Wikileaks iyo Somaliland: Tusaaleyn iyo Tallo

 


Ilaa iyo maalintii ay soo baxeen xoggaha ay mareegtada Wikileaks faafisey ee lagga jabsadey dalka Sacuudiga (Saudi Arabia), waxa aan maqlayay, arkayay amma aan akhriyayay dad reer Somaliland ah oo siyaasi iyo shicib-ba iskugu jira oo ka hadlayay xog ku jirtey xoggahaa la faafiyay oo markaa khuseysa Somaliland.

In badan ayaan isku hayay in aan wax ka qoro iyo in kale ee laakiin waxa aan go’aansadey in aan fikirkeyga soo bandhiggo markaan isku qanciyay in arinkani mid lagga aamusi karo aanu aheyn. Ugu horeyn waxa aan idinla qeybsan doonaa fikirkeyga ku aadan Wikileaks iyo xogtan ay qortey dabadeedna waxa aan soo jeedin doonaa TALLO ku aadan sida loo abaarayo.

Sida dad badani-ba sheegeen Wikileaks maaha mareegto war (news and entertainment website) ee waa mareegto laggu faafiyo xoggaha laga jabsado dunida reer Galbeedka iyo xulafadeeda iyo waliba wararka sirta ah oo waxa unkey 2006 nin reer Australia ah oo magaciisa la yidhahdo Julian Assenge waxaana la shaqeeya suxufiyiin ay ka mideysan yiin hadafka lagu unkey Wikileaks ee ah in la raadiyo mar walba runta ku aaddan maamulida dunidan aynu ku noolnahay loona hello cadayn.

Xoggaha Wikileaks faafiso iyo sida ay dalalka ay wax ka khuseysaa uga jawaabaan.

Sida aynu la socono sirtii ay Wikileaks faafisey dalal badan ayeey siyaabo kala duwan u taabatey ee mid Somaliland oo qudha khuseysay mey aheyn markaas bal si aynu wax uga baran karno aynu eegno sida ay uga jawaabeen amma ay u abaareen. Waxa xusid mudan awalan in dalka Sacuudigu aanu beenin warkan laga faafiyay, dalalkii ay sida kala duwan u taabateyna midna is-diidsiin xogtan la qorey.

Dalka Farnsiiska (France) oo ay xogtani sheegtey in sirdoonka Mareykanku (USA) basaasayay guriga looga talliyo dalkaas ee la yidhahdo Ėlysée wakthigii ay tallada dalkaas hayeen 3-dii madaweyne ee ugu dambeeyay oo uu ku jiro ka imika haya (François Hollande) ayaa aad uga cadhoodey warkan soo ifbaxey. Madaxweynaha dalkaas waxa uu isla markiiba shir dag-dag ah iskugu yeedhay madaxdiisii laamaha ammaanka si loo darso sirtan fakatey kana tashadaan waxa ay ka yeelayaan. Waxa uu Fransiisku warqad uu kaga dalbanayo in sirtan lasoo cadeeyo u qorey dalka Mareykanka wuxuuna qaadey talaabooyin uu dareenkiisa diidmada ah ku muujinayo (diplomatic protest) wuxuuna madaxweyne Hollande u yeedhey safiirka Marakeykanka u fadhiya Fransiiska. Sidoo kale waxa hore Wikileaks u faafisey in Mareykanku basaasey dalka Jarmalka ra’isal wasaarahooda marwo Angela Merkel fal celintooduna waxa ay aheyd mid la mid ah ta Fransiisku sameeyeen.

Sirta Wikileaks iyo xogta ka khuseysa Somaliland

Xogta khuseysa Somaliland ee ku jirtey sirtii Sacuudiga laga jabsadey maaha xog sinaba loo dhayalsan karo amma lagga aamusi karo ee waa mid adduunka u bayaamisey oo dhigtey in qaranka Somaliland jiritaankiisii laga noqdey oo ay markaas ka mid tahay dawlad goboleedyada Jamhuuriyada Federalka ah ee Somalia. Xogtani 2-ba siyoodba Sacuudiga way kaga iman kartaa. Waa ta ugu horeysee waxa ay noqon kartaa turjumid (interpretation) ay Sacuudigu siyaasada Xukuumadda Somaliland ee la macaamilka Somalia (Diplomacy of rapprochement) ay u turjumteen in ay ka noqdeen go’aankii madaxbanaanida oo ay markaas qorshaha Federalka kula gorgortamayaan Muqdisho waana mid aan in badan ka diggey oo aan qoraaladeydii kaga hadli jirey wada hadalka Somaliland iyo Somalia ku tilmaamey in Xukuumadda Somaliland keentey diplomasiyad adduunkan aynu joogno ugub ku ah oo aan hore looga baran sida qudhee loo turjuman karaana tahay in aynu oggolaaney midaw. Mida kale waxa ay noqon kartaa oo qudha in ay RUN tahay oo saxeexani dhacey amma si ulla kas ah oo khiyaamo qaran ah ha u dhaco amma in madaxdeena waraaqo ayna si buuxda u akhriyin laga saxeexay wakhtiyadii badnaa ee ay la kulmayeen reer Somalia.

Maxaa la gudboon reer Somaliland (Tallo)

Ugu horeyn Xukuumadda Somaliland, haddii ay daacad Dastuurka dalka u yaala u tahay, in horta sideedaba la timaado dabeecadaha iyo dhaqanka qaran leeyahay ee uu umaddiisa iyo adduunka kaleba ugu dammaanad qaado suggida dantiisa iyo jiritaankiisa. Anigoo imika isku koobaya xogtan halista ah ee Wikileaks faafisey waxa aan xukuumadda kula talinayaa in ay dalka Sacuudiga warqad u qorto kana codsato in xogtan ay soo cadeeyaan sida ay ku heleen iyo cidda u sheegtay iyo waliba in ay usoo diraan warqadda ay Somaliland la saxeexatay Dawlad Goboleedyada iyo xukuumadda dhexe ee Somalia haddii ay hayaan. Ficilkani maaha in uu noqdo mid qarsoon, waa in madaxweynaha dalku Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) saxaafadda wadaniga iyo ta adduunkaba la hadlaa si adduunka loo dareensiiyo in aynu geeri ka xigno Qarankeena oynu ka tanaasulno. Sidoo kale waa in la hakiyo amma la joojiyaba, hadii uu jiro, safarka la sheegayo ee madaxweyne Siilaanyo Sacuudiga ugu baxayo ilaa iyo dalkaasi uu kasoo jawaabayo warqada Xukuumadda Somaliland. Xisbiyada mucaaridka ah waxa aan iyagana kula talinayaa in ay Xukuumadda ka codsadaan in ay sidan aan kor kusoo xusey sameyso 48 saacadoodna u qabtaan.

Hadaba haddii ay Xukuumadda Somaliland sidaas yeeli waydo waxa xisbiyada mucaaridka ah la gudboon oo waajib qaran ah, maadaama ay u joogaan in ay xukuumadda ku ilaaliyaan u adeegida qaranka, in ay ugu baaqaan Barlamanku in uu bacda iida fadhi aan caadi aheyn iskugu yimaado oo ay madaxweynaha dalka u yeedhaan si ay wax uga weydiiyaan xogtan fakatey. Haddii uu madaxweynuhu diido yeedhitaankaas waa in Barlamanku, sida Dastuurka qaranku xusayo, tallada ka qaado oo lagu sameeyo waxa loo yaqaano Impeachment.

Haddii ay intaas aan kor kusoo xusey midkoodna suura gali waayo waxa la gudboon xisbiyada mucaaridka ah iyo waliba ururada bulshada Somaliland in ay abaabulaan Banaan-baxyo ay ku beeninayaan xogtaas Wikileaks lagu faafiyay si uu adduunku dareenka iyo fikirka shacabka reer Somaliland u arko in aaney midaw dambe ku jirin haddii ay xukuumaddoodu iyadu darseyso qorshayaal kale. Waxa kaloo markaas daruuri noqoneysa in shicibka Somaliland, inta dan shaqsi iyo dan qabiil halkaas la iska dhiggo, ay ka tashadaan waxa ay ka yeelayaan Xisbiga Kulmiye.

Ugu dambeyn waxa aan ilaahey ka baryayaa in uu si dag-dag ah noo dhaafiyo qofkii qarankan miskiinka ah khiyaameynaya oo uu wax kheyr qaba oo umaddan dantooda u heelan noogu badilo. Ilaahey soonkeeni iyo cibaadadeeni bisha Ramadan ha inaga aqbalo oo kheyr-keynu faleynay ha inagaga xijaabo balaayada iyo mu’amaaradka Somaliland lala damacsanyay, aamiin.
 

 


Iid Xasan Aw Muuse,
Somaliland Activist
London
iidsl@hotmail.com