Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Talooyin U Jeediyay Tartamayaasha Doorashada

 


Xaaji Cabdikariim Xusseen Yuusuf(
Cabdi-Waraabe) ayaa dardaaran u jeediyay dhinacyada tartamayaasha ah ee haatan khilaafku u dhexeeyo.


Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Xaaji Cabdi oo shalay ka hadlayay  mun aasibad loo sameeyay arday ka qalin-jebisay Jaamacadda Hargeysa, waxa uu dhinacyada siyaasadda iyo bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan Nabadgelyada iyo dawladnimadooda. “Anigu waxaan isu malayn, maxfal dambe oo intan le’egba in aanan imanayn oo way iga dhan tahay. Waxyaabaha Tacliinta la xidhiidha aad baa looga hadlay, laakiin waxaan doonayaa maxaa Tacliinta lagu gaadhayaa, maxaa Masaajid lagu gaadhayaa? Waxa lagu gaadhayaa Nabadgelyo, waana in Nabadgelyada aynu ilaashanaa.

Jaamacad la isugu iman maayo, Jaamacad la dhigan maayo, Iskuul la dhisi maayo, Masaajid la geli maayo oo la dhisi maayo, haddii aanay Nabadgelyo jirin. Meel walba waxaynu ku gaadhaynaa waa Nabadgelyo, markaa  Nabadg elyada aynu ilaashano, shacabkuna amaan buu leeyahay.

Raggii soo tabcayow hayska daadinina biliqyadaa yar oo cadow badan baynu leenahaye Caanaha ha inaga daadinina. Dhismahan (dawladnimada) waa la idiinku cadow, rag baa idinku maqan oo xataa Jamhuuriyadda Somaliland mijo-xaabkeedii badhkaa idiin col ah oo dibadda ka jooga oo Somaliland ka qawaday. Raggii soo dagaalamay badh wuxuu yidhi, ‘Somaliland idin deeqi mayso oo waa ka dibadda u baxay,’ badhka soo hadhayna badankoodu waa camal (shaqo) la yihiin.

Waxaan idin leeyahay; nimanka siyaasiyiinta ah ee tartamow sharaf ku  tart ama, dadweynahowna Nabadgelyada ilaashada oo ninka buuqa kicinaya ka raacina. Tartama oo sharaf ku tartama, ka soo wada qaybgala Doorashada, kalgacal ku tartama kii helaaba waa reer Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Xaaji Cabdikariim Xusseen. Wuxuuna ardayda qalin-jebisay kula dardaarmay inay ka fogaadaan qabyaalada iyo balwada, isla markaana ay ka shaqeeyaan horumarinta dalkooda.



Source: Hormoodnews