Weftigii Somaliland ee uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee
Jabuuti ku sugnaa
iyo dhigooda Dawladda Jabuuti oo isku mari waayey wadahadalo dhex
maray
Djibouti (TNN):-Weftigii Somaliland ee dhinaca Amniga ee kala ahaa
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade iyo Taliyayaasha
Booliiska iyo Sirdoonka ee uu wehelinayey Xeer ilaali yaha Guud ayaa
lagu soo waramayaa inuu is faham waa dhex maray iyaga iyo dhigooda
Jabuuti, kadib markii ay ka wadahadleen sidii loo furdaamin lahaa
xuduudka xidhan.
Ma jiro war cad oo labada dhinac ka soo baxay, hase yeeshee wararka
hordhaca ah ee laga hela yo kulamadii ay labada dhinac yeesheen ayaa
sheegaya in is mari waa ka taagan yahay furitaa nka Xuduudka labada
Dal u dhaxeeya iyo waliba saddexdii nin ee ay Somaliland u dhiibtay
Dalka asi oo la sheegayo Somaliland inay Dalbatay in dib loo soo
celiyo.
Furitaanka Xuduudka labada Dal ayaa la sheegayaa Dawladda jabuuti
inay gabi ahaanba diiday iyadoo ku sababaysay inuu amaankeeda khatar
ku yahay, waxaana lagu soo waramayaa inay ku xidheen inaanay furayn
illaa la baabi’iyo magaaladda lawyacado, taasoo ay dalbadeen in
Saylac loo raro.
Sidoo kale, waxay shuruud ka dhigeen in dadka Reer Jabuuti ee sita
Baasaaboorada Dalkooda So maliland ka dhaafto lacagta laga qaado ee
soddonka Doolar ah, taasoo ay ka cawadaan Dadka Reer Jabuuti marka
ay ka soo talaabayaan Xuduudka iyo marka ay noqonayaanba.
Dhinaca Weftiga Somaliland oo aad u danaynayey furitaanka Xuduudka
ayaan la garanayn jawa abta ay ka bixiyeen shuruudahan, wallow
wararka aanu helaynaa ay sheegayaan inay safar dhin aca Dhulka ah ku
iman doonaan magaalooyinka Saylac iyo Lawyacado si ay u sameeyaan
suurt ogalnimada shuruudaha ay Jabuuti ku xidhay.
Hore waxa ay dawladda Jabuuti dhawr jeer u codsatay in laga raro
xadka magaaladda Lawyaca do, hase yeeshee soo jeedintoodaas marna
Somaliland may aqbalin, waxaanay ku noqotay mid aan meel mar ahayn
maadaama Lawyacado ay ku taalo dhul Somaliland leedahay.
Marka laga tago arrimaha Xuduudka ee ay labada Dal ka wadahadleen,
waxaan illaa hada Xog sugan laga haynin waxa ay labada dhinac ka
yeeleen saddexdii Nin ee ay Somaliland u dhiibtay Dalka Jabuuti,
kuwaas oo ay ka soo baxayaan warar kala duwan oo sheegaya in
Somaliland Dalbatay in dib loogu soo celiyo Dalkeeda, halka Dawladda
Jabuuti wararka ka soo baxayaa ay sheegayaan inay ka biyo diidsan
tahay saddexda nine e loo soo gacan galiyey oo ay wararka dhinaca
Sirdoonka ahi sheegayaan in aanay wax lug ah ku lahayn kiiska
Qaraxii Jabuuti.
Wararka laga helayo qabashada Saddexa Nin ayaa lala xidhiidhinayaa
in la isku beegay qaraxa iyo qabashadooda maadaama wararka la
helayaa sheegayaan in saddexdan nin Sirdoonka iyo Hay’adda MI6 muddo
lix bilood ah dabagal ku hayeen, kuwaas oo aanay wax talaabo ah ka
qaad in qaraxa Jabuuti hortii.
Warar kale oo dheeraad ah ayaa sheegaya in labada Qof ee is qarxiyey
aanay Somaliland ka tal aabin wallow Jabuuti sheegtay inay Somaliland
uga soo talaabeen, isla markaana Kooxda Al-sha baab sheegatay,
inkasta oo ay jiraan warar sheegaya inay ahaayeen dad aan shaqo ku
lahayn Alshabaab.
Saraakiisha sirdoonka ee Ajanabiga ee Somaliland ku sugan iyo
Ciidamadda la shaqeeya ee ay samaysteen ayaa ku fashilmay hawlgalo
badan oo noocan oo kale ah oo ay dad inta ay ku xidh xidheen hadana
ku waayey Eedihii ay marka hore u tuhunsanayeen, waxaanay Dad badan
oo faaleeya hawl-galada sirdoonadani sheegaan inay Guul daro ku
danbeeyaan qorshayaasha ay Dadkaasi u maleegaan.
Si kasta ha ahaatee ma cada mawqifka Xukuumadda Somaliland ay ka
taagan tahay dhiibista Saddexda Nin oo ay eheladooda iyo Mucaaradka
Somalilandba ku eedeeyeen Xukuumadda inay sharci daro ku dhiibtay,
iyagoo ku dooday inay ahayd in Dalka lagu baadho haddii danbigu ku
cadaadaana Ciqaabtooda la mariyo.
Timacade News Desk
Djibouti, Dalka Djibouti
|