Xafiisyo Cusub oo laga Furay Dekedda Magaalada Berbera

 

Xaafisyo cusub oo ay ku hawl gali doonaan shaqaalaha dekeda Berbera qaybahooda kala duwan iyo kuwa kastamka ayaa shalay xadhiga laga jaray.Sida uu ku soo waramay weriyahayaga Berbera, xafiisyadaas oo ka kooban sideed xafiis waxaa laga sameeyey gudaha dekedii yarayd ee hore oo hada aan lagu shaqaynin.


Maareeyaha dekeda Berbera Eng Cali Xoor-xoor oo hadal kooban ka jeediyey ka bacdi markii xadhiga laga jaray ayaa sheegay in ay go'aan sadeen in ay goobtan xafiisyo uga sameeyaan qaybaha xafiisyada dekeda sida socodka badeecada oo kale waxaanu yidhi mareeyuhu dhamaan xafiisyadii ku dhex shaqayn jiray dekeda gudaheeda kuwii kastanka iyo kuwii dekedaba waxaanu u sooraraynaa halkan oo aanu u diyaarinay in ay u hawlgalaan madaama wakhtigan loo baahan yahay meelaha halbawlaha wadanka ah in amaankooda la adkeeyo waxaanay si wayn wax uga tari doonaa ayuu yidhi injiner Cali Xoor-xoor dadka ganacsatda ah oo ay dhib ku ahayd xafiisyada kala durugsan ee cashuuruhu tanina waa mid u sahlaysa in ay si fudud u cashuurtaan alaaba dooda.

ka dib waxa is na halkaas ka hadlay maamulaha kastamka maxamuud Gahayr waxaanu yidhi “waxaa u fududaan doonta ganacsatada sidii ay si dhib yar wax u cashuurtaan, hawsha cashuurtuna ugu dhib yaraan lahayd waxaana filayaa in ay wax badan dawayn doonto cabashidii ganacsatada ee adeega dekeda iyo kastamka waxaana u suura galaysa in ay isla goobtan cashuurta ku shubaan marka ay waaraaqaha cashuurtu u dhamaadaan wakhti yarna ay ku qaadato” waxaa isna sidoo kale halkaas ka hadlay maayarka magaalada Berbera Cabdala Maxamed Carab oo ugu horayn aad ugu mahad naqay maamulka dekeda oo sheegay in baahi aad u wayn loo qabay xafiisyadan in mell la isugu keeno dekeda iyo kastamka waxaanu yidhi “waxaan rajaynayaa cabashadii ganacsatadu in ay dhamaatay waxaanay inta badan ka caban kala durugsanaanta xafiisyada iyo ku soo noqnoqoshada xafiis kaliya tanina waa mid wax wayn u taraysa ganacsatada cashuur bixiyayaasha waana sumcad dekeda iyo magaalada u soo hoyatay iyo wax qabad la muujiyey aadna waa uu ugu amaanay injeneer Cali Xoorxoor.

Ugu danbayna waxaa halkaas ka hadlay Badhaasabka gobolka Saaxil Maxamed C/laahi oo isagu xadhiga ka jaray xafiisyadan cusub waxaanu yidhi “isbedelka horumarku waa waxaas yar yar ee la qabanayo oo is biirsada sidaas un baanu horumarku ku yimaada waxaanan idin leeyahay madaxdiinan ilaha dhaqaalaha joogta waa in ay waxuun qabtaan si horumar loo gaadho” waxaanu sidoo kale ku hanbalyey maamulka dekeda hawshan ay fuliyeen.


 


 


Somalilandnation