Wixii Dhalaalaaba Dahab Ma Aha, Qurbejoog Walibana
Diktoor Ma Aha!
Doorashadii madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee dalka ka qabsoontay
26th June 2010, Waxa ku gu ulaystay labadii musharax ee xisbiga
Kulmiye mudane Ahmed Mohamed Maxamuud iyo Mudane Cab diraxman
Cabdilahi Ismaaciil, Xilwareenjin aad u qorux badan
kadib,Madaxweynaha la doortay wux uu dhisay dawlad wasaarado
ahaan ka kooban kuwii hore wuxuuse sameeyey haya’do cusub oo tiro
badan waxa kale oo uu magacaabay jagooyin iyaguna cusub oo hor leh
oo aan loo baahnayn hase ahaate loo abuuray keliya in lagu raali
geliyo beelaha ama jilibada qaarkood iyo in xilal loo sameeyo
xubnihii Kulmiye ee qoondaystey in ay meel ka helaan maamulka cusub
welina liiskii wuu furan yahay oo lama xidhin, waxase hubaal ah in
aanay suurto gal ahayn in cidkasta la raali geliyo keliya waxay
Madaxweynaha ka leexisay u jeedadiisii ahayd in uu dhiso dawlad tiro
yar oo tayo badan leh.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha dawlada Jamhuuriyada Somaliland
Ahmed Mohamed Maxam uud doorashadii xubnaha wasiirada iyo
mansabyada kaleba wuxuu ka xushay qurbejooga reer Som aliland
isaga oo ka doorbiday aqoonyahankii, dadkii waayo aragnimada u lahaa
maamulka iyo xubni hii sarsare ee xisbiga Kulmiye ee dalka
gudihiisa joogay, Madaxweynuhu wuxuu rumaysnaa in qurbe joogu
maamuulkiisa wax badan ku soo kordhin karaan isaga oo ku
xisaabtamaya aqoonta, ilbaxnima da iyo waayo aragnimada ay ka soo
heleen wadamada reer galbeedka ee horumaray, wuxuu filayey
hirgelinta isbedelkii uu ku balan qaaday in ay kaga haboon yihiin
dadka gudaha dalka.
Fikrada iyo go’aanka Madaxweynaha waxa ku taageeray dadweynaha reer
Somaliland oo iyaguna s idaa si la mid ah u arkaayey sidaas oo kale
waxa ku qancay aqoonyahankii gudaha iyo madaxdii Kul miye ee
indhaha laga laliyey.
Hadaba ragii qurbaha laga soo xulay waxa laga
waayey aqoontii la bidayey, qaar badan oo ka mid ah waxa ku
adkaatay maamulkii Wasaaradahooda ,qaar kalena waxay iska baal
mareen shuruucdii dalka siiba sharciga shaqaalaha dawlada , tusaale
ahaan waxa la sheegaayey wasiir wasaaradii loo magacaabay la yimid
dad aan shaqaale ahayn si uu ugu bedelo shaqaalihii hore ee joogay
gafafka m aamul ee ay samaynayaan waxa u sabab
ah dalalkii ay joogeen waxay ka shaqayn jireen shaqooyin hoose.
Teeda kale waxa ku adkaatay sidii
ay iskula qabsan lahaayeen ama iskula jaan qaadi la haayeen xu
kuumad ahaan maxaa yeelay waxay ka kala yimaadeen wadamo ku kala
duwan dhinacyada idhiyool ajiyada, dhaqaalaha, dhaqanka iyo nidaamka
maamulka dawliga ah.
Hada waxa la ogaaday kuwii dalka gudihiisa laga qaatay in ay ka
firfircoon yihiin kana tayo fiican yi hiin hase ahaante waxa jira
midhadh faro ku tiris ah oo ku haboon kana soo baxay hawlihii
qaranka ee loo igmaday.
Isku soo wado duubo oo murti hore ayaa tidhi
wixii dhalaalaaba dahab ma aha tu kale ayaa tidhi
la ogaayo goroyo haad bay noqotay.
Arimuhu si kastaba ha a haadeen eh Madaxwaynaha Jamhuuariyada
Somaliland waa nin da’ah wax aana
u wehelin kara xanuuno yar yar oo ay da’du wadato ,sidaa daraadeed
wuxuu u baahan yahay wasiiro hawl kar ah,
oo karti badan oo hawlaha wasaaradahooda ka sakow madaxweynaha ka
caa wiya furdaaminta arrimaha xasaasiga ah ( Troubleshooters).
Nasiib daro rag baa ka soo bixi
kari wa ayey hawlihii loo xilsaaray oo toodiba cuslaysay sidaa awgee
d xafiiska madaxweynaha waxa mashquuliyey qaylo dhaanta kaga
imanaysa wasaaradaha iyo hay’a daha kale ee dawlada isaga oo la
daalaa dhacaya hawlihiisa u gaarka ahaa, waxa miiska u saran arr imo
tiro badan oo laga sugayo in uu xal ka gaadho markii ay wasiiradiisu
ka baaqdeen in ay ka furta an xalintooda.
Hadaba
Madaxweynaha waxa la gudboon in uu si deg deg ah qiimayn iyo dib u
eegis ku sameeyo xu bnaha Golihiisa Wasiirada iyo Madaxda kale ee
Qaran.
|