Weftiga UDUB ee Booqashada ku Jooga Gobolka Saa xiil oo Kormeer ku Maray Xarrumaha Hay’addaha Dawladda ee Berbera
 


Berbera (TNN)-Guddoomiyaha Ololaha xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal  (Cis maan Hindi) iyo weftiga uu hoggaaminaya oo hada booqasho ku maraya gobolka Saaxil, ayaa shalay kormeero qiimayn ah ku soo maray xarrumaha hay’addaha dawladda iyo dekedda magaaladda Berbera.

Guddoomiyaha Ololaha xisbiga UDUB Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) iyo weftigiisu waxa ay kormeero kala duwan ku mareen xarrumaha wasaaradaha dalka ee ku yaal xarrunta gobolka Saaxil ee Berbera, sida caafimaadka, waxbarashada, xannaan adda xoolaha, warshada laydka, dekedda Bebera, maxjarka xoolaha lagu xannaaneeyo iyo qaybaha kala duwan ee magaaladda, iyaga oo warbixino ka dhegaystay  isuduwaya asha wasaaradahada iyo masuuliyiinta hay’adaha kale ee ay la kulmeen.

Md. Cismaan Cabdillaahi Cigaal oo xalay Jamhuuriya uga xogwaramay booqashada ay ku joogaan Berbera iyo kormeerka ay ku soo mareen xarrumaha hay’adaha dawladda, wax a uu sheegay in ujeedada kormeerkoodu la xidhiidho sidii ay u ogaan lahaayeen wax qabadka wasaaradaha dawladda iyo inay ku shaqaynayaan siyaasadda xisbul-xaakinka UDUB oo uu xusay in xukuumadda taladda haysaa ka soo jeedo.

“Waxaanu soo kormeernay xarumaha wasaaraddaha dalka eek u yaal Berbera, deked da, maxjarka iyo warshada laydka, anaga oo weydiinay inay warbixino naga siiyaan  wa xyaabihii u qabsoomay iyo wixii ka dhiman, warbinadoodiina waxa nooga soo baxay in wax badan oo lagu faani karo u qabsoomay, haday tahay caafimaadka, waxbarashada oo heersare maraysa dugisyo badan iyo arday aad u tiro badana ku jiraan, waxaanu soo marnay maxjarka oo aanu ku arganay wax naga yaabiyey oo ah sida fiican ee  shaq adu uga socoto ee daryeelka xoolaha looga shaqaynayo, dekedda ayaanu soo marnay oo waxqabadkeedu si fiican u muuqdo, horumar balaadhana ku tallaabsatay, iyada oo aan haba yaraatee aan gacan shihseeye iyo taakulayn midna helin, waxaana ka socota balaadhin dekedda lagu wado.

Warshada laydka ayaa iyaduna bulshada reer Berbera ka haqabtirtay layd ku filan oo waxaad arkaysaa sida dadku ugu wada qanacsan yihiin kooraanka ay haystaan, laydkii ayeyna ka wada dhergeen, waxa kale oo aanu soo marnay kastamka Berbera oo  warb ixin nalaga siiyey sida wanaagsan ee uu u shaqeeyo, qaybaha kala duwan ee  bulshad ana ugu adeego, markaa waxaan leeyahay wax badan ayaa nala yidhaahdaa waxba ma qabtaan oo waa fadhiid, waxaa muuqata sida aanu Berbera ku aragnay in xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ay dalka waxban u qabteen, mudadaa ay jirtayna gaadhsiisay horu mar balaadhan oo dalku aanu waligii gaadhin,” ayuu yidhi; Cismaan Hindi.

Waxa kale oo uu meesha ka saaray eedaha xisbiyada mucaaridku u soo jeediyeen UDUB ee ah inay dalka ka bilaabeen olole aanu wakhtigeedii gaadhin, arrintaasi oo uu ku  tilma amay hadal meel waayey oo aanay waxba ka jirin, isaga oo xusay in eedaha xisbiga KULMIYE u jeediyey Komishanka doorashooyinku ay yihiin qaar dhaawaca heshiiskii lixda qodob ahaa ee lagu soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee sannadkii hore ka dhacay dalka.

Weftigu waxa ay maanta kormeer ku soo mari doonaan deegaannada iyo xarrumaha  xi sbiga UDUB ku leeyahay gobolka Saaxil, iyaga oo u kuur geli doona xaaladda  deegaanna da ay marayaan iyo waxyaabaha bulshada loo qabtay iyo wixii dhimanba.



Source: Jamhuuriya Online