Xaalada
magaalada Wajaale oo Degan iyo Wasiiro is ku
dayaya inay Xoog u isticmaalaan Qabsoomida
Xaflad Taageero Loogu Raadinayo Xisbiga UDUB
Tog-Wajaale (Longlivesomaliland
News)- Mudahraad balaadhan oo Gilgilay Guud aha anba magaalada
Wajaale ayaa sakaa halkaasi ka dhacay, kaasi oo lagaga soo
horje eday mashruuc ay xukuumadu u bixisay Taageerayaal ka soo baxay
kulmiye ayaa UDUB- ku soo biiraya.
Mudahaardkaasi oo gaystay dhaawacyo fudud oo ka soo gaadhay
masuuliyiin ka ti rsan Dawlada hoose Degmada Tog-wajaale oo
dhagaxaan lagu weearay saaka ma rkii ay udiyaar garoobeen inay
bilaabaan Xafladii balaadhnayd ee Wasiirada iyo Bad hasaabku
hogaaminayeen oo lagu soo dhawaynayo sida ay sheegeen Taageerayaal
ka soo baxay kulmiye.
Guud ahaanba jawiga Magaalada Wajaale ayaa Degan maanta galinkii
danbe, ka dib markii la joojiyay Xafladii uu Xisbiga udub ka waday
Degmada Wajaale, taasi oo ay Taageerayaasha kulmiye rafeceen saaka
subaxdii hore.
Ciidanka Booliska Wajaale ayaa saaka Rasaas ooda kaga qaaday
taageerayaashii kulmiye Waxaana la sheegay inay Xabsiga utaxaabeen
inta la ogyahay ilaa 11 qof oo iskugu jira gumar iyo ghalinyaro,
kuwaasi oo saaka ka dhex muuqday mudahara adkii lagaga soo
horjeeday Xisbul xaakimka udub iyo Xukuumada Daahir Rayaale kaahin.
Xisbiga kulmiye ayaa taageero xoogan ku leh Degmada Wajaale, iyada
ay dadwayna Wajaale nacay ay ka qabaan Xisbiga udub iyo Xukuumada
Riyaale , koofiyadihii iyo Calankii UDUB uxidhay Ay-da Darbi jiifka
ah ee magaalada Wajaale, kaasi oo ay tilma ameen in Taageeradii
Xisbiga udub ee Wajaale ay sii hayaan oo kaliya Ey-da nijaasta ah,
ee ku dhaqan Wajaale.
Xukuumada Rayaale ayaa isku dayday inay Xoog ku qabato Xaflada
taageerada lo ogu raadinayo Xisbiga udub taasi oo u suuro gali
wayday ilaa xalayna ay ku xanibna ayeen Wasiiro ka tirsan
Xukuumada riyaale iyo Maamulka Gobolka Gabiley ee Xisbiga udub.
Maaha markii ugu horaysay ee Xisbiga udub ku hungoobo Wajaale,
waxaana caado u noqotay Xisbul Xaakimka udub in dadwayne lacag la
siiyay oo la soo ururiyay la yi dhaahdo waxay ka soo bexeen xisbiga
kulmiye.
Ciidanka badan oo Gaaf wareegayay magaalada oo laga soo guray
Gabiley iyo waja ale ayaa isku dayaya inay joojiyaan kacdoonka
Shacabka wajaale iyo Xisbiyada isbe del doonka ah, waxaanay
mar labaad qorshaynayaan inay Caawa qabsoonto, xaflad ii ilaa xalay
suurto gali la,ayd, iyada oo ay Wasiirka Ganacsiga, Wasiiru Dawlaha
haw laha Guud, Badhasaabka Gabiley ay geed dheer iyo geed gaabanba u
fuuleen sidii ay u qabsoomi lahayd Xafladaasi.
Wixii ka soo kordha kala Soco Shabkada Wararka ee Longlivesomaliland
News
C/risaaq Aw daahir (C/risaaq Dhago)
Longlivesomaliland News Desk
Tog-wajaale office Somaliland
|