Weftigii Uu Hogaaminyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soma liland Oo
La Kulmay Wasiirka Khaarijiga Dalka Masar Iyo Xubnu Kale Oo Ka
Tirsan Golaha Wasiirada Dalkaasi
Qahira (TNN) :-
Wefdigii uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibedda JSL Dr. Sacad Ali
Shire si heer sare ah loogu soo dhaweyay dalka masar , wefigu waxay
la kulmeen wasiirka khaarijiga dalka Masar Dr.Samix Shukri , kulanka
labada wasiir ayaa waxaa u ka dhacay xarunta wasaaradda Arrimaha
dibedda Masar, gaar ahaan xafiiska wasiirka khaaarajiga.
Waxay labada wasiir waxay ka wada hadleen sii xoojinta iyo
joogteynta xidhiidhka labada dal . waxayna isku af garteen siddii
dalka masaru taageeri lahayd dhanka ka qeyb qaadashada wada hadalada
Somaliland iyo Somaliya, kordhinta deeqaha waxbarashada somaliland
la siiyo ,iskaashiga dhanka Ganacsiga iyo amaanka labada dal.
Wasiirka arrimaha dibedda dalka masar Dr. Samix Shukri ayaa
Somaliland ku bogaadiyay nabadgelyada iyo dimuqraadayda ka hirgashay
Somaliland.
Waxa kaloo wefdiga ka socday Somalilnad la kulmeen xubno ka tirsan
golaha wasiirada ee dalka masar oo uu ka mid yahay wasiirka
tacliinta sare Prof. Dr. Ashref. Kulankaasi oo qabsoomay xar unta
wasaarada tacliinta sare dalka masar waxay labada dhinac isku
afgarteen in Somaliland si gooni ah loo siiyo sanad walba 50 deeq
waxbarasho jamcadeed ah. Taageerida jamacadaha Somaliland dhanka
Cilmi baadhista iyo tabobarada maclimiinta Jamacadaha. Waxa kaloo
wasiirka tacliinta sare masar balanqaaday dhameystirka Xaruntii
dhaqanka masar –Maktabada Masar.
Waxa kaloo wefdi Somaliland la kulmeen wasiir-ku xigeenka
Tacliinta Prof. Dr. Ahmed Elgeushey waxaana kulnakaasi ka soo baxay
qodobadan:
Khorninta maclimiinta Masaarida ee dhiga iskuulada somaliland,
waxaana lagu kordhiyay 100 maclin oo kale. Taageerida jamacadaha
Somaliland gaar ahaan kuliyadaha waxbarashada (Facu lty Education) in
ay ka caawiyaan in ay jeeshaan Xarumaha tabobarada Maclimiinta.Taageerida wasaarada tacliinta masar dhanka tabobarka farsamada ee
Jamacada Culuumta Bada ee Berb era .
Taageerida dhanka tobobarada maclimiinta iskuulada Somaliland
In ay masar u soo dirto Somaliland wefdi khubor dhanka waxbarashada
Farsamda (Technical E ducation) si ay u darsaan baahiyaha dhanka
waxbarasha farsamdaee Iskuulada Somaliland.
Waxa kaloo wefdigu la kulmeen wasiir-kuxigeenka Wasaaradda
Caafimaadka Masar Marwo Dr. Maissa Shawky. Kulnanka waxay labada
dhinac isku afgarteen sii xoojinta iskaasha labada dale e dhanka
caafimaadka waxay isku af garteen:
In dalka masar joogteeyo soona diraan sanad walba Dhakhaatiir
somaliland kafulisa qaliino bila asha ah oo wata dawooyinkoodii.
In dalka Somaliland la siiyo Deeq waxbarasho takhasus ah 5 Dakhtar
sanad walba.
In somaliland la siiyo deeqo dawooyin ah , loona soo diro doono
dawooyinkaas ka dib marka wasaarada caafimada somaliland ay soo
dirto Liiska dawooyinka loogu baahida badan yahay dalka.
Dhameystirika Heshiishka is af-garad ee Labada Wasaaradood
eeCaafimaadka labada dal.
imageWefdiga Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali
Shire waxaa ku weheliyay Danjire Ali Mohamed Ahmed –Wakiilka
Somaliland ee Yemen Mr. Abdiqani Ahmed Goole- Agaas imaha Waaxda
Siyaasadda Wasaaradda Arr. Dibedda Somaliland iyo Fahmi Qaasim
Mohamed – Madax Bariga Dhexe iyo Aasiya ee Wasaarada Arr. Dibedda
Somaliland
Source: Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation
Republic of Somaliland
|