Wiil
uu dhalay Xasan Yoonis Habbane oo maalintii saddexaad Hargeysa ugu
xidhan eedeyn la xidhiidha inuu Xirsi dilayo
“C.I.D-du iyaga oo saddex Gaadhi wata ayey
guriga iga soo qaadeen oo waxay igu yidhaahdeen 5000 oo Doollar oo
Zaadka Mobile-kaaga..
Hargeysa (TNN)- Maxamed Xasan Yoonis Habane
oo ka tirsan Ciidanka Qaranka, ayaa saddex m aalmood ku xidhan
Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa, ka dib markii lagu
eedeey ey inuu ku wado hawl gal uu ku dilayo Chief Of Cabinet-ka
Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xa aji Xasan.
Weriye Berberanews ka tirsani Saldhigga ku booqday, ayuu
Maxamed Xasan Yoonis Habbane, u ga
warramay sida wax u dhaceen iyo kiiska lagu soo eedeeyey ee uu ugu
xidhan yahay Saldhig ga dhexe ee Hargeysa. “Laba cisho ka hor intaan
lay xidhin laba jeerbaa CID-da la iiga yeedhay, markii aan C.I.D-da
tegayna, ‘Gaadhigaaga ayaad hub saartaa baa la igu yidhi,’ aniguna
soo cad deeyaan idhi. Ka dibna waxa dhacday in saddex cisho ka hor
la igu casuumay Shir uu qaban-qa abiyay Taliyaha Ciidanka Qaranka
Nuux oo lagaga hadlayey nabadgelyada oo ka dhacay Ambas ador,
Millateri ahaanna waa laygu Macsuumay.” Ayuu yidhi Maxamed Xasan
Yoonis.
Waxaanu Maxamed oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi;
“Nuux Taani baana noo yeedhay, intii aannan tegin oo saacadi ka
hadhsan tahay ayaa C.I.D-da la igala soo hadlay, oo la yidhi,’
‘Xirsi baad dilaysaa, oo waxbaad dilaysaa baa, anna waxaan ku yidhi
kaalayoo igu soo caddaysta, gurigay iigu yimaaddeen iyagoo saddex
gaadhi oo Ciidana wata, waxay igu yidhaah deen 5000 oo Doollar oo
Zaad kuugu soo dhacday ayaa moobilkaaga ku soo dhacday, markaan idhi
maxay ahaydna, waxa la igu yidhi (hawl-gal) Operation Xirsi aad ku
dilayso ayaad ku fulin aysaa, dabadeedna waxaan idhi hala igu soo
caddeeyo, Moobilkii baa la iga qaaday oo TELESOM la geeyey, waana
laga waayey lacagtii. Ka dibna Xaruta C.I.D-da ayaa; la i geeyey,
sidiibaanan ku xidhanahay.”
“Arrintayda Taliyaha Booliska Cilmi-Kabaal baa galay iyo Saraakiil
kale, Aniguna waan diiday in aan ka baxo Saldhigga illaa dembiga aan
galay la igu caddeeyana ma baxayo ayaan idhi.” Ayuu yidhi Maxamed
Xasan Yoonis. Waxaanu sheegay inay taleefan ka wadahadleen Taliyaha
Ciida nka Qaranka Nuux Ismaaciil Taani, isaga oo arrintaa ka
hadlaayana waxa uu yidhi; “Nuux baa I soo garaacay oo yidhi waan
ogahay inaad CID joogto oo laygu xidhay, shirkiina waan ka soo baxay
oo Xirsi baannu isku dhacnay, iska adkayso, sidiibaan ku xidhanahay.”
Dhinaca kale, Masuuliyiinta ay arrintani khusayso oo ay shabakaddu
isku dayday inay warkan wax ka weydiiso ayaanay noo suuragalin, ka
dib markii aannu khadka Taleefanka kula xidhiidh nay Taliyaha guud
ee Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre (Cilmi-Kabaal) ayaa
taleefanka na ga qaban waayey. Sidoo kale, Chief Of Cabinet-ka
Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa nay isagana noo suuragalin
inaannu ku hello khadka taleefanka gacanta. Published: 2011-06-07
Source: Berbera
News
|