Xaalada
Ceel bardaale oo degen, Go,aamadii xu kuuma d a oo aan fulin
iyo xallinteeda oo Xu rguf dhex dh igtay Madaxwayne Riyaale iyo
Gen.Nuux Taani

Hargeysa (LongliveSomaliland
News)-Wararka ka imanaya dhul daaqsimeedka deega anka ceel
bardaale ee shaqaaqadu ka dhacday ayaa sheegaya In xaalada goobihii
lagu dagaalamay ay haatan degan yihiin. Waxa halkaa imika ku sugan
ciidamo badan oo ay xukuumada Somaliland gaysay. Labadii ciidan
beeleed ee dagaalamayayna ay is horfadhiyaan. Inkasta oo ay
xukuumada Somaliland soo saartay go’aan sheegaya In goobta uu
dagaalku ka dhacay laga dhigo goob ciidan oo ka caagan in ay
halkaasi joogaan cid hub haysata, waxase ay wararku sheegayaan in
ciidan beeleedyadii oo hubkoodii haystaa ay wali Is hor fadhiyaan,
lagana cabsi qabo in dagaal uu mar kale halkaasi ka qarxo. Waxa
wararka halkaa naga soo gaadhayaa ay sheegayaan in ciidamadii
dawlada ee halkaa la geeyay ay qaadan la’yihiin amarkii ahaa In
ciidan beeleedyada hub ka dhigis ku sameeyaan.
Iyada oo warar la isla dhex marayaana ay sheegayaan In arintaasi ay
sababtay khil aaf ba’an oo soo kala dhex galay jananka guud ee
ciidamada qaranka Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani iyo
Madaxwaynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, inkasta oo
aanay jirin cid si dhab ah arintaasi u xaqiijinaysa.
Wararka kale ee halkaa ka imanayaa waxa ay sheegayaan in la helay
maydka mid ka mid ah ciidan beeleedka Gabiley. Marxuumka dhintay oo
lagu magacaabi jiray C/laahi Colhaye Abraar, waxa ay wararku
sheegayaan in marxuumkani uu u galay ciidan beeleedka Borame,
sidaana ay ciidankaasi ku dileen. Waxa warar kale ay sheegayaan In
Marxuumku uu iskii iskaga dhintay oo uu lahaa xannuunka dhiig karka
oo aad ugu kacsanaa.
Dhinaca kale wararka ka imanaya Magaalada borama oo ay shalay
mudahaadyo ka dheceen ayaa maanta degan, waxaa kale oo ay wararku
sheegayaa in Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkii shalay ee Deegaanka
ceelbardaale oo ay ka mid ahaayeen, Nuur aw Daahir Good oo ay Xabadi
kaga taalo dhabarka, Maxamed Muuse Mooge oo xaaladiisu aad uliidato
sanbabka iyo beerka dhexdoodana xabadi fadhido, iyo Xuseen Aw
muxumed madar oo ay isagana lugta dhaawac ka soo gaadhay, oo barrito
loo qaadi doono Dalka jabuuti.
Guud ahaanba waxa dalka gaar ahaan caasimada Hargeysa ka socda
dhaqdhaqaaqyo la doonayo in lagu baajiyo dagaalo kale oo ka dhex
qarxa labada beelood ee walaalaha ah ee ay dirirtu ka dhaxayso,
kuwaasi oo ay ka mid yihiin: salaadiinta Somaliland, cuqaasha,
Culimaa’udiinka, odayaasha iyo dhallinyarta iyaga oo ka xun
dagaalkaasi.
Dirirtan dagaalka ayaa ah mid soo noqnoqonaysa iyaga oo deegaankaasi
ay beel waliba gaarkeeda u sheeganayso. Inkasta oo ay gudi ay
guurtida iska magacaabeen ay dhawaan soo saareen go’aan kama
dambaysta ah oo xal u ah dhibaatadan hadana wali arintaasi ma ay
noqon mid fulinteeda lagu guulaysto.
Xukuumada Somaliland ayaa iyadu ka gaabisay kaalintii ay ku lahayd
wax ka qabashada arintan.
LongliveSomaliland News Desk
Hargeysa Office Somaliland
|