Xaflad
balaadhan oo lagu taageerayay Jamhu uri yada Jabuuti iyo Madaxwayne
Ismaaciil Cumar Geele ayaa Xalay Lagu qabtay
Gabiley:-
Gabiley (Longlivesomaliland)
Xaflad balaadhan oo lagu taageerayay Jamhuuriy ada Jabuuti iyo
Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele ayaa Xalay Lagu qabtay Ho tel
Askar ee Magaalada Gabiley, Xafladaasi oo si heer Sare ah loo soo
agaasi may ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ganacsade Cali Nuur Cumar
iyo Mustafe Nuur.
Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka
Jamhuuriyada Somaliland C/risaaq Waabari Rooble, Wasiir ku Xigeenka
Warfaafinta Mudane Cali Cilmi Geele, Agaasimaha Baanka Somaliland,
Suldaanka Guud ee Gobolka Gabiley, Maamulka Gobolka iyo Golaha
Deegaanka Gabiley, Culimaa,udiin, Dhalinyarada, Haweenka iyo Gobolka
ayaa Xalay ka soo qayb Galay Xafladaasi.
Xafladan oo aan loo kala hadhin ayaan waxaa ka hadlay Wasiir ku
Xigeenka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Mudane Cali Cilmi Geele oo
Sheegay inuu Hogaamiye kasta oo wax qabtaa Mudanyahay In mar iyo
lababa loo kordhiyo si,uu udhamaystiro Mudada Xilkaasi iyo Wax
qabadka uu bilaabay si,aanu Qabyo uga noqon.
Wasiirku Mar uu ka hadlayay Xukuumada Somaliland waxaa uu sheegay in
Xukuumada uu Hogaamiyaha ka yahay Daahir Riyaale ay Suuro Galisay
Xafladaha Noocan ah, Hadii aanay Ka qayb qaadana aanay Suuro Gasheen
Xafladaha iyo Xidhiidhka labada Dal ee Jabuuti iyo Somaliland.
Waxaa isaguna Xafladaasi hadal kooban ka jeediyay Suldaanka Guud ee
Gobolka Gabiley Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan oo u mahadnaqay
Dadkii soo agaasimay Xafladaasi waxaana uu sheegay in ay walaalo
yihii Shicib Reer Somaliland iyo Jabuuti Xataa hadii aanu
wanaagsanay Xidhiidhka labada Dawladood . waxaana uu Amaan usoo
jeediyay Madaxwayana Jamhuuriyada Jabuuti oo uu sheegay inuu Yahay
Hogaamiyaha Qarniga ee Qaarada Africa.
Suldaan Ismaaciil Mar uu ka hadlayay Xidhiidhka labada Dal waxaa uu
talo usoo jeediyay Madaxwaynaha Jabuuti oo isaga oo Kaftamaya uu ugu
maahmaahay “ Madaxwayne Hadii Aanu anagu (Somaliland) ahaan Lahayn
Jabuuti adiguna aad ahaan lahayd Somaliland Sidaa kaamaanaan
yeelneen” waxaana uu ku soo gabagabeeyay in dabacsanaanta
walaltinimo intaa laga kordhiyo xidhiidhka wada dhalashona lasii
xoojiyo.
Waxaa iyaguna Xafladaasi Taariikho, gabayo, iyo hadalo amaan isugu
Jira halkaasi ka jeediyay Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Axmed
aw Cabdi (Xabiib), Maayarka Degmada Aadan Muxumed Badde, Aqoonyahan
Yuusuf Cilmi ayaanle, Gudoomiyaha Jahliyada Reer Gabiley ee Jabuuti
Aadan Wali, iyo Masuuliyiin kale oo aad utiro badan waxaanay
Dhamaantood soo jeediyeen in uu ismaaciil Cumar Geele Mudan yahay in
loo Sameeyo Xafladan iyo Mid kasii balaadhanba iyaga oo ku amaanay
Sida wanaagsan ee Dadkiisa iyo Dalkiisaba uu wax ugu qabtay iyo
Dalalka Jaarkaba iyaga Canbaarayn usoo jeediyay fara galinta ay ku
hayso Dawlada eretria ee ay jaarka yihiin.
Waxaa iyagu aan Xafladaasi ka maqnay Fanaaniinta Gobolka (Waabari
Band) oo ay ka Dhex Muuqdeen Fanaanka Wayn Ee Almis iyo Fanaaniin
Da,yar oo halkaasi ku soo bandhigay hoose qiiro galiyay Dadwaynihii
Madashaasi ku sugnaa, waxaa iyaguna halkaasi buraanbur iyo gabayo
loogu Talagay soo Dhawanta 10 guurada ka soo wareegtay Mudadii uu
Xilka hayay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele ka soo jeediyay
Halkaasi Dumarka iyo abwaanada Reer Gabiley.
Ugu danbayntii Xafladaasi xalay laga dareemayay Jawi qiiro iyo
Xamaasadi ku jirto iyo talo soo jeedin fara badan oo ku socotay
Madaxwaynaha Jabuuti oo ay dadwaynu ku celcelinayeen inuu Ictiraafka
Somaliland ku dhawaaqo waxaanay ku dhamaatay Jawi aad uheer Sareeya.
Nimcaan Dheeg Ibraahim
Longlivesomaliland
Desk
Gabiley Office
|