Wiil 40 jira oo dhalay 40 caruura [ qiso dhaba -- waar adigu nooga
dhal uun ]
Fursad wiilkani ku dhalay caruurta badan ayaa waxay seegtay ninka la
yidhaa MAXAMUUD SH AXMED CALI WEERER
1982 ayaa sh axmed cali weerer uu inankiisa oo ah ninka aynu kor ku
xusnay ee la yidhaa maxamuud sh axmed cali weerer
uu u keenay laba gabdhood oo degenaa xeredii qaxootiga ee biyo
xidheenka.
waxaanu ka codsaday inuu maxamuud labadan dumara guursado caruur
badana ka dhalo
ka bacdi waxa diiday labadaii dumara ahaa maxamuud oo yidhi ma rabo
arinkaasina waxa uu cadho wayn galiyay SH AXMED
SH, axmed cali weerer OO ahaa nin suufiya ahaana ragii nidaamka
suufinimada ku korsan jiray caruurta ayaa waxa uu
u yimi nin ka mida odayaasha xertiisa ah ka dibna wuxuu yidhi adeer
inanykii laba dumara ayaan u keenaywaxaanan ku idhi waar guurso OO ADIGU CARUUR UUN NOOGA DHAL
taladiina wuu iga diiday.
Odaygii uu sh axmed talada ka doonaayay ayaa ku yidhi sh axmed horta
sheekh sawdigii nagu wacdiyi jiray
dhamaan caruurta xertu dhasho anaa u aabo ah waana isku wada mid oo
waa walaalo.
dee inankaygaba u guuri ilayn isba waa inankaagiiye .SH AXMED CALI WEERER ayaa yaabay oo hadal aanu meeshaba ka filanayn
ka helay ninkii odayga ahaa
ka dibna wuxuu yidhi waa runta oo caruurtu waa isku wada mid waana
sidaa aad sheegtay ee ii keen inanka
aan ku dar o labada gabdhoode.
sh axmed cali weerer OO kharash badani kaga baxayday labada dumara
ayaa waxa uu u guu riyay wiilkii labadii dumar
ahaa waxaanu si cadho leh ugu yidhi inankiisii MAXAMUUD SH AXMED
CALI WEERER nin ka mida xerta ayaan
labadii dumar ahaa u guuriyay.
wiilka 40 caruura dhalay wuxuu hada jooga asaga iyo labadiisii
dumariba magaalada adari oo uudeganaa ilaa markii dagaaladu ka dhaceen carada somaliland 1988
Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London |
|