Xaalada s/land iyo waxa xal u noqon
kara doorashada la qaribay

 

 

Dalku maaha inuu khasaare galo iyo dhibaatooyin sii daba dheeraada

Hadiiba komishanku qalad galay kuna hab maamulkii doorashadana xumeeyay si dacadana u gudan waayay waajibkii saarnaa maxaa xala

1- ma qas iyo qalalaasaa xala ?
2- ma mudaharado cunuf wataa xala ?
3- ma is aflagaadeyn iyo afxumaa xala ?

waa hubaal in maalin kasta oo mudaharaad dhaco khasaare imanaayo kaas oo nafwaa iyo dhaawac hanti burburta iyo nolol maalmeedka oo hakad gasha inagu keena.

Waxa haboon in caqligu shaqeeyo maskaxdana la tuujiyo sidii loo sixi lahaa qaladkan dhaca y iyo musuq maasuqa ku yimi doorashadii degaanka komishanku waxa ay wadaan waa sii hurin xaalada hada taagan siday wax u wadaana waa mid aan xal u ahayn mashkilada ha da socota nin soo baxay ayaa hadana dhacay waa markhaati ay isku fureen in dooraasha du ahayd mid cadaalad daro ku dhacday[ lagana siisan maayo].

Hadii cadaalad daro dhacday oo ay taana maanta ogalaadeena waxa waajiba in komishan ka qaranku dhamaantood is wada CASILO waxa markaa imanaysa sidii loo xalin lahaa dhib kay ka tageen iyo umaday afka isku galiyeen ee is wada haysata [ AYAX TAG EELNA REEB].

Maamulka dawlada ayay ku waajib tahay inay xal u raadiyaan  ayagoo kaashanaya asxaab ta qaranka ee hore u jiray walibana talada wax kasiiyaan kuwa cusub ee soo baxay sidoo kalena wada hadal la yeesha madax dhaqameedka iyo guurtida.
ka fursan mayso in oadayaashii lagu caano maalay ee dalkan nabada kusoo dabaalay in badan talada wax laga siiyo. ilaahay cimrigiisa ha dheereeyee xaaji cabdi kariim xuseen iyo saaxibadii  ka fursan mayso inay markale maanta umada dhex dhexaadiyaan  maadaama siyaasigii xal u heli waayay mashaakilka jira xaaladuna kasii darayso.

dawlada somaliland

Dawladu waa central govermantka dalka iyo dadka hagaaya ee nabada haya ayaga la,aa ntood waxa dalku gali karaa dhibaato wayn oo horseedi karta bur bur sidaa daraadeed halagu fikiro in dawlada lafteeda la caawin lahaa si wadaniyadi ku jirtana loola shaqeeyo lana siiyo waqti ay arinkan ku mamusho kuna soo afjarto.


hadiise xaalku noqdo MIDI KU TAAG MIDI marka guul gaadhi mayno dhibkuna  waa sii balad hanayaa. inta sida qaldan u fikiraysa ee dabka sii hurinaya kuna taamaya in maamulka da wlada la wiiqo waa mid aad ku qaldan tihiin mana aha xal nabad iyo wanaag inoo keeni ka ra.

Dawlada iyo madaxda dalku haday qaldamaan macnaheedu maaha in inaguna aan isa sii kabaraacino oo dhankasta ka dumino nabaduna faraha haka baxdo.  taasi maaha mid caq liga saliimka ah iyo muwaadinka xalaasha ah uu qaato haday dunto dawladu nin walba way ka dumaysaa hadii ay duntana nabadu waa ka baxaysaa faraha hadii taasi timaadana
ka filo sida XAMAR tahay in xaalada soomaliland ku danbaynayso

HADABA UJEEDADU WAXAY TAHAY

Komishanku way qaldameen cadaalad darana waa ku kaceen daacadna may ahayn markaa MILAL KORKIISA LAMA DHAYO. waa in si waafiya oo mug leh dhaliisha loo saaro halkay lee dahay kuna dhiirano nina sharciga kama wayna kamana sareeyo  mustaqbalka in laga fikiro weeye oo maanta hadaad gacanta ku qabato musuq maasuqa waxa imanaysa bari in laga baqo masuuliyada iyo xilka umada loo qaadayo waa hadaynu rabno in xal loo helo mashki ladan doorashada degaanka.

Hadiisa ay taladeenu tahay calina gar leh caydiidna gar leh oo ahaa arimihii koonfur ku bur burtay inaguna waynu ku burburaynaa !!!!!!!!
gartu laba nin kama wada qosliso ragana runtu waxba ma yeesho ee waa in xiniinyo la yee shaa oo ku dhac la yeesho gartana lagu qaado halkay leedahay eedana aaan loo wada sinaan sidaana farta loogu fiiqo cida eeda iska leh oo ah komishanka qaranka ama waxa aan ku sheegay KOOXDA BUDHCAD DOORASHEEDKA.

GABAGABDII

Doorashadani waa dhacday musuq -maasuqna way ku dhacday komishankuna daacad may ahayn . marka waxa aniga ila quman in duuduub lagu liqo la isuna tanaasulo ayadoo naba d eena iyo dalkeena iyo dadkeena loo TUDHAAYO.
wax la sixi karaa ma jirto sababtoo ah hal xaaraani nirig xalaala ma dhasho bilowgii ayaa qalad lagu galay oo diiwaan galintii komishanku laalay dawlada iyo asxaabta qaranka iyo shacabka soomaliland ayaguna waa ku raaceen waxaan xasuusta qoraalo aan ka qoray aniga iyo xubno kale oo inbadan ka biyo diiday in la laalo diiwaan galintii.
laakiin wax na dhagaystay ma jirin sidaana dalka dhan ayaa isku raacay inay bilaa diiwaan galin ku galaan doorashada. marka inay tani dhacayso waa la wada garanaayay sidaana nin waliba waa ku shubtay xisbi kastaana waa ku shubtay waana lays boobay. cidii kala hagi lahayd ee xilkani saarnaana komishanka ayay ahayd ayana xilkoodii  waa gabeen.

Ugudanbayn

Arinkan halagu soo afjaro in shacabka iyo dawlada iyo asxaabtu isu tanaasulo ka dibna ee da la saaro komishanka

--sidaana lagu casilo xilkana laga xayuubiyo
-- in xadhig ay mutaystaan komishanku jeelna galaan
-- inay raali galin ka bixiyaan musuq-maasuqii ay dalka ka rideen

Maamulka dawladuna waxa la gudboon

Raalin galin buuxda inay shacabka siiyaan
in dadkii ku dhintay/ku dhaawacmay magdhaw la siiyo
inay baadhitaan ku sameeyaan asakartii dadka rasaasta ku furay
askarta maxkamad la horkeeno sharcigana lagu qaado
sababtoo ah askarta dhawr nin ayuunbaa xabada hoos u dhigaayay
hadii investigation lagu sameeyana waa lasoo heli karaa gacan ku dhiiglayaasha

wabilaahi tawfiiq

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen2011@hotmail.co.uk
UK