Xaaji Cabdi Waraabe Oo Sheegay In Dariiqa Ugu Dhaw Ee Ictiraaf Lagu
Heli Karaa Ay Tahay Kulan Ay Yeeshaan Madaxweyneyaasha So ma li land
Iyo Somalia, Kuna Baaqay In Diiwaangalinta Ururada Shuruud Looga
Dhigo $50,000

“Sheekh Shariif Hadaanu Hortagin Oo Aanu Ku Odhan Waar Meel Ma
Haysid Adiga Iyo Dadkaaguba Baaba’baad Tihiin, Dadkaagana Wax U Qabo,
Anagana Na Aqoonso, Waa Waddadii Ictiraafka S/Land Loo Marayay”
Hargeysa, July 17, 2011 (TNN) – Xaaji Cabdi Kariim Xuseen Yuusuf (Cabdi
Waraabe) oo ah xildhibaanka ugu da’d a wayn xildhibaanada labada
gole ee Baarlamaanka Somaliland, ayaa sheegay in kulanwada hadal oo
dhex mara Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
iyo Madaxweynaha dawlada TFG-ee Somalia Sh eekh Shariif Axmed uu
yahay dariiq ay Somaliland ku heli karto Ictiraaf, isla markaana
Somalia ay dani ugu jirto Somaliland oo la Aqoonsado.
Xaaji Cabdi Cabdi Waraabe waxa kale oo uu sheegay in shuruudaha
diiwaangalinta ururada siyaasada laga dhig o ugu yaraan lacag dhan
$50, 000, waxaanu cadeeyey inay qalad ahayd habdhaqankii hooseeyey
ee xukuuma du ku qaabishay madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin
markii uu dhawaan dalka ku soo guryo noqday.
Xaaji Cabdi Kariim, waxa kale oo uu sheegay, in wasiirka Duulista
hawadu Maxamed Xaashi Cabdi uu masuuliyada ficiladii ka dhacay
Madaarka Cigaal ee Hargeysa uu lahaa.
Xaaji Cabdi Kariim Xuseen ayaa sidaasi ku sheegay mar uu shalay
Haatuf ugu waramayay Hargeysa, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay,
shirarka beelaha Somaliland ay gaar gaarka u qabsananayaan,
hogaaminta Madaxweyn e Siilaanyo iyo duruufaha amaan daro ee ka
taagan gobolka Sool.
Isaga oo ka hadlaya sida uu u arko wararka maalmahan ugu dambeeyay
ay warbaahinta qarkood qorayeen ee ku saabsan kulan wada hadal oo
midowga Yurub doonayo inuu isku soo hor fadhiisiyaan Madaxweyneyasha
Som aliland iyo Somalia ayaa isagoo ka hadlaya Xaajigu arrinkaasi
waxa uu yidhi “Arrintaasi sharaf bay leedahay wa a lala hadlayaa,
nin gar loo diriray iyo nin bilaawe leh oo marsaday baa rag u liita
baa la yidhi, Sheekh Shariif had aanu hortagin, oo caalamku iskugu
yeedho, oo aanu ku odhan waar meel ma haysid adiga iyo dadkaaguna
baab a’baad tihiin, dadkaagana wax u qabo anagana na aqoonso, waa
waddadii ictiraafka Somaliland loo marayay we eyaan”
Xaaji Cabdikariim mar aanu waydiinay, sida uu u arko habdhaqankii la
sheegay inuu meeqaamka aad u hooseey ay ay xukuumadu ku qaabishay
madaxweynihii hore Daahir Rayaale dhawaan markii uu ka soo dagay
madaarka Hargeysa, oo wqasiirka duulista hawada lagu eedeeyay inuu
ka horjoogsaday dadkii soo dhawaynayay, waxa u yidhi ‘Qalad baa
dhacay, qaladkiina waa la saxay, wasiirkuna waa bani’aadam, oo wax
buu qoonsaday waana lala hadlay, hadalo aan daw ahayn oo qalad
ahaana way ka dhaceen, isaguna wuu ka garaabay” Xaaji Cabdi kar iim
(Cabdi Waraabe) oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray “Waar
madaxweynuhu wax walba xaal ka bixin maayee inankii yaraa ee
Airport-ka joogay ee wasiirka ahaa raali galin buu ka bixiyay inuu
arrinkaasi qalda naa gar lama qadine wixii qaldamaba cid uun baa leh”
Mar aanu waydiinay, aragtidiisa ku wajahan shirarka beeluhu
qabsanayaan ee dalka ka socda, waxa uu yidhi “Wixii wanaag ku shira
ee wanaag iskugu yimaada ee yidhaahda xukuumada iyo calankeena aynu
isbarbar taag no waa daw, waxna waanu qabsanaynaa, xukuumadu ha
eegto, waa wanaag, laakiin shirkii kale ee qabyaalada wada halayska
ilaaliyo , shir beeleedyadu fidmay dabada ku wadaane”
Xaaji Cabdi kariim oo la waydiiyay, maadaama shirkii beeshooda
Ciidagale ku yeelatay dhawaan Hargeysa uu ka qaybgalay, beesha
bariga ee uu madaxweynuhu ka soo jeedaana Gar-adag hore ugu shirtay
asabaabaha keent ay inuu yidhaahdo shirarka beeluhu fidmay dabada ku
wataan iyo qabyaalad, waxa uu yidhi “Shirkaa beeshu yeelatay waan ka
qaybgalay, mucaaridna Ciidagale may noqonin, moqona maayaan, mana
ogolin, xukunkana xukuumada leh, beeshii wanaag ku shiraysa ee
arrimaha dhaqankooda iyo tabasho tirsanaysaana waa macne, reer
Hargeysa ha iska soo sharaxaan, Burcana burco ha iska soo sharaxdo,
reer Booarmena Boorame hayska soo sharaxdo Ceeb maaha”
Mar aanu su’aalnay sida uu arko shuruuda lacageed ee madaxweynuhu ku
xidhay ururada siyaasada ee lagu diiwaangalinayo $25,000, waxa uu
yidhi “Anigu waan ka badani lahaa-ba oo waxaan ka dhigi lahaa ururka
siyaasadeed ee is diiwaangalinaya ugu yaraan $50,000 intay ugu yar
tahay ayaan ka dhigi lahaa in laga qaado, ninka isa soo sharaxayna
wax baa loo goyn doonaa, anigu kaliday qiimo u goyn maayee”
Xaaji Cabdi, oo aanu waydiinay sidauu u arko xantiisa siyaasadeed ee
lagu sheego in madaxweynihii yimaadaba qalad iyo saxba uu ku
taageero, waxa uu yidhi “Aniga qaladka kala hadla, oo
madaxweynayaasha runta u sheega oo wixii qaldan ka baydh idhaahda,
laakiinse madaxda suuqa kama caayo”
Xaaji Cabdi kariim, oo aanu su’aalnay dhaliilaha shacabku u jeediyo
xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo arag tidiisa ku wajahan
duruufaha amaan daro ee ka taagan Laascaanood iyo Sool, waxa uu
yidhi “Madaxweynuhu si wanaagsan buu dalka u wadaa, waa qabar sanaac,
si xuna uma wade dadkaan samir lahayn, wixii qalooca ee jira waa in
qumaati loo sheegto, Laascaanoodna xukuumadu talaabo wanaagsan bay
ka qaaday, oo waif bay u dirtay muddo dheer fadhiyay, googol
nabadeedna waa loo dhigay madaxdhaqameedyadii iyo waxgaradkii gobo
lka Sool”.
Xigasho: Wargayska Haatuf
|