Xaasaasiyadda Kulanka Guurtida ee Maanta iyo Dareenna da Madaxweyne Siilaanyo & Axsaabta Qaranka


Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Somaliland iyo xisbiyada qaranka, ayaa la sheegay inay isla qaateen in la taageero muddo-kordhinta Golaha Wakiillada oo Komishanka Doorashooyinku soo jeediyeen oo ah ilaa dabayaaqada sannadka soo socda ee 2011, kadib markii laga  shaki yey in Golaha Guurtidu fadhigi ay maanta yeelanayaan u kordhiyaan muddo afar sannadood ah.

Ma jiro war rasmi ah oo madaxweynaha iyo xisbiyadu ka soo saareen taageerada ay u  muu jiyeen soo jeedinta komishanka ee la xidhiidha muddo-kordhinta Golaha Wakiillada.

Hase ahaatee, siday Jamhuuriya u xaqiijiyeen xalay ilo xogogaal ah wadahadallo aan toos  a hayn oo ay shalay yeesheen madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID, ayaa la iskula qaatay in la taageero talada komishanka ee ah in muddada wakiillada loo kordhiyo ilaa dabayaaqada sannadka 2011, wakhtigaas oo komishanku sheegeen inay  doora sho ku diyaarin karaan, kadib markii ay soo baxeen tuhunno ku saabsan in xubno ka tirsan barlamaanku dabada ka riixayaan in Golaha Guurtidu muddo afar sanno ah u kordhiyo  wakii llada si muddada guurtiduna u noqoto shan sanno oo ay kuraast sii fadhiyaan.

Qoraal Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinku soo saaray dabayaaqadii bishii August ee la soo dhaafay, ayuu ku sheegay in komishanku ku talinayaan in muddada Golaha Wakiillada loo kordhiyo ilaa dhammaadka dabayaaqada sannadka 2011.

“Talo-soo jeedin:

Waxa Komishanka Doorashooyinka Qaranku uu soo jeedinayaa in Muddada Golaha Wakiillada loo kordhiyo ilaa iyo dhamaadka dabayaaqada sannadka 2011, iyada oo la soo hormariyo  do orashada Golaha Wakiillada,” ayuu Guddoomiyaha Komishanku ku yidhi qoraalkiisa.

Haseyeeshee, kulanka xaasaasiga ah ee Shirguddoonka Guurtidu isugu yeedhay Isniinta  ma anta xildhibaannada Guurtida oo ka dhici doona hoolka shirarka wasaaradda arrimaha  guda ha, ayaan la saadaalin karin natiijada ka soo bixi doonta, maadaama ay jiraan loollano  xoog gan iyo xildhibaanno isugu jira Wakiillada iyo Guurtida oo dabada ka riixaya sidii ay isugu  kor dhin lahaayeen muddo dheer, iyadoo madaxweynaha iyo xisbiyadu dareensan yihiin in aanay sharci ahayn muddo-kordhin afar iyo shan sanno oo dambe ah.



Source:Jamhuuriya Online