Xaaji Cabdi Waraabe oo shicibka uga digay in ay iska ilaliyaan waxii kala qaybinaaya

 

Gudoomiyaha gudida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland Xil. X. Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) ayaa shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay iska ilaaliyaan waxyaabaha ku keeni kara kala qaybsanaan iyo tafaraaruq dhexdooda ka dhasha, isla markaana iska dhaafaaan is gaashaanbuuraysiga ku dhisan beelnimada iyo qabyaalada si loo gaadho yoolka aynu higsanayno iyo qaranimada aynu halkaa ku soo gaadhnay.
Xaajigu waxa uu sidaa ka yidhi kulan ballaadhan oo loo sameeyay dood cilmiyeed lagu falanqaynayay Nabadgelyada iyo amniga Bulshada oo shalay khamiistii lagu qabtay Masjidka weyn ee Cali Mataan (Ex-Oriental) ee Badhtamaha Caasimada HArgeysa.

Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo lagu yaqaano khudbado xambaarsan murti iyo waayeelnimo, uu si sarbeebaysan ugu soo qaato hadba xilliyda ay jiraan dareenada ijtimaaciga ah, waxaa uu madashaa ka soo jeediyay hadal odaytinimo huwan oo uu hogaamiyayaasha bulshad ugu hogotusaalaynayo waxyaabihii uu u soo joogay iyo waayo aragnimada uu ka dhaxlay, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay: " MArkii aynu Burco isku dhaarsanay waa kii hadana dabku inaga dhex kacay, markii Xaafadaasi wareertay (Deegaanka koonfurta Hargeysa ee uu ka soo jeedo) baan soo hadhay aniga iyo ninkii Libaaxoo la odhan jiray, Masaajidkan (Cali Mataan) ayaanu nimid, nimcadaa aad haystanaa haddaad garan weydo waa tacabkaa ba'". ayuu yidhi Xajigu

Xaajigu isaga oo ka hadlayay dhibaatada ay Qabyaalladu leedahay iyo cidhibta ay bulshada ku reebto waxa uu yidhi " Sheekhu waxa uu yidhi qabyaalada ayaa ku shuqlay fidnada Soomaalida, waa run oo waxaad ku garataa ninka kursiga ku fadhiya waa qoloma ayaa lagu odhanayaa, Madaxeynuhu waa ayo, wasiirku waa ayo,?. Markaa qabyaaladii wali kamay bixin oo badao baynu nahay ilaa aad taa ka baxnana ubadkiina ubadkiisu u aayi maayo oo nabadgelyada ku inticfaacimaysaan oo wax dhigashada ka dhargi maysaan." ayuu yidhi Xaaji Cabdi waraabe.

Xaaji Cabdikariim waxa uu shacabka ugu baaqay inay maamulka iyo nidaam wanaaga jeclaadaan isaga oo tibaaxay in Madaxweynayaashii Somalia iyo Somaliland soo maray uu Madaxweynaha Haatan ee Somaliland Daahir Rayaale yahay Mdaxweynihii ugu fogaa, " WAxaynu doonaynaa in dawladnimada la jeclaado, wali mayno jeclaan, ninka dawlada jecel ceebaa loo yaqaan, maaha kan fadhiya uun in daaya la leeyahay haddii laga helana ka kale waa in daaya la yidhaa, hadduu helanda waa in aynu siiinaa.

Sida runta ah Madaxweyne Rayaale Mdaxweyne iiga fogi wali Soomaali muu soo qaban laaiin mid baan ku jecelahay, Reerkiinan dhexe haddii la idiin dhiibo idin ictiraaci mayso, waar qabyaalada beesha dhexe (Isaaqa) ha ka baxdo haddii ay sii wadaan Ciise iyo Samaroon xagaas bay ka sii jeedsanayaan oo ninba meel ayuu u duulayaa. Ninkaad doontaan ugu rid laakiin Carrabka wax reer hebel la yidhahdo afka ka ilaayiya. kuwan hayana waar waynu baranay , bal geeska afrikaba wax inala mid ah arag"..

Markaa waxaan idin leeyahay dhibaatada iyo qabyaalada waxa lagag baxayaa gobonimda bilayska wada ilaaliya, xukuumada wada jeclaada, kii soo fadhiista uun baynu la shaqaynaynaa, Anigu Kursigaan la saaxiib ahay kolba ka ku fadhiista ayaan oday u ahay" ayuu Xaajigu hadalkjiisa ku soo xidhay.




Qarannews