Xaaska Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Amniga Oo Ka Dayrisay Xaaladda
Caafimaad Ee Laba Ka Mid Ah Caruurteeda Oo Wax yeelaysay Suntii
RRU-du Adeegsatay Habeenkii Odaygeeda Lala Baxay
Hageysa (TNN):–Xaaskii wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga C/laahi
Abokor Cismaan Mar wo Sacdiya Maxamed Cali ayaa ka dayrisay xaaladda
caafimaad eel aba ka mid ah caruu rteeda oo ay sheegtay inay wax yeelo
caafimaad u gaysatay suntii (Gas-Mass) ay ciida nk a
RRU-du gurigooda
ku soo tureen habeenkii ay la baxeen Odaygeeda.
Marwo Sacdiya waxay intaas ku dartay in labadan caruur ah oo mid
da’diisu tahay sadd ex jir ka kalena uu jiro 8 bilood uu u sheegay
dhakhtarkii ay u gaysay inay suntaasi ay u raacday hawo-mareenka
isla markaana aan dalka waxba lagaga qaban-karin oo ay u ba ahan
yihiin dhakhtar dibadeed taas oo ay xusstay inaanay wakhtigan suurta-gal
u aha yn maadaama oo uu odaygeediina xidhan yahay iyaduna aanay
haysanin cid ay kaga ta gto caruurteeda kale.
Xaaska C/laahi Abokor waxay sidaasi ku sheegtay Waraysi ay maanta
gurigeeda maga aladda Hargeysa ku siisay Wariye Naasir Aadan Maxamed
(Nawaa) kaas oo ay Marwo Sacdiya Maxamed Cali kaga xog-warantay
arrimo door ah.
S: Waxaad Ka warantaa xaaladda caafimaad ee Odaygaaga ee wakhtigan?
J: Xaaladiisa caafimaad way wanaagsan tahay, dhaawac soo gaadhayna
ma jiro laakiin ninkii kale ee dhaawaca ahaa ee la xidhnaa oo wali
xabadii ku jirto ayaa ku jira jeelka oo dhiig u baahan oo sida nagu
maqaalo ah in dhiig lagu shubo loo diiday, isla markaana arrintaasi
ayaa daboolka ka qaaday cadaawada iyo masuuliyad darada xukuumadda
talada haysa. Waxa kale oo jira laba caruur ah oo aan dhalay oo mid
saddex jir yahay iyo mid 8 bilood jiro oo ay Gas-Mass u raacday hawo
mareenka markii aan dhakhtarka u geeyeyna wuxuu ii sheegay oo uu
igula taliyey in dhakhtar dibadeed loo qaado, kama tagi karo
caruurta kale sababta oo ah Odaygiina wuu xidhan yahay.
S: Maxaad kala socotaa arrinta saraakiil ka mid ah Sirdoonka
Ingiriiska oo maalmihii u danbeeyey warbaahintu qoraysay inay
xabsiga ku booqon doonaan C/laahi Abokor?
J: Arrintaasi way jirtaa laakiin waxaanu ognahay inay dawladu diidan
tahay inay la kulmaan C/laahi oo ay ugu taggaan xabsiga, waxaana
nagu maqaalo ah inay xukuumadu u sheegtay qoladaasi Ingiriiska ah
inuu ku jiro xabsiga Mandheera isagoo ku jira jeelka Hargeysa markaa
adigu waa xukuumad fashilantay iyo caadadeed oo ceebo aan
qarsoomaynin ayey daboolaysaa ee bal waynu eegi halka ay kala soo
dhacdo.
S: Ma Jirtaa xog rasmi ah oo aad ka haysaan ciidanka idin soo
weeraray habeenkii Odaygaaga guriga lagala baxay cida soo dirta ama
amarkaasi soo bixisay?
J: Haa, waxa na soo weeraray habeenkaasi ciidan ka badan 70 askari
oo watay 11 gaadhi oo Tikniko ah, amarkaasna waxa laga soo bixiyey
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo C/laahi Abokor aad looga tixgalin
jiray, sida ay sheegeen dad xogogaal ah oo xukuumadda ka tirsani
amarka 1-aad waxa soo siiyey masuuliyiinta wasaaradda daakhiliga
Wasiirka Madaxtooyadda Mr Xirsi iyo Wasiir ku xigeenka Amniga ee
imika Cali Hadh-dheer.
Xirsi wuxuu qorsheeyey in guriga la burburiyo oo Beebee la dulmariyo
laakiin Cali Hadh-dheer ayaa amray in suntan khatarta badan lagu
rido guriga, waxaananu la yaabnay markii uu Wasiirka Arrimaha Guduhu
u sheegay Odayaasha reerka inaanu ogayn weerarkii lagula baxay C/laahi
Abokor oo ahaan jiray masuulkii isaga ku xigay.
S: Ma ogtahay adigu waxa sababay khilaafka u dhaxeeya Odaygaaga (Wasiir
ku xigeenkii hore ee Amniga) iyo Xukuumadda?
J: Garan-maayo laakiin waxaan xasuustaa horaantii 2009-kii C/laahi
iyo Hooyadii oo wada sheekaysanaya ayaa waxaan hadalkeedii ka
xasuustaa oo ay hooyadii ku tidhi “Gabadhan Aamina Waris maaha
haweenay abaal leh waayo walaalkeed Cali Jirde oo soo koriyey oo wax
baray oo nolasheeda oo dhan lahaa ayey ka xishoon wayday oo isaga oo
buka oo sariirta saaran ayey Maxkamadda uga yeedhay si ay u
dhaxal-wareejiso, maadaama oo walaalkeed Cali Jirde aanu dhalin
caruur balse uu caruur soo korsaday” waxaanay C/laahi Abokor
hooyadii intaas raacisay “gabadha walaalkeed oo ildaran oo
xanuunsanaya qiimayn wayday oo ka xishoon wayday ma cid kale ayey
qiimayni hooyo?”. Markii ay C/laahi hooyadii intaas tidhi ayuu
isaguna ugu jawaabay “Ilaahay ayaa wax qiimeeya inay doorashada ku
guulaysan iyo in kale Alle ayaa og laakiin hooyo waa gabadh eedo ii
ah oo ilaa caruurtii walaalkeed dhalay ee Ilma Xasan Jirde UDUB ka
noqdeen ee waan la shaqaynayaaye hooyo iigu ducee”.
S: Ugu danbeyn ma jiraa wax baaq ah oo aad u dirayso bulshadda
Somaliland, Xukuumadda amabase beesha caalamka oo aad codsan lahayd?
J: Haa, waxaan jeclaan lahaa inaan fariin u diro bulshadda
Somaliland ee wanaaga jecel iyo beesha caalamka, kuwaas oo aan ugu
baaqi lahaa inay ka dhiidhiyaan xumaanta iyo dulmiga xukuumadda
Siilaanyo waddo, waxaanan kula talinayaa in diidaan oo aanay aqbalin
waxkasta oo cadaalada ka fog. Anigu imika waxaanu ka mid nahay dadka
dulmiga ku dhacay oo waxa caruurtaydii loo adeegsaday Sun ay
Qaramadda Midoobay joojisay sanadkii 1991-kii oo ka mabnuuc ah in
dadka loo adeegsado, markaa run ahaantii waxa dalka ka dhacayaa waa
nasiib darooyin jira oo aan loo dulqaadan karin oo waxaaban
odhankarnaa waxa dalka ka dhacaya wax ka daran wixii ka dhici jiray
wakhtigii Siyaad Barre. Aniga aabahay waxa uu ka mid ahaa ragii la
isku xidh-xidhay ee lagu laayey meesha la yidhaahdo Mako Durduro ee
dhawaan lafahooda la soo faqay, markaa wixii aabahay u dhintay in
maantana anigii iyo ubadkaygii lana dulmiyo waa nasiibdaro ee
bulshadda Somaliland ee cadaaladad jecel waxaan leeyahay ha yeelina
dulmiga xukuumadda Siilaanyo.
Timcade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|