“Waxyaabaha Laga Cabanayaana waxa weeye Dawladii hore Dadka Ayay Wax
Siin Jirtay, Tanna……….”-XAABSADE oo Ka Warramay Amuuro Kala Duwan.
“Annagu dhaliilo uma aragno ee waxaan u aragnaa mucaarad, Dawlada
Axmed Siilaanyo waa Dawlad la soo xulay oo Hawsheeda qabsan karta…..Ninka
dhaliil sheegayaa waxa uu doonay aa in lacag inta layska soo qaato”
Hargaysa( TNN ) Wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka Md. Axmed Cabdi
Xaabsade, ayaa markii igu horaysay ka hadlay guddida wada hadalada
Somaliya ee lagu daray, kana waramay khibra diisa waayo aragnimo iyo
waxii uu u soo joogay, sida uu u arko dhaliilaha xukuumada uu ka tir
san yahay loo soo jeediyo, xaalada goabalka Sool iyo wasaarada uu
haatan wasiirka ka yah ay.
Wasiir Cabdi Xaabsade waxa uu arimahan kaga waramay waraysi gaar ah
oo uu xafiiskiisa ku siiyay wargayska Geeska Afrika, waxaanu u
dhacay waraysigaasi sidan.
Ugu horayn waxad war baxin kooban naga siisaa wasaarada hawlaha guud
ee dhawaan wasiir ka lagaaga dhigay?
Wasaarada hawlaha guud ee aan hadda wasiirka ka ahay, waa wasaarad
culus, dalkana u hay sa macne weyn, wasaaradan waxay haysaa
dhismayaashii dalka oo dhan iyo gaadiidkii dalka, labadubana maanta
waxay u baahan yahiin in laga shaqeeyo oo wax laga qabto, nashqadii
qar anka ayaa ay wasaaradani haysaa oo aan raacnaa, miisaaniyada ay
ku shaqayso iyo hawsha laga doonayaana waa wax kala badan, markaas
miisaniyadan maanta la ansaxiyay aniga way iga horaysay oo kama
aanan hawl galin, laakiin wax lagu shaqayn karo waa ay ka yartahay,
hasa yeeshee dalkoo dhan ayaa iska faqiir ah, dhib kalena ma jirto
oo hawshii waa in la qabt aa, waxii lagu qaban lahaana dawlada ayay
u taala in laga helo.
Mudane wasiir waxa aad ku jirtay gudidii loo xulay hordhaca wada
hadalada Somaliland ay Somaliya la galayso, wada hadaladaas qaab
caynkeeya ayaad ku bilaabaysaan? Mida kale wasiiradii kale waxay
kugu tilmaameen inaad ugu weyntahay da’ ahaan uguna khibrad badan
tahay, arintaas iyadana sideed ugu faa’idaynaysaa?
Horta sideedaba Somaliland iyo Somaliya waxay ahaayeen laba dal oo
walaalo,oo jaar ah, oo xadna kala leh, laba dawladood oo reer Yurub
ahina ay kala xukumaan, nasiib daro iyo nasiib wanaag miday doontaba
ha noqotee waa laysku geeyay, mudadii laysku geeyay anigu talaab
aday qaadaba waan la socday, ilaa markii xoriyada la doonayay ee
Ingiriiska la waydiisanay ay, ilaa markii laynoo ogalaaday iyo isku
darkiiba, runtiina Somaliya may doonayn inaan raacn o, laakiin
Somaliland ayaa ku qasabtay, waanata keentay in la yidhaahdo wax la
kala qoranay aa ma jirtee, duuduubkaas aan ku galno, duuduubkii
muddo yar oo aan bil dhamayn ayaa laga soo booday, ilaa maanta
burburkaas la soo gaadhay, Somaliland tabashadeedu waa ay taag nayd,
inqilaab shacbi ah iyo mid milatariyaba waa laysku dayay, intaasba
waa ay soconaysay, imikana anigu ma arko wax dib laysugu noqdo.
Waa la xisaabtamayaa waa laysku tagayaa, waxa waaqica ahna waa lagu
wada hadlayaa, ha dday garawsadaan walaalahayo inaanu ka go’no, waa
ahlan wasahlan, hadday garawsan wa ayaana muranku waa uu iska
taagnaanayaa.
Gudidayadii la saarayna wali isumaanu iman, waxaana naga
carqaladeeyay inaan isku nimaad no markii wada hadalkaan ku soconay
lagu soo daray laba nin oo Somaliland ka tirsan, waxaa na looga
jeeday si ay carqalad u timaado, markaas anaguna waanu diidnay inay
nimankaasu soo galaan, waayo waxa shirkii London lagu go’aamiyay
Somaliland oo gaara iyo Somaliya oo ay matasho dawladaas kumeel
gaadhka ah inay wada hadlaan, Somalilandna xadbay leedahay dadna wa
ay leedahay.
Wasiir Xaabsade xukuumadan aad kamidka tahay dhaliilo badan ayaa loo
soo jeediyaa, dhaliilahaas sideebaad u aragtaa?
Anagu dhaliilo uma aragno ee waxaan u aragnaa mucaarad, dawlada
Axmed Siilaanyo waa dawlad la soo xulay oo hawsheeda qabsan karta,
oo intaanu qabanay labada sanno ee wax yar ka hadhayna waa wax la
taaban karo, markaas ninka maanta dhaliil sheegayaa waxanu ogayn
dhaqaalaha dalka, waxaanu doonayaa in lacag inta layska soo qaad
qaato oo cid walba la siiyo, waxyaabaha badan ee laga cabanayaana
waxa weeye dawladii hore dadka ayay wax siin jirtay, tana
shaqaalahii ayay lacagtii u kordhisay.
Adiga oo mahadsan xaalada guud ee gobalkii Sool bal wax warbixin aha
naga sii?
Qaylada iyo dagaalkaas aad arkaysaan waxa wada, niman yar oo iyagu
dan gaar ah leh oo aan u danaynayn dadka meesha dagan, dadka nina
igama jecla inay wanaag helaan, waayo waan ka dhashay,waan ku
dhashay,waxna waan ku bartay, waar wax sheegta ayaa la leeyahay oo
gogal soo fadhiista hadlana, xagaasna waxa la leeyahay ha hadlina ee
meesha ka taga, iskuulada ha galina ee qalimaanta tuura, xabad baanu
idiin soo diraynaaye qaata xabada, umaddana looma hoggaamiyo meel
halaag ah, walaalahay waxaan leeyahay halaaga iska saara oo wada
hadal qaata, dooda, haddii waxii aad doonayseen la yeeli waayo
markaas hadla, laakiin marka ugu horaysa nin kugu yidhi aan wada
hadalno waa aan heshiino, lamana diidi karo gaalo iyo islaam cidii
ku tidhaahda aan wada hadalno. Gogashiina dhiga oo fadhiista anaguna
waanu idiin imanaynaa, waxaad doontana sheego xataa xidigaha cirka,
laakiin horta wax sheego.
Muddo bil iyo ayaamo ah deegaanadaas waxba kama ay dhacin,
daganaasho ayaana ka muuqda, daganaashahaasu maxuu salka ku hayaa,
ma wada hadalo hoose ayaa jira?
Dawladu wax dagaal ah ma wado, waxa jirtay mar Kalshaale qolaba mar
soo weerartay, laa kiin hadda dawladu waxay taagantahay aan wada
hadalno, aanu wada fadhiisano, wax allaale iyo waxaad doontaan
waraaqdaas cad qaatoo ku qorta, dadkuna dad kala maarmaya maaha,
Puntland waa la diiday, Xamarna horaa looga yimi, Somalilandna waxa
loo wada qaatay in aan dawladan wada dhisano waana la wada
dhistay,bina’aadam baynu nahay oo khaladaad badana waa ay iska
jiraan,laakiin waxay hadda taagantahay aynu wad hadalno oo wax
qaybsano isuna nimaadno oo aynu walaalawno.
Source: Geeska
|