Wefti Wasiiro ah oo u Kicitimay Dalka Kenya,Oo ay kaga Qayb Gelidoonaan Shir ay Qaramada Midoobay Qabanayso.

 

 


Waxa kale oo uu wasiirku sheegay in golaha Aamanka ee qaramda midoobay ay hordhigayaan…


Hargeysa (TNN) Wefti Wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada Somaliland, isla markaana uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ,Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta u kicitimay dalka Kenya. Waxaana la sheegay in weftigani ay ka qayb geli doonaan shir caalami ah oo ay guddida amaanka ee qaramada midoobay ku qabanayso dalka Kenya.


Weftigan Wasiirada ah waxaa ay kala ahaayeen Wasiirka wasaarada macdanta,biyaha iyo Tamarta Cabdi Ducaale Cali,Wasiirka Gaashaan dhiga Axmed xaaji Cali Cadami,Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Marwo ilhaan Maxamed Jaamac,Guddoomiyaha Guudida Arimaha dibada ee golaha wakiil ada xuseen Maxamed Cigge.



Wasiirka Arimaha Dibada iyo Isikaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr Maxamed C/laahi oo saxaaf ada uga waramay ka hor intii aanay ka duulin madaarka haragysa waxa uu yidhi “Weftigan balaadh an ee ka socda xukuumadda iyo baarlamaanka waxaanu u baxaynaa dalka Kenya caasimadiisa Nairo bi, halkaasi oo aanu kaga qeyb galayno shir ay qaban qaabisay Golaha Ammaanka ee jimciyada quru umaha ka dhaxaysa oo Somaliland-na lagu soo casuumay in ay shirkaasi ka qayb gasho ayaanu u ba xaynaa, Shirar kale oo golaha amaanku somaliya la yeelanayaana way jiran, hasayeeshe shirkan aa nu ka qaybgalaynaa waaa mid u gaar ah Somaliland iyo golaha Aamaanka ku kulmayaan.”Ayuu yidhi wasiirku



Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in golaha Aamanka ee qaramda midoobay ay hordhigayaan qadiy ada Somaliland waxanu yidhi“Fadhigan waxaanu kaga hadli doonaa qadiyada Somaliland, waxaanu uga warami doonaa inay Somaliland tahay dal nabadgelyo ah oo dimuqraadi ah oo xoriyadiisu madax banaanidiisu taam tahay oo ah dal adduunka ka doonaya inuu ka helo ictiraaf iyo aqoonsi buuxa. Golaha ammaankuna waa Ha’yada ugu sareysa ha’yadaha dunida ka jira ee caalamku wada leeya hay. Shirkani wuxuu inoo yahay sharaf waayo waa markii u horaysay ee tan iyo intii ay Somaliland jirtay ay xukuumadda Somaliland ay si toos ah oo fool ka fool ah ula fadhiisato jimciyada quruumaha ka dhaxaysa Golaheeda ammaanka oo ay u gudbiso qadiyada, dareenka iyo himilada shacabka reer Somaliland, hadaba Anagoo tix gelinayna muhiimad ay leedahay fursadaasi waxay Somaliland ku faraxsan tahay inay ka qeyb gasho fadhigaasi gaarka u ah Somaliland iyo Golaha ammaanka,”ayuu yidhi wasiirka ariamha dibadu Md. Cabdilaahi Maxamed Cumar.DSC08279

 

 


Khadar C. Muuse
Timacade News Desk
Hargaysa Somaliland