W/Khaarajiga Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Socdaal S/land Uu Ku Yimaado Raila Odinga, Kana Hadlay Safarka Madaxwayne Siilaanyo Ee Britain Iyo Ciidamadda Amisom Ee Puntland Ku Soo Fool Leh

 

 



“Ma Jirto Wakhtigan Booqasho Rasmi Ah Oo Taariikhaysan Oo Labada Wadan Ay Isku Ogyihiin In Uu Raysal Wasaare Odinga Uu Yimaado Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar



Hargeysa, October 28, 2011 (TNN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cum ar ayaa sheegay in aanay jirin xiligan Socdaal uu Raysal Wasaaraha Kenya Raila Odinga uu ku imanayo Somaliland, isla markaana aanay labada dal isla ogayn wakhti cayiman oo Raysal Wasaaraha Kenya uu yimaado Somaliland.

Dr. Maxamed C/laahi Cumar Wasiirka Khaarajiga Somaliland ayaa sidoo kale ka hadlay socdaalka Madaxw eyne Axmed Siilaanyo ugu ambabixi doono maanta Dalka Britain, kaas oo ku tilmaamay safar u gaar ah Madaxwaynaha, isla markaana beeniyey inuu ka qayb galayo Shir la sheegay in Maamuladda Somalia uu uga furmayo Magaaladda London ee xarunta dalkaas.

Dr. Maxamed C/laahi waxa uu deedefeeyey in Madaxwayne Siilaanyo uu Magaaladda Adis ababa kulan kula sii yeelan doono Guddoomiyaha Midawga Afrika, waxaanu sheegay inay suurta gal tahay inuu Mada xwaynuhu la kulmayo Madaxda dawladda Ingiriiska.

Wasiirka Arimaha Dibadu Waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf waraysi khaas ah khadka tilifoonka ku siiyey isaga oo ku sugan Hargeysa, isla markaana waxa uu waraysigan ku soo qaad ay ciidamo la sheegay inay ka socdaan Midawga Africa oo la filayo inay dhawaan Puntland yimaadaan. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya safarka Madaxwaynaha ee Britain, waxa uu yidhi “Waa run Madaxway naha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu u baxayaa safar uu bari Jimcaha hadii Alle yidhaahdo uu kaga dhaafi doono, kaas oo ugu kicitimi doono dalka saaxiibtimadda badani inaga dhax ayso ee Britain. Hadaan u soo noqdo ujeedada socdaalka safarka Madaxwaynaha ee aad i waydiisay, waxa uu noqonayaa socdaalkan Madaxwaynu ku tagayo Ingiriiska mid shaqsi oo Madaxwaynaha u gaar ah, kaas oo la filayo inuu qaato mudo ilaa laba wiig ah Insha Allaah. Maadaama oo sida aan hore u soo sheegay uu Ingiriisku yahay dal aynu saaxiib nahay waxa suurta gal ah in Madaxwaynuhu kulamo la yeesho Madaxda dawladda Ingiriiska, hase yeeshee safark intiisa badani waa safar shaqsi oo khaas ah”. Dr. Maxamed C/laahi isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray “Arintaasi haba yaraatee maaha arin jirta, Madaxwaynuhuna uma tagayo Ingiriiska wax shaqo ku leh arimaha Somalia, isla markaa na waxba kama jiraan inuu cid Somalia ka socota uu la kulmayo, waxaanan idiin sheegayaa inaanay jirin wax marti qaad ah oo aanu ka helnay xukuumadda Ingiriiska ah”.

Wasiirku mar uu ka jawaabayey kulanka la sheegay inuu Madaxwayne Siilaanyo Magaaladda Adis ababa kula yeelan doono guddoomiyaha Midawga Afrika, waxa uu yidhi “Ma jiro shir u qorshaysan Madaxwayn aha iyo Guddoomiyaha Midawga Afrika oo imika jiraa ma jirto habayaraatee, hase yeeshee xukuumadda Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa ay xidhiidh iyo wada shaqaynba la leedahay ururka Midawga Afrika oo aanu ka wada hadalno qadiyadda Somaliland ee xaga siyaasada, isla markaana ay naga go’an tahay in Midawga Afrika uu qadiyadda Somaliland siiyo Martabadeeda. Arimahaasi waa arimo jira oo socda oo u socda Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo Midawga Afrika, laakiin kulankaas aad i waydiisay waxba kama jiraan wakhtigan”.

Ujeedada socdaalka waftiga Talyaniga ah, mar wax laga waydiiyeyna, waxa uu yidhi “Aduunyadu waxa ay ku baraarugtay oo ay qaadatay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo dawladda Somaliland ee Kalso onida shacabkeeda taladda ku haysa, hase yeeshee sida aad ka warqabtaan waxaan dhawaan Magaala dda Nairobi kulamo kula yeeshay Diblomasiyiinta dawladda Talyaniga u fadhiyo Kenya, haday tahay safiirkii hore u fadhiyi jiray iyo haday tahay ka cusuba. Waxaananu ka wada hadalnay in Somaliland iyo Talyanigu ay yeeshaan xidhiidh wada shaqayneed oo Mihiim ah, isla markaana ka dhaw sidii hore, sida laga warqabo Talyaanigu waa dawladaha waawayn ee reer Yurub ee sida tooska ah ugu dhexjira arimaha ka socda geeska Afrika, wakhtiyadii horena hore umay dhicin in Somaliland iyo Talyanigu ay xidhiidh toos ah wada yeeshaan, isla markaana wali may dhicin in wufuud heer Wasiir ah oo Talyaani ah ay booqasho ku yimaadaan dalkeena. Xidhiidhkan cusub ee Talyaniga aynu la yeelanayna waxa uu cadaynayaa dadaalka dawladdani ay ugu jirto inay qadiyadda Somaliland horgayso dalalka aan waxba kala socon, isla markaana aanu kala hadalno rabitaanka shacbiga Somaliland. Waftigan dalka ku sugan ee maanta-na Madaxwaynaha la kulmay ujeedada socdaalkoodu waa in dhidibada loo aaso xidhiidh wada shaqayneed oo ka dhaxeeyo labada dhinac, kaas oo ay noo sheegeen inay Somaliland ula macaamili doonaan si toos ah”.

Wasiirka khaarajiga Dr. Maxamed C/laahi mar uu ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd waxa ka jira so cdaalka la sheegay inuu Somaliland ku iman doono Ra’isal wasaaraha Kenya Mr. Odinga, waxa uu yidhi “Waxa xaqiiq ah oo marag ma doon ah in Ra’isal wasaaraha dalka Kenya uu yahay nin dhawr jeer ka hadlay qadiyadda Somaliland, dawladdeenuna ay kulamo badan la yeelatay, isla markaana la taliyaha xafiiska Ra’isal wasaaraha kala taliya arimaha Soomaalida waanu wada soconay oo waanu isa soo raacnay, waxaanan ku faraxsanahay inuu fariimo ka wado Ra’isal wasaaraha dalka Kenya oo ay ku doonayaan in xidhiidh iyo iskaashiba ay ka doonayaan Somaliland. Laakiin ma jirto wakhtigan booqasho rasmi ah oo taariikhaysan labada wadan ay isku ogyihiin in uu Ra’isal wasaare Odinga uu yimaado Somaliland, waxaanan ku rajo waynahay in mustaqbalka dhaw booqashooyinkaas la is waydaarsan doono”.

Mar wax laga waydiiyey mawqifka xukuumadda ee ciidamada la sheegay inay Puntland ku soo jeedaan, waxa uu yidhi “Sida laga warqabo Somalia waxa mudo dheer ka jirtay xasilooni daro baahsan, isla marka ana keentay in Midawga Afria uu ciidan keeno Somalia khaasatan Magaaladda Muqdisho oo nabad galyo daro badani ka jirto, anaguse mawqifka aanu ka taaganahay waa in shacbiga Somalia iyo maamuladoodi ay iska kaashadaan sidii loo nabadayn lahaa dalkooda. Mana aamin-sanin in ciidan wadan kale ka yimid uu sugi karo amaanka Somalia, hase yeeshee xalka ugu danbeeyaa waxa uu ku koobnaanayaa shacbiga Somalia. Hadii ciidan la keenayo Maamulka Puntland oo amaankooda laga caawinayo waa arin iyaga u ta ala, xukuumadda Somaliland mar walba mawqifkeeda ku wajahan arimahaasi waa in Mandaqadu noqoto goob Xasiloon oo dhibaatooyinka badan ee ka taagan xal loo helo”.
 

Source:Haatuf