada xisbiga KULMIYE.

Isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi safiirku “ marka aynu ka hadlayno dimuqraadiyad macneheedu ma aha in qofna qof gacanta ula tegi karo ama  xoo gi karo,dadku waxay isugu iman karaan hadal,wayna tartamaan cidii laga  badiy aana sidii dhalin yaro kubad ciyaartay oo kale ayay isku hambalyeeyaan cidii ka badisay,cida badisaana sharafbay ku aqbashaa hambalyada,taageeryaashiinan nagu soo biiray waxaa aanu idinku soo dhawaynayanaa xisbi aan marnaba idin waydiisanayn ama aan idinku khasbayn in aad u hurtaan dhiigiina balse,idin  way diisanaya codkiina oo qudha. balankayagu waa kaa.

Waanu la soconaa in dumar idinka mid ah oo imika halkan fadhiya gacan loola tegay markii ay yidhaahdeen halkan ayaanu imanaynaa oo xisbiga UDUB ayaanu ku biiraynaa taasina waa mid ka hor imanaysa xuquuqda bini,aadamka gaar  aha ana ta haweenka,waxaa ayaan daro ah calankii aynu u soo dagaalanay ee aynu dhiiga u daadinay,dimuqraadiyadii aynu raadinaynay,xoriyatu qawlkii aynu  raad inaynay iyo dawladanimadii aynu raadinaynayba, in ay jiraan rag ilaa hada ku dhiiranaya oo gacan ula tegaya gabadhii tidhaahda waan hadli karaa oo afka ku dhufanaya”

Isaga oo gudoomiyuhu ka hadlaya liiskii diiwaan gelinta codbixiyeyaasha ee  fash ilmay waxa uu yidhi “ Waad ogaydeen maalintii ay qaldantay diiwaan gelintii  cod bixiyeyaashu waynu wada ogayn khaladka dhacay inta uu leekaa,waana aynu ogayn in farihii la inaga qaaday iyo sawiradii in lageeyay yurub iyo dibadaha waana aynu ogayn ama garan karaynay in dafiraad la inagu wado.

Walaalayaan xisbiga UDUB madaxdiisa sare waxay mar kastaba taagnaayeen in la soo dhiciyo xuquuqda dadka reer Somaliland.

Waxaan idiinku bushaaraynayaa in nimankii khaladkaas galay way qirteen  khal adkoodii xaal baanay ka bixiyeen waanay ka tanaasuleen halkay  taagnaayee n,nimankaasina waa nimanka aynu ugu yeedhno (gaalada ) ee aynu waxa kale u haysano waxay aqbaleen in ay xaal bixiyaan.waxaan idin xasuusinayaa ragii Samoro motion ka bilaabay baar lamaanka Somaliland, ee labada inan ee dhalin yaro ah ee reer Somaliland ah dhiigoodii ku shubay suuqa hargaysa ee doonay in ay aduunyada tusaan in ay Somaliland tahay wadan aan deganayn ee uu  ya hay wadan baaba,aya oo gubanaya uu yahay,waxaanu idin leenahay nimankii arimahaasi ka danbeeyay maadaama dadkii idin taageersanaa ay manta idin  diid een oo ay sheegeen in aanay dib idiin taageeeraynin fadlan soo baxa oo umada Somaliland xaal siiya,ilayn waa kuwaa kuwii aynu gaalada ku sheegaynayba  xaa lka bixiyaye.” ayaa uu hadalkiisa ku soo gebagabeeyay mr Aar.

Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax oo isna geba gebadii munaasibadaasi hadal ka soo jeediyay ayaa sheegay in uu aad iyo aad ugu faraxsanyahay taageerayaashan aadka utirada badan ee ku soo biiray xisbiga talada haya ee UDUB isaga oo xoghayuhu sheegay in xisbiga UDUB uu  ya hay xisbi ay dhamaanba dadka ku jiraa u simanyihiin oo qofka manta ku soo biira iyo kuwii hore ugu sii jiray ay iskugu mid yihiin.

Waxa kale oo uu xoghayaha guud ee xisbiga UDUB ka hadlay xoolaha Somaliland ee uu dhawaan dalka sucuudigu furay,isaga oo xoghayuhu xusay in arinta  firita anka xoolaha Somaliland ay timid ka dib markii dadaal aad u culus oo dhinacyo badan ah ay gashay xukuumada Somaliland,balse baa uu yidhi xoghayuhu ay xisbiyada mucaaridka ahi yidhaahdeen waxa dadaal u gashay dawlada uu  hogaa miyo Sheekh Shariif ee somaliya oo libintaas iska leh.

Isagoo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “ waxa ay gaadheen in ay  axsaa bta mucaaridka ahi yidhaahdaan xisbiga UDUB waxa uu ku xaadirayaa libin aanu lahayn,maxay u xaasidayaan libinta aanu leenahay xaasid nimadu waxay  xasan aadka u cuntaa sida uu dabku xaabada u cuno,waxa ay gaadheen axsaabta  mu c aaridka ahi in ay yidhaahdaan libintii ama guushii furitaanka xoolaha Somaliland ee dhaqaalihii inaga xidhnaa la furay waxay gaadheen in ay siiyaan oo ay ku xaa d iriyaan guushaasi madaxweynaha somaliya sh.shariif,waa wax laga xishoodo dhaqanka somalidana kuma jirto in nin halgamay oo guursaday oo guri dhistay inankiisii u horeeeyay ee u dhashay uu yidhaahdo anigu maan dhalin ee faarax baa dhalay,libinta waa in la isku quudho nimanka libintaas umadooda u soo  hyat ay u quudhi waayayna maxaa kale ee ay umada iyo dalka u qaban lahaayeen”


Waxa kale oo uu xoghayuhu ugu baaqay axsaabta mucaaridka ah in aanu hadal meel laga yidhaahdo kursi lagu helin,balse lagu kala bixi doono tartanka  doorash ada oo markaasi la kala ogaan doono ayna kala cadaan doonto cida ay umadu doorato ee ay codkooda siiyaan.


 


Source:Waaheen