Wixii
Wacanbaan Wad Laga karine Wajaale Wanaag
sanaydaa

walaalo waxaad iga gudoontaan
salaan qaali ah walaal bacda salaan , ana goo ah dhalinyarada kasoo
jeeda Gobolka Gabilay kana mid ah Ardayda jaamacadaha waxaa anfariir
iyo naxdin nagu noqotay mar aan tagnay mag aalada wajaale oo ah
xarunta ganacsiga somaliland waxa nasiib dara ah in maamulka halkaa
joogaaa aanu ahayn mid uqalma hawshii loo igmaday wa xaa tusaaale
kuu noqonkara magaalada ood ogtahay dadka ku nool oo ka kooban
dhamaan dad waynaha kala duwan ee somaaliland aanay lahayn wax adeeg
bulsho ah oo lays odhankaro dawlad baa kajirta waxaa nan qabnaa
iskadaa dawlade waxaa indhaha ka qarsaday mucaaradkii taasi
waxay nagu abuurtay naxdin iyo war war aan
kala go lahayn .
Waxa taa kasii daran magaaladu
waxay kutaa laa xuduudka waxaa markaad aragto magaalada marka
uhoraysa waxay indhahaagu qabanayaan xashiish iyo ur aan loo
adkaysan karin waxaa dheer intaa irbadaha laysticmaalay oo gidaar
walba daad san taasi waxay dhalisay inay kadilaa caan cuduro badan
oo ay kamid yihiin sida aydhiska jadeecada shubanka tayfoodh ka iwm
.
Walaal waxaa waxaa nasiib dara ah
ganac satada iyo maamulku inuu mid ba midka kale ku xiniyo dant
umada diciifka ah magaaladu malaha biyo nad iifa oo lacabo cisbitaal
ladhigo dadka xanuun sanaya sida umulaha oo dhiig bax ugu sii dhinta
inta caasimada loo soo qaadayo walaal cudurka shuba nka oo aan
loo hayn meel bukaanka ladhigo oo faleenbo lagaga rikibo ilayn waa
yaabka yaabkiiye ayay ku halaynayaan bulshada la liidata
abaaraha+cudurada+biyo la
aanta + iyo caga juglaynta ay ku
hayaan maamulku iyaga oo qofkii hadla
layidhaa kulmiyaad tahay
ucid baad tahay iwm .
Walaal umada yaa gabay walaal
mushkiladaa waxaa dhabarka loo saaray aa kuwa lagu shaqaysto ee
maamula iyo mucaaridka oo dadkaa taba maalintay u baahdaan sidii
hangoolka iyo aqoon yahankii oo bulshadiisa ku ilaaway dantaada
ilaasho .
Waa tan dhibta haysata
magaalada Tog-Wajaale
1:Magaalada Tog Wajaale oo ah magaalo
ku caan ah taariikhdii halgankii umadan somaliland dib ugula soo
noqotay xoriyadeeda isla maraana imika ku astaysan magaalo xudun u
ah dhaqaalaha somaliland ayaan hadana magaaladu aany lahayn
aasaasiyaadkii bulshada oo dhamaystiran islamarkaana ka madhan
dakhliga faraha badan ee ka soo xeerooda deegaanka oon waxba looga
reebin si magalada baahideeda wax loogaga qabto kuwaas oo kala ah
A:Waxbarashada magaaladu waxay leedahay
hal hoose dhexe iyo hal dugsi sare oo ku jooga fasalka Form two isla
markaana aaan kaafiyi karin baahida deegaanka oo aad garan karto
tirada ku nool sida ku cad diiwaan galintii dhawayd oo muujisay
bulshada ku nool Gobolka Gabiley iyo Magaalada Tog Wajaale markaa
waxa Khasab ah in la kordhiyo adeega waxbarasho ee Magaalada
B:Caafimaadka magaaladu ma lahan
Cusbitaal Guud oo kaafiyi kara baahida aadka u balaadhan ee
magaalada oo dadka dhaawacyada culus soo gaadhaan iyo dumarka umusha
ah ay jidka ku sii nafbaxaan inta loola sii roorayo Magaalooyinka
Hargeisa Iyo Boorama oo ah kuwa ugu dhow ee laga heli karo caafimaad
guud iyo samato bixinta dadka dhaawaca ah iyo dumarka umusha ah waxa
kale oo jirta in magaalada oo xuduud ku taala ay khatar badan ka soo
kordhi karto sida dhalinyaradii oo sida shini malabta ugu daatay
balwada khatarta leh ee khamrada iyo mukhmaaradaha oo magaalada
dhinaca (Qar Xabashida ) aad ugu badan halkaas oo ay ka soo gudbi
karaan cuduro aad u daran oo dhibaato dhaw iyo mid fogba ku yeelan
kara dhalinyarada iyo dadka deegaanka iyo wasakhda iyo irbadaha ay
isticmaalaan dhakhtaradu iyo waliba xashiishka oo lagu daadiyo Toga
ay Magaaladu magaca Kula baxday taas oo xiliyada roobka oo imika aan
alle ka sugayno dhibaato badan ka dhalankarto sida daacuun caloolaad
shubanka IWM iyo daka oo qaar ay ku maydhaan dharka iyo wixii kaley
u baahanyihiinba biyaha wasakhaysan ee Toga oo ay ka buuxaan wixii
aan kor kusoo sheegnayba
C:Magaaladu malaha biyo Nadiif ah
waxaana biyaha soo dhaamiya booyado ka soo darsada ceelasha ama
balayada magaalada hareerahaeeda kuwaas oo ay wada jir u
isticmaalaan dadka iyo dugaagu markaasna ay xataa xayaawaanada qaar
oo waalan ama cuduro xun xun leh ay iska cabaan biyaha ceelasha
kuwaas oo marka magaalada booyaduhu keenaan ay dadku si baaxad leh u
isticmaalaaaaaaaaan khatarteedana leh
D: Ayda oo magaalad aad ugu badani
iyaguna waxay la soo baxeen inay dadka cunaan isla markaana Dawada
lagaga hortago sunta aydu ma taalo magaalada taasina waxay keenaysaa
in ay dad badni u dhiman karaan qaniinyada ayda waalwaalan amaba ay
iyaga laftoodu waalan karaan
E:Ugu danbayn magaaladu malaha wax xafiisyo dawladeed ah gaar ahaan
kuwa wasaaradaha muhiimka ah markaa waxaad garan kartaa in magaaladu
ay tahay meel aan ciirsi haysan xataa mucaaradka oo Gobolka Gabiley
Magaaladana ka mid tahay oo taageero qayrul xad isla garab istaagay
doorashooyinkii hore tana ay mucaaradku ka filayaan marna si hoos ah
iyo kor ahba ugama hadlaan baahida magaalada iyo gobolkaba
Markaa waxa aan ka yaabay halka ay mareen Aqoon yahankii Culimadii
iyo Ganacsatadii Iyo waliba Qurba joogi magaaladan oo aad u
malynayso amaba ay tahayba in dadkeedee guud ahaan iyo gaar ahaan
kuwaa aan soo sheegay ay ilaaben ,tolow yaa u maqan dadkan .
TOLAAY REER WAJAALOW
DHANKAAD IGA XIG TAANBAY
DHAXANTU IGA HAYSAA
Gabay Waano Ah
dadkeenani daalanee
dantooduun eegayee
dantii qarankana ka tagay
baraaruji baan lahaa
haday bulshadani sax tahay
guryahan ay wada dhisteen
ee sidii fooqyada qotoma
hadaan bilic lagu darayn
********
xashiish laga baal gurayn
nadiifta dadkeena iyo magaalada laga shaqayn
dhamaan halis baynu nahay
xanuun baan halis unahay
waliba waan wada ognahay
xagaa (Qar
Xabashida)
dibaduu baduu ka yimid
********
dadkana wuu wada
maraa
hadaan laga foojig naan
xashiish kana layska gurin
dhamaan halis baynu nahay
bulshadu nacasaysanaa
intay qaadka boobayaan
miyay dugsi wadagalaan
dadaal wada muujiyaan
********
diintoodana ay bartaan
dhakhtar male magaaladu
dhankastood ka eegtaba
dumarkeena dhalayaa
dhiigbax bay ugo ayaan
adna waad ka hurudaa
dalka horumarkiisee
doqon lagu shaqaystoo
********
daacad moodayaad tahay
dawlad baa i keentaad
dabadaa u lulaysaa
dadwaynihii laguu diray
cuduraa la daan dagay
dhalintii wajaalaay
dhaqaalihii magaalada
dhooraa la dhaadhacay
********
iyo qaar kaloo dhiman
ana waxan la dhii dhiyay
ee dhiig yaraan ta igu riday
waa dhibaatadaadiyo
dhoohni daad udhala teen
duqan doobta ridayoow
umadii laguu diray
cuduraa la dhaadhacay
********
daayin waxaan baryaayaa
umadaa diciifka ah ee
odaygeedii daayacay
inuu diinta noo baro
ducaqabana noo diro
umadani ha doogtee
|
Sakariye
Cabdi Cali (Quraysh)
|
|