Xabsiga
Burco oo la soo gaadhsiiyay Maxaabiistii lagu Qabtay Dagaalkii
Widh-Widh

Burco (TNN)-Xabsiga dhexe ee magaaladd Burco, ayaa Caawa la soo
gaadhsiiyay Qaar ka mid ah Maxaabista ay Ciidanka Qaranka
Soomaaliland ka qabteen maleeshiyaad Beeleedkii, dagaalku ku
dhexmaray Degaanka Widh-Widh.
Sidoo kale, Masuuliyinta Cisbitaalka guud ee magaaladda Burco, ayaa
Togdheernews u she egay in la keenay laba Askari oo dhaawaca,
kuwaaso ka tirsan, Ciidanka Qaranka Soomaa liland, laguna
Daweynaayo halkaasi.
Dagaalkan dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiya Beeleedka SSC,
ee ka dhacay Deg aanka Widh-Widh ayaa Istaagay, kaaso sababay,
dhimasho, Dhaawac iyo Bara-kac.
Sarkaal ka Tirsan Ciidaanka Qaranka Soomaaliland ayaa Togdheernews u
sheegay in dhina cooda uu ka dhintay Hal Askari Saddex kalena
ay ka Dhaawacmeen, wuxuuna intaa ku dar ay in Maleeshiyo
Beeleedka Dagaalku dhexmaray ay ka Qabteen Maxaabis iyo gaadiid
dag aalama, isle markaana ayuu yidhi aanu Khaasare Culus gaadhsinayo
dhinaca Maleeshyaad Beeleedka lagu Magaacabo SSC, ayaan Suurta galin
in Wax Wara laga Helo Dhinacooda, ma adaama ay go’aan tahay
Isgaadhsiinta Telefoonadda ee Degaamadaasi oo Dagaaladu ka dhaceen.
Waxa kale Wararka Imanaya Degaankaasi ay sheegayaan in Dadweynihii
degaana goobaha ay dagaaladu ka dhaceen ay Bilaabeen Qax iyo Barakac,
iyagoo ka Fogaanaya Dagaalka ha lkaasi ka Qarxday.
Maleeshiyo Beleedka la magac baxday SSC, ayaa kuwo ay mudooyinkii u
dambeeyay Uruur inaayay Qaar ka Mid ah Madax dhaqameedka
Degaanaasi, isle markaana ay sheegaan inay ka soo Horjedaan
Maamuladda Soomaaliland iyo Puntland, oo ay Raadinayaan Maamul
Mad ax Banaan
Source: Togdheernews
|