Weftigii
Deeqbixiyayayaasha oo Faahfaahin ka bixiyey Sababah ay ula Kulmi
Waayeen Madaxweynaha iyo Komishanka

“Arrinta kharashka
deeqbixiyayaashu ugu talogaleen doorashada Madax tooyada mowqifkeedu
waxay weeye kii aannu hore isula soo qaadnay Guddiga Doorashooyinka,
xisbiyada iyo xukuumadda, wax isbeddel ah oo ku yimana ma jiro”
Warsaxaafadeed – weftiga deeqbixiyeyaasha
Weftigii ka socday deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya
doorashoo yinka oo labadii maalmood ee u dambeeyey booqashada ku
joogay Harg eysa, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha ay ula
kulmi waayeen Madax weyne Rayaale iyo Komishanka
Doorashooyinka Qaranka.
Warsaxaafadeed laga soo saaray magaalada Nairobi oo uu ku saxeexan
yahay madaxa deeqbixiyayaasha Mr. Richard Hands ayaa sheegay in
aa nay diidin inay Madaxweynaha la kulmaan, balse waqtigii u
qorshaysnaa inay la kulmaan uu Madaxweynuhu yeeshay hawlo kale oo uu
ku mash quulay, sidaa daraadeedna uu soo wakiishay Wasiirka
Arrimaha Dibada.
Deeqbixiyayaashu waxay kale oo ku sheegeen in sababtii ay Komishanka
Doorashooyinka ula kulmi waayeen ahayd dib-u-dhac ku yimi waqtigii u
qorshaysaa in dalka joogaan, kadib markii diyaaraddii weftiga siday
loo duway madaarka Berbera cimilada Hargeysa oo xumayd darteed.
Waxa kale oo deeqbixiyeyaashu warsaxaafadeedkaas ku caddeeyeen
mowqifkooda ku wajahan bixinta kharashka doorashada, kaasoo ay
sheegeen in aanay waxba iska beddelin sidii ay kaga wadahadleen
xisbiyada, Komishanka iyo xukuumadda.
Warsaxaafadeedka weftiga deeqbixiyeyaashu soo saareen oo ku qornaa
afka Ingiriisada oo aannu idiin soo tarjunay waxa uu u dhignaa sidan:
“Annagoo tixraacayna maqaalkii uu daabacay wargeyska Jamhuuriya
30-kii June 2009 ee la xidhiidhay weftigii deeqbixiyayaasha ee
Hargeysa yimi 29 June 2009, waxay deeqbixiyayaashu doonayaan inay
faahfaahin ka bixiyaan qodobaddan;
Deeqbixiyayaashu may diidin in ay la kulmaan Madaxweynaha
Somalila nd, laakiin Madaxweynuhu wuxuu lahaa ballamo kale, sidaa
daraadeedna wuxuu soo dirtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Md.
Cabdillaahi Maxamed Ducaale si uu wakiil uga noqdo kulanka
deeqbixiyayaasha.
Weftigan waxa hore ugu qorshaysnayd inay la kulmaan Komishanka
Doo rashooyinka, balse waxa kulankaas baajiyey sababo la xidhiidha
cimilada Hargeysa oo xumayd awgeed, taas oo keentay in diyaaraddii
weftiga ka soo qaaday Nairobi loo duway Berbera, isla markaana waxay
arrintaasi saddex saacadood dib uga riday weftiga waqtigii u
qorshaysnaa. Dib-u-dhacaa weyn ee ku yimi jadwalkii u qorshaysnaa
weftiga ayaa sababay in weftigu soo gaabiyaan kulamadoodii, iyagoo
waqti u helay uun inay saddexda xisbi qaran si wadajir ah ula
kulmaan.
Arrinta kharashka deeqbixiyayaashu ugu talogaleen doorashada
Mada xtooyada mowqifkeedu waxay weeye kii aannu hore isula soo
qaadnay Guddiga Doorashooyinka, xisbiyada iyo xukuumadda, wax
isbeddel ah oo ku yimana ma jiro,” ayuu yidhi warsaxaafadeedku.
Jamhuuriya Online
|