Wer Deg Deg Ah:-Maxkamada Degmada Hargeysa Oo Xukun Iskugu Jira
Xadhig iyo Ganaax Lacageed Ku Ridey Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal

Xoghayaha ururka suxufiyiinta somaliland"hadaanu nahay ururka
suxufiyiinta somaliland n.....
Hargeysa (TNN):- Maxkamada degmada Hargeysa ayaa xukunka ku riday
labada masuul ee ka tirsan wargeysa hubaal kuwaas oo kala ah
Mareeyaha wargeysa Hubaal Maxamed Axmed Jaa mac(Caloolay) oo ay
maxkamadu ku riday hal sano oo xadhig ah iyo hal milyan oo lacagta
Som aliland ah taas oo looga dhigay ganaax, halka tafatiraha wargeysa
Hubaal-na isna lagu xuku may laba sano oo xadhig ah iyo hal milyan oo
Somaliland shilin ah.
Garsooraha kiiskan qadayey oo lagu magacabo Cismaan Ibraahim Daahir
ayaa sheegay in kiis ka loo cuskaday xadhiga iyo ganaaxa lacageed uu
yahay oo dambi looga dhigay waxa aad afl agadayseen madaxwaynaha,
waana falkii u horeeyay ee lagula kaco saxaafad madax banaan.
Dhinaca kale xoghayaha guud ee Ururka saxafiyiinta somaliland ee
SOLJA Maxamed Rashiid oo markii xukunkani dhacay saxafada kula
hadlayey afaafka hore ee maxkamada ayaa sikulul u cambaareeyay
xukunkan cadaaladarada ah,"hadaanu nahay ururka suxufiyiinta
somaliland w axaan cabaaraynaynaa falkan cadaalad darada ah,waxaan
ugu baaqayaa dadka u dhaq dhaq aaqa xoriyatul qawlka in ay soo
faragaliyaan arrintan saxafada madaxa banaana waxan ugu baaqayaa in
ay sameeyan shaqo joojin caalamiya,oo anay mudo soo bxin warbaahinto
hadii kale barina waxa la xidhayaa wargeys kale,
Siilanyo wuxuu
samaynayo muu samayn jirin Siya ad Bare
,waxanuu noqday digtaytar
caalamiya oo ka soo baxay geeska Afrika"
si kastaba ha ahaatee waxa isasoo tarayey baryihii u dambaysay
cabudhinta caga juglaynta iyo hagar daamada ay xukuumadda kulmiye ku
hayso saxaafada madaxa banaan waana mid ka mid ah talaabooyinka ay
xukuumaddu ku cabudhinayso saxafada xorta ah ta kuwaasi oo ku qancin
waayey laaluush.
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|