WEY
KU CIIL BAXEEN CODKOODII EE MAXAA XIGA.
Ahmed Arwo

Bulhso wey badheedhay ooy
codkoodii ku ciil baxeen. Wax yar aan iftiimiyo dhacdooyin iyo
xiliyo maankeygu si ma-guurta ah u sajiley.Waa 26 Juune 2010 ayaan
guulo badan, ayaan xuskeedu labanlaabmay, ayaan ididiiladii
dadweynahu noolaatay, ayaan horsee d u ah mustaqbal nuuraaya
iyo horumar hagar la’aaneed. Waa ayaan Soomaliland u da reertay
iyadoo siman oon qofna qof wax dheereyn, qof waliba xor u yahay inuu
meel uu gooni ku yahay ku xariiqo isku-taalaab ka marag ah xisbiga
iyo hoggaanka uu dalk an u dooranaayo muddo shan sano ah.
Iyana mudnaanteed ayey yeelatay, waa habeen jimce 2 Juun 2010, waxa
si rasmi ah l oogu dhawaaqay natiijadii codbixinta sida xorta ah ee
xalaasha ah u dhacday. Waxa d aaha laga furay arrin yar iyo
weynba la ogaa ilaa maalintii xigtay ayaanta doorashada. Waxa la
helay xogtii muraaqibiinta xisbiyada oo nin waliba soo ceshay
nuqulkii loo dhiib ay. Waxa iyadoon doorashaba dhicin laga
odorasay dareenkii dadweynaha een qarso onayn. Waa dad muddo
ciishana, ciil aan aargoosi lahayn, ciil ah “maxaa xaqii aan u
la hayn inaan wax doorano noo diidan”. Wey raagsadeen, wey sugeen,
wey sahansheen, wey doodeen, wey qiimeeyeen qalad iyo sax halka
hoggaanka UDUB bulshada mariyey. Waxay gocdeen tamar yarida
xukuumadda, dalaysiga sharciyada, shaqo la’aanta dhali nta iyo
dalxiiska hoggaanka. Waxay arkeen tamashlaha wasiirada, iyo daansho
daans hoodka lagu lumiyey hantidii qaranka, waxay hubiyeen inay u
baahan yihiin isbedel dh ab ah. Waxay arkeen danyarta guryaha
bacaha ah ku jirta ee ay dariska yihiin madax tooyada.Waxa
taas marag ka ah codbixintooda ay si cad ugu kala saareen xisbiyada.
Wey diideen inay qaybsamaan, wey diideen in cadad yar wax lagu kala
helo. Waxay gu ntiga isaga dhigeen sidii ay hubanti ahaan u
dooran lahaayeen hoggaan wata awoodo oda oo kalsoonidooda wax
ku maamula.
Wey asiibeen oo waxay cugteen KULMIYE, xisbi qaran oo waayo-aragnimo
cidi ku gaa dhin, xisbi aqooneed, xisbi waayeel iyo dhalinyaro
kulmiya, xisbi dumar iyo rag u badh ah, xisbi bari iyo galbeed ah.
Xisbi darsay halkay tuurta ka lahayd xukuumadii Riyaale, xisbi
ogsoon awoodda dadweynaha, xisbi ogol la xisaabtan, xisbi kulmiya
aragtiyo kala duwan oo dalad u ah darafyo fikradeed sida xisbiyada
dimuquraadigu yihiin. Xisbi aan qof lahayn, qoys lahayn sida dunida
seddexaad, xisb qaran oo bulsho ku dhantay.
Waxaan markhaati ka noqday biseelka bulshada. Ayaamihii doorashada
ka horeeyey waxaan kormeer aan kala go’ lahayn ku gaalaabixiyey
Hargeysa. Ayaantii dorashada iyo habeenadii xigayna sahan, difaac
iyo weerar gabad iyo dhufays la’aan ah ayey ii ahayd.Waxaa socday
dilaal iyo doolar lagu hungureeyo danyarta iyo cid kasta oo lagu
jilaaban karo. Dhalintu wey ka badheedeen. Waxaan maqlaayey “ KA CUN
OO KA COD EE”. Waxaan arkaayey Wasiiro, Shaqaale dawladeed,
madax booliis oo si badheedh ah hantida qaranka iyo waqtigii shaqada
u ololeenaaya hoggaanka doorashada lagu jabi yey. Waxaa la
adeegsaday Warbaahintii qaranka oo noqotay afkii UDUB, waxa
xiimaa yey gaadiidkii qaranka mid weyn iyo mid yarba, xafiisyadu
waxay noqdeen qaar haaw anaaya oo shaqaalihii loo diray olole
aan sharci ahayn. Waxaan arkaayey kolka la arko anagoo KULMIYE ah
sida sacabka iyo mashxaradda naloogu soo dhoweeyo. Waxaan arkay sida
dhuumashada leh ee reer UDUB u hagoog xumaayeen.
Waan gartay in doorashada la kalo helay, waan gartay inaan dareen
bulsho la gadan Karin, waan gartay inaan lacagtu hantiyi karin
qalbiga dadweynaha. Waxaan ogaaday in guusha ugu weyn tahay inaan
ummadeyda lacag lagu iibsan Karin. Waxaan taabtay inaan tahdiid,
xadhig iyo laaluush midna joojin Karin fikirka xorta ah ee aadmiga.
Waxaa kale oo guul ah inaan caadifad qabiil lagu abaabuli karin
bulsho dhibta xukuumaddu wado gaadhay, inaan madaxa leyu gelin
Karin, inaan gobalada cadaawad la dhex-dhigi Karin. Waxaan ogaaday
in boolisku la jaanqaaday duruufaha oo ay aad ula aragti yihiin
dadweynha, sidoo kale ayey ciidanku guud ahaan u noqdeen dar bisil
oo fahamay muhi imiyadda ay leedahay doorashadu iyo rajada ku
sidkan, ha noqoto himmilada dadwey naha amba ictiraafka
caalamka. Waxay noqdeen in yar mooyaane, dar u darban tiirinta
sharciga iyo ilaalinta dhexdhexaadnimada doorashada looga baahnaa.
Waa guul oo bayaamo isdabajooga ah ayaa bilaabmay isla maalintii
doorashadu Waa hanbalyo iyo bogaadin hab-wanaaga iyo maamuuska
doorashadu u dhacday. Waa kow oo Guddiga Doorashadu ubax iyo
biladaba loo calaamadiyey. Waxa bulshada caalamku isku raacday inay
dalka ka dhacday doorasho xor ah oo xalaal ah. Waxa akiday
goob joogayaasha maxaliga ah oo kor u dhaafay 750 xubnood. Waxa
akiday culumada dalka oo soddon kor u dhaafay kana kala yimid lixda
gobal ee dalka. Wey socotay oo iyadoo caleemo saar u boqooshay ayey
nataakhday arbacadii kolii Xoghayaha UDUB
iyo Cism aan Hindi ay caroog
tiiraanyo iyo naxadin ku riday ummadda la shir yimaadeen. “Waa
lagu shubtay 4ta Gobal ee dalka iyagoo ka tegay labada gobol ee ay
UDUB hogaamin aysay oo ah Awdal iyo Saaxil”.
Intaas kumay joogsan ee afarta
ayey kala sooceen si qabyaaladaysan. Waxay damce en inay
bulshada reero u kala saaraan. Waxa kow ah ooy dimuquraadiyada
Afrika ku soo kordhiyeen iyo caalamka guud ahaan, xisbi talada haya
oo yidhaahda “waa lana dhacay oo mucaarad ayaa ku shubtay”. Looma
joojin ee bulsho waxay cod iyo adinba u taalabsatay Madaxtooyada.
Waa gar iyo lama ogi ayuu Madaxweyne Riyaale bulshada ku soo
dhaweeyey. Waxuu ku daray isagoo shir jaraa’id si toos ah xaal uga
bixiyey wa xii shalay UDUB ka soo yeedhay. Waxuu kaloo uu si
wacan ugu bushaareeyey inaan qas iyo qalalaase ka dhacayn dalka oo
haddii laga helo uu si sharaf ah ku wareejin doono xilka. Waxay
noqotay guul bulshadu isku hanbalyeysay. Dhinaca kale labada
hawlwade en ee UDUB, waxa weli leys weydiinayaa ma keli ayey talada
fooshaxun ku ahaayeen, mise dabin loo xidhay ayey qoorta la galeen,
oo waa aargoosi hoose oo dhexyaal UDUB iyo fashilkeeda siyaasadeed.
Waqtiga ayaa ka jawaabi iyo dildilaac iyo eedeemo so bixi doona sida
looga bartay xaalkan oo kale.
Waa 2 Juun 2010 iyo madal aan goobjoog ka ahaa, madal sharaf iyo
quruxda Maansoor ay weheliso bulsho u soo labesatay maalin ciida iyo
aroos umadeed. Komishanku wax uu ku dhawaaqay in Doorashada ay
ku Guuleysteen Axmed Maxamed Siilaanyo oo Mad axweye ah, iyo
Cabdiraxmaan Saylici oo KU xigeen ah. Waxayna ku sheegeen inay
xisbi yadu kala heleen tiradan:
KULMIYE |
266,906 |
UDUB |
178,881 |
UCID |
92,459 |
TOTAL |
538,246 |
Kumiye waxuu helay tiro u dhiganta inta labada xisbi heleen. Waana
kalsooni buuxda o o dadweynahu u muujiyeen. Waxa bilaabanatay
sidii KULMIYE u dhisi lahaa xukuumad kooban oo tayo leh, barnaamaj
horumar dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeedba leh. Waxa bilaabantay
hawshii muddada dheer laga dhur-sugaayey. Waa mid u baahan
fiir sasho iyo foojignaan, waa mid u baahan midnimo, waa mid u
baahan uruurin iyo dulqa ad. Waa guusha ummaddu siisay oo
hagrasho la’aan loo ajiibo. Dedaal aan la nasan, da acadnimo lagu
shaqeeyo iyo hawl-maalmeedka xukuumadda oo la labanlaabo.
Waxa dimuquraadiyada Somaliland cagta saartay dhabbo aan soo noqod
lahayn. Waxa si sharaf leh hanbalyo iyo ereyo qiime leh soo jeediyey
Murashaxiintii laga guulaysata y. Waxa lama ilooban ah sida
Madaxweyne Riyaale uu hanbalyo iyo gacmo furan ugu fidiyey
Madaxweynaha Cusub. Sidoo kale ayuu Mudane Faysal Cali Xuseen uu
hanbalyo iyo bogaadin u soo jeediyey Madaxeyenaha cusub isagoo sidoo
kale uu hanbalyada u diray shacbiga Somaliland talooyin wax-ku-ool
ahna u soo jeediyey kuna balan qaday inuu xukuumadda cusub la
shaqayn doono. Waa guul aan bar mugdi lahayn, waa wada jir
tilmaamaaya biseelka xisbiyada, tabo-galka dimuquraadiyada iyo
baraaruga bulsho weynta Somaliland.
MAXAA XIGA EE LOOGA BAAHAN YAHAY MADAXWEYNE RIYAALE
Hadalka Madaxweyne Riyaale ee bulshadu u bogtay,waa inay xigtaa
xil-wareejin xuku umadda ah min madaxweyne ilaa Wasaarad kasta
oo raad-raac leh, la-xisaabtan leh, tilmaan iyo dardaaran leh,
hanti-tirin leh, waa inaan carqalad iyo qodox hoose loo dhi
gin maamulka cusub. Insha Allah Madaxweyne Riyaale taasna wuu gudan,
oo si habbo on ayuu xukuumaddiisa u fari inay gutaan waajibka
qaran. Qiimeynta ugu weynina waa kolba sida ay xilka u wareejiyaan,
iyo raad-raaca ay ka tagaan. Taas ayaa lagu xusuu san laguna
qiimeyn, taariikhdana u gali doonta.
MAXAA XIGA EE BULSHADU SUGEYSAA
Haddaba waxa mudan in caalamka oo indhaha inagu haya laga
faa’iideysto lana muuji yo midnimada dadweynaha iyo ka midho
dhalinta rabitaankooda. Hab-maamul-wanaag u waa muraayad ka
turjumaysa tayada dawlada, waxa qadarin iyo qiimo lagu helaa w
aa inaynu dhisno maamul la dagaalama musuqa, dhisa bulsho sharcigu
hogaamiyo, nida am sima muwadinka yar iyo weyn, gobal kasta ha
joogee. Maamul daryeela haweenka iyo dhallaanka, u heegan ammaanka
qaranka, badbaado caafimaad iyo horukac dhaqa ale leh, mid
waxbarasho iyo adkeynta dimuquraadiyadda iyo hay’adaha sharci
dejinta iyo garsoorka leh.
Wey ku ciil baxeen codkooda, ee ILLAAHAY ha ka ajiibo rabitankooda
ay doonayaan h oggaan daacad ah, ma daalo ah, una horseeda
bashbash, barwaaqo, iyo cadaalad. Waxa KULMIYE ahaan inoo yaala
tabo-gelinta barnaamajkii codbixiyayaashu inoogu co deeyeen.
Waa inaynu kaalin xisbi iyo mid shakhsiba u diyaar ahaanaa u-adeega
bulsh ada iyo ka-midho-dhalinta barnaamajka lagu cabri doono wax-qabadka
xukuumadda M adaxweyne Ahmed Siilaanyo. Iyadoon ognahay inaan
barnaamaj sadaal ah iyo odoros qorshe aan meelna boqolkiiba boqol
laga fulin, haddana waa in hadafkeenu ahaadaa tiigsiga ugu fog uguna
sareeya ee la fulin karo, iyo inagoo u soo bandhigna bulshada dhib
kasta oo carqalad ku noqota rumeynta qorshaheena. Waxa inoo sal ah
la-tashi bulsho iyo nidaam ku dhisan la-xisaabtan iyo furfurnaan.
Waa in xukuumadda cusub ahaataa mid daahfuran oo ku bilowda
xilwareejinta, iyadoo la sheego waxii wasaarad walba loogu tegay iyo
halka miisaaniyaddu ay marayso, sidoo kale hay’ad kasta.
Hambalyo kal iyo lab ah waxaan u dirayaa Hoggaanka cusub, shacbiga,
xisbiga KULMI YE taageere iyo hawlwadeenba, Guddiga
doorashada,Guddiga Anshaxa doorashada, Xisbiyada laga guulaystay,
Ciidamada qalabka sida, iyo tiirka adage ee warbaahinta xorta ah ee
leh Wargeesyo, TV, iyo internet, iyo Radio Hargeysa..
Guul Alle ayaa leh, hanbalyo iyo bogaadina bulshoweynta Soomaliland
ayaa leh.
Waa inoo maqaal kale iyo dareen aan idinla wadaago, Insha Allah
Ahmed Arwo
+2522 4096421
Hargeysa
samotalis@gmail.com
JOIN SAMOTALIS Group
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/group.php?gid=143687650990&ref=mf
JOIN SAMOTALIS Page AT:
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/pages/SAMOTALIS/238585618589
http://samotalis.blogspot.com/
|