Xaabsade Oo Sheegay Inaan Xuduudaha Somaliland Lagu Badali Karin Isir Iyo Wada Dhalasho, Madaxweynaha Puntland-na Uga Digay Inuu Ku Soo Xad-Gudbo Sool Iyo Sanaag

 


“Xidhiidha Somaliland Iyo Itoobiya Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Haya Waana Kolba Sida Uu U Dhigo, Ha ybtu Macno Ma Laha Dhulkana Sharci Iyo Xuduud Baa Yaala, Faroolena Shaqo Kuma Laha Sool Iyo Sana agAxmed Cabdi Xaabsade

Hargeysa, December 20, 2010 (TNN) - Guddoomiyihii ugu horeeyay ee golaaha wakiilada Somaliland ee shirkii Boorame lagu soo dhisay 1993-kii Xukuumaddii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Axmed Cabdi Xaabsade ayaa uga digay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole inuu ku soo xad-gudbo xuduuda Somaliland gaar ahaana Sool iyo Sanaag.

Isaga oo intaa ku daray, in xuduudii Somaliland ee 1960-kii taalo, isla markaana aan lagu badali Karin Isrir iyo hayb toona.

Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade waxa kale oo uu sheegay in madaxweyne Siilaanyo ay ku xidhan  ta hay kolba sida uu u dhigo xidhiidhka Somaliland ka dhexeeya dalka Itoobiya, isagoo ugu baaqayna, in dawladaha Geeska Africa oo dhan cilaaqaad siyaasadeed lala yeesho. Axmed Cabdi Xaabsade oo aanu shalay galab khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay isaga oo ku sugan magaalada Laascaanood oo ka soo laabtay shirkii nabadaynta ee lagu qabtay dalka Itoobiya, isaga oo ugu horayn aanu weydiinay sida uu u arko khilaafka golaha wakiilada ka aloosan, waxa uu yidhi “Hadaad tihiin Baarlamaankii dalka idinkaa dalka xukuma, sharci dajintii waa idinka go’aankana idinkaa leh, ummadu golihina ayay ka toosi kartaa ama ka tabi kartaa, waxaad haysaan taladii dalka haday musuqmaasuq tahay, sharci toosin tahay, haday maamul wanaag tahay idinkaa dalka xukuma, xukuumada idinkaa sharciga u haya haday qaloocato idinkaa toosin kara, haday wanaag tahayna idinkaa hogaamin kara waxaan idin leeyahay iska ilaawa hebel baa sidana iyo hebel baa qalad wada iyo hebel baa xisbigan ah mar haddii aad gole Baarlamaan aydin noqoteen gole qaran baad noqoteen ee ka baxa qof diid iyo qof jeclaysi, haddii  hoga amintu idinka xun tahay hogaamin wanaagsan samaysta oo wax ku oola, waxaan idin leeyahay iska daaya shillimaad aad doontaan iyo lacag aad kordhisataan, dalku waxa uu ka dhismaa ama ka burburi karaa waa idinka, muddadii aan idinla joogayna Baarlamaan fiican maydaan ahayn, manaydaan lahayn hab-dhaqan Baarlamaan, waxaad ahaydeen niman iska soo hor jeeda oo maalinba u yaacaya, waxaan idin leeyahay ummada ka daaya jahawareerka oo dib iskugu noqda”

Mar aanu weydiijnay mushaharka xad-dhaafka ah ee ay korodhsadeen golaha wakiiladu iyo ciidamda iyo shaqaalaha oo aan wali loo kordhin, waxa uu kaga jawaabay “Horta arrintaasi ma fiicna inay golaha wakiiladu baahi muujiyaana maaha oo maalinba cid dilaalaana ma haboona inay waxaan meesha oolina isku kordhiyaana ma fiicna, wax noloshooda kaafiya haday helaan oo ay qaataana waxba lagama rabo, laakiin waxaan leeyahay ka daaya sida aad maanta wax u wadaan, ummaduna way idin eegaysaa  wax aanad noqon doontaan niman naftooda uun u soo shaqo tagay, shaqaalaha iyo ciiidamadana mushaharka ha loo kordhiyo”

Mar aanu weydiinay sheegashada madaxweynaha Puntland ku doonayo Sool iyo Sanaag, waxa uu yidhi “Faroole shaqo kuma laha Sool iyo Sanaag iyagay u taalaa waxay yeelayaan nina u sheegi maayo, uga daba fadhiisan maayaan iyagay taladu u taala”

Mar aanu weydiinay sida uu u arko shidaalka uu doonayo in Faroole ka qoto deegaanada koonfurta Laascaanood ee la sheegay inuu ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah u keensaday, waxa uu yidhi “Taasi ma suurto galayso waxa shacabku doonayo ayuun bay noqonaysaa, Faroole-na ciidan uma soo kaxaysan karo”

Mar la weydiiyay, in damaca Faroole salka ku hayo Isir wada dhalasho oo uu ku sheegayano Sool iyo Sanaag bari, waxa uu yidhi “Hayb waa laysku noqdaa laakiinse sharci iyo dhul baa dad isku hayba ayaa dalal kale kala dagen, kuwo isku hayb ahina way wada dagan yihiin, haybtu macno malaha qabyaalada Ilaahay baa caayay, qabyaaladana dawlad laguma noqon karo, waxna laguma dhisan karo qowmiyada ayaa ka fiican, Somaliland xuduudo la yaqaano ayay leedahay oo lama taabtaana”

Mar aanu weydiinay xad-gudubka iyo dhul fidsiga maamulka Faroole ee bariga Sanaag, waxa uu yidhi “Faroole kuma soo xad-gudbi karo Somaliland Sool iyo bariga Sanaag”

Mar aanu weydiinay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeya sida uu u arko madaama uu safar nabadayna kaga soo laabtay kililka shanaad ee Itoobiya, waxa uu yidhi “Somaliland iyo Itoobiya xidhiidhkooda madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa haya, sida uu u dhigo ayuun bay noqonaysaa, in Geeska Africa oo dhan xidhiidh lala yeeshaana waa waajib”

 

 

Source:Haatuf