Xaaji Cabdi Waraabe Oo Garaadada Dhulbahante Ee Dibad Ware ega Ah Uga Digay Colaadaha Ay Ka Oogayaan Buhoodle, Faro olaha Puntland-na Ku Tilmaamay Nin Tiisaba Daryeeli Waayay

 



“Inta Aydin Colaad Iyo Dagaal Ku Foogan tihiin kaalaya Madaxweynaha S/Land isku sharaxa, hore looma arag Madaxdhaqameed duurka u gala inuu Dhiigg daadiyo”
X. C/Kariim



Hargeysa, February 12, 2012 (TNN) - Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) oo ah xildhibaanka ugu da’da wayn xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Somaliland ay aa ugu baaqay Madaxdhaqmeedyada beelaha Dhulbahante iyo Maleeshiyaadka Nabad-diidka ee colaadaha ka wada deegaanka Buhoodle inay joojiyaan xabada, isla markaana aqbalaan go goshii nabada ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u fidiyay, waxaanu Gara adada beelaha Dhulabahante ee dibada wareega ah ugu baaqay inay colaadaha Somaliland ka tanaasulaan.

Xaaji Cabdi Kariim waxa u tilmaamay in wixii tabasho ah ee ay qabaan ay soo hordhigaan gog osha wada hadalka, isagoo Madaxweynaha Maamul goboleedka Majeerteeniya C/raxmaan Fa roolena ku eedeeyay nin hanan kari waayay xilka loo cumaamaday, kaas oo uu u digay colaad iyo qalalaase uu usoo abaabulo Somaliland.

Md Xaaji Cabdi Kariim Xuseen (Cabdi Waraabe) waxa uu sidaasi ku sheegay xogwaraysi koob an oo uu wargeyska Haatuf shalay kula yeeshay xarunta Baarlamaanka, kaas oo aanu wax kaga waydiinay weerarada gaadmada ah ee Ciidamada Qaranka ay ku soo qaadayaan Malees hiyaadka Nabad-diidka ee deegaanka Buhoode colaada ka wada, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi “Beeshaa Laascaanood iyo Buhoodle degtaa waa beeshii reer Somaliland hogaamin jirta y, waxaan idin leeyahay waar walaalayaal colaada joojiyaaad wadaan oo gogosha Nabada ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo idiin fidiyay aqbala oo wixii tabasho ah ee aad qabtaan si nabad galyo ah u soo bandhiga, Somaliland waxaan wanaag ahayn oo aydiin ma jirto, shaydaanka is ka naara, waana ceeb Madaxdhaqmeedyo colaad oogaya oo duurka u galay dagaal iyo xabad, balse Garaadada iyo salaadiintu waxay ku shaqayan jireen nabadgalyada iyo wadajirka dadka, sidaa darteed waxaan idin leeyahay Madaxdhaqameedow colaada dibad wareega ka soo hoy da”

Xaaji C/kariim oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray “Kaalaya oo Madaxweyne iskaga so sharaxa Somaliland, ninka colaada iyo dagaalka ka wada Buhoodle iyo Sool waxaan leeyah ay Somaliland ka daaya oo Madaxweyne isku soo sharaxa doorashada danbe, Madaxweynaha Puntland Faroolena waxaan leeyahay nin tiisii-ba daryeela ayaa tu kale ku dara, nasiib darase taladii loo dhiibay ayaabu hanan kari waayay isagu mana aqbalayno in wiilashayada uu colaad iyo xabad usoo dhiibo, oo aad Somaliland xasilooni daro ka abuurto, ninka madaxda ahina meelkasta oo Somali joogto waa inuu nabada ka shaqeeyaa, balse looma baahna inuu colaad ka dhex huriyo dadka walaalaha ah ee wada dhashay”.

source:haatuf