Weftigii Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Kulamo La Yeeshay Wasiirka Khaarajiga Jabuuti
 


“Somaliland waa Dal ay naga dhaxayso Walaalnimo, Jaarnimo iyo is dhex Bulsho” Wasiirka Ar rimaha Dibeda Dawlada ee dalka Jabuuti


“Dawlada Turkey-ga iyo Somaliland waxaa ka dhaxaysa Taariikh dheer oo ku dhisan islaanim o iyo Walaalnimo” Safiirka Turkeyga u qaabilsan Jabuuti


Jabuuti (TNN):-Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay weftigii Wasiirrada ahaa ee ka socday Jamhuuriyadda Somaliland ee uu Hoggaaminayay Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Bogiisa Face-book-ga kaga hadlay dulucda kulankaasi iyo shir kale oo ay la yeesheen danjiraha dawladda Turkiga u fadhiya Ja buuti, waxaanu yidhi “Waxay ahayd maanta ka dib markii aan kulamo gaar-gaar ah la kala qaadanay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Dawlada aynu jaarka nahay ee Jabuuti iyo Safiirka Turkey-ga u qaabilsan dalka Jabuuti Kulankii Wasiirka Arrimaha Dibeda Jabuuti. Kulankan ayaa ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha dibeda ee dalka Jabuuti, guud ahaan wuxuu ahaa kulan u daaran isxog siin , xoojinta xidhiidhka labada dal iyo dardar gelin ta jidka isku xidhi doona Jabuuti iyo Saylac.”

“Sidoo kale waxaanu kala hadalnay sidii dawlada Jabuuti ay dhankeeda taageerro iyo dar-dar gelin uga gaysan lahayd hirgelinta jidkaas isku xidhi doona labada dal Wasiirka Wasaara dda Arrimaha dibeda ee dalka Jabuuti Mudane, Maxamed Cali Yuusuf ayaa dhankiisa si dare en gacaltooyo iyo xidhiidh dawladeed ku dheehan tahay noo qaabilay isla markaana dhankiis a adkeeyey sida dawlada Jabuuti ay mar-walba uga go’an tahay kor u qaadida xidhiidhka labada dawladood ee Somaliland iyo Jabuuti isla markaana dareen fiican ku soo dhaweeyey hirgalinta jidkan. Wasiirka ayaa ku dheeraday xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal isagoo sheegay in Dawlada Somaliland iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo ay ka dhax ayso Walaalnimo, Jaarnimo iyo isdhex bulsho,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Somalil and.

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu sheegay in danjiraha Turkiga u fadhiya Jabuuti uu daboolka ka qaaday inay dawladiisu ka shaqeynayso hirgelinta jidka isku xidha Saylac iyo Jabuuti oo ay hore u balan-qaaday, isagoo arrimahaas iftiiminayay waxa uu yidhi “Intaas kadib waxaanu kulan ka qabsoomay Safaraada Dawlada Turkey-gu ku leedahay dalka Jabuu ti la qaadanay Safiirka Dawlada Turkey-ga u fadhiya Jabuuti. Ugu horayn waxaanu si qoto dheer uga xog waranay xidhiidhka dheer ee Somaliland iyo dawlada Turkey-ga ka dhaxeeya iyo muhiimada jidka isku xidhaya Jabouti iyo Saylac ee ay hirgalintiisa balan-qaadeen dawla da Turkey-gu.

Safiirka ayaa dhankiisa cabiray qiimaha iyo dareenka uu u hayo shacabka ku dhaqan Somalil and isagoo si qoto dheer uga waramay xidhiidhka taariikheed, diimeed iyo walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal.
Sidoo kale wuxuu nooga waramay qorshayaasha dawlada Turkey-ga ee ku aadan dib u dhi ska iyo dayactirka goobaha taariikhiga ah ee Saylac iyo hirgalinta jidka isku xidhi doonaa Sa ylac iyo Jabuuti.”

Guud ahaan safarkan oo muhiimadiisu ahayd dabagalka Jidka Isku Xidhaya Saylac iyo Jabuuti oo aanu hore balan-qaadkiisa uga haysanay dawlada Turkey iyo abaabulka, dardar gelinta iyo gogol xaadhka jidka isku xidhaya Saylac iyo Boorama ayaa noogu soo dhamaaday rajo fiican iyo diyaar garow xoog badan, Shacabka reer Somaliland meel ay jooganba waxaan ku bogaadinaya sida damiirkoodu ugu soo jeedo dhismaha dalka iyo taabo gelinta Qaranka. Wa BIlaahi Tawfiiq.”

 


Cumar M. Faarax
Hargeysa,Somaliland