Ogaysiis: Shirwaynihii 3-xaad ee West London Somaliland Community

Wuxu urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community si
xushmaddi ku dheehantahay idinku marti qaadayaa shirwaynaha 3-aad ee
ururka oo qabsoomi doona bishan October
15-keeda kana dhici doona xaafada Hayes ciwaanka ah:
71 Coldharbour Lane (Salvation Army
Cen tre) oo ay 4 guri u dhaxeeyaan makhaayada Al-jasiira la yidhahdo
ee ku taal isla Hayes. Shirku wuxu bilaabmayaa haddii ilaahay
yidhahdo 5-ta galabnimo wuxuuna
dhammaan doona 9-ka hab eenimo.
Urur jaaliyadeedkan oo imika jira muddo sadix sanadood ah, waxa loo
aas-aasay innuu jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan galbeedka
London ka shaqeeyo baahidooda iyo dantooda isla ma rkaana kor
u qaado aqoonta bulshada reer UK ee ku wajahan dalka iyo dhaqanka
Somaliland. Intii uu soo jiray urur jaaliyadeedkani waxa u qabsoomay
waxyaabo dhawr ah oo sal u noqon k ara kobaciisa iyo
horumarkiisa, wuxuuna hiigsanayaa innuu noqdo urur balaadhan oo reer
Som aliland-ka ku dhaqan galbeedka London si hufan ugu adeega.
Shirwaynahani waa fursad aanu rabno inaanu idinla wadaagno
waxyaabaha qabsoomay iyo inaynu isla eegno sidaynu u qaban karno
waxyaabaha hadhay iyo sidii aynu u gaadhi lahayn yoolka ururka.
Waxa kaloo aynu shirwaynaha sanadkan kaga hadlaynaa diiwaangalinta
(census) ka qabsooma ysa dalkan UK sanadka soo socda ee 2011
bishiisa 3-xaad. Waxa shirkan inagalsoo qayb galli doonaa koxda
Hillingdon ugu xil saaraan faafintiisa oo markaa inooga warami
doonaa faa’iidada ay diwaan galintani bulshadeena u leedahay. Sidoo
kale waxa shirkan inagalasoo qayb galli doo naa jaaliyadaha
reer Somaliland ee magaalooyinka Birmingham, Bolton, Cardiff,
Manchester iyo Sheffield si arinkan si wada jir ah loo abaaro oo
looga midha dhaliyo. Waxa kaloo shirkan ka hadli doonaa safiirka
Somaliland ee UK mudane Aden Musse Jibril, wakiilada xisbiyada
qaranka ee KULMIYE, UCID, UDUB iyo waliba Dr Maxamed-Rashid oo ah
musharixii madaxwayne ku xigeenka UCID ee doorashooyinkii
Somaliland. Iyana waxa shirkan kasoo qayb galli doona
gudoomiyaya asha ururada SSE (Somaliland Society Europe) iyo SSUK
(Somaliland Society UK).
Hadaba waxaanu aad idinka codsanaynaa inaad si baaxad leh ugasoo
qayb gashaan shirwayna han si aynu danaheena, hadaynu nahay
reer Somaliland, si wada jir ah ugu adeegno oo aynu isla eegno bal
sidii aynu umad muuqata u noqon lahayn.
Waa innoo iyo shirwaynaha iyo dareen midaysan.
Wixii faah-faahin ah kalasoo xidhiidh xafiiska
urur jaaliyadeedka: 0208 848 1180
amma 0795 775 8340
Maamulka West London Somaliland Community
|