Wefti uu Hogaaminayay Wasiirka Arimaha Dibada S/land oo Kormeer ku soo maray Deegaano Ka tirsan Gobolka Gabiley.

 


Waxaan doonayaa inaan ka war bixiyo safarka aan ku imiday Gobolka Gabiley.......

Hargaysa (TNN):-Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr maxamed C/laahi Cumar oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Guddaha C/laahi Xuseen cigge (C/laahi Black) iyo xubno kale oo ay ka mid  aha ayeen Guddoomiyaha gobolka rashiid cumar Sh. Muxumed iyo taliyaha qaybta Ciidanka Booliska ee gobolka Gabiley Axmed Maxmed Guutaale ayaa maanta kormeer ku soo maray Deegaano ka tirsan Gobolka Gabiley.

Weftigan uu hogaaminayay Wasiirka Ariamaha Dibada Dr Maxamed C/laahi Cumar Meelaha ay kormeerka ku soo mareen ayaa waxaa ka mid ahaa Magaalooyinka Arabsiyo,Gabiley,Kalabaydh iyo Tog-wajeel u jeedada S afarka weftigan ayaa la xidhiidhay sidii loo dardar gelin lahaa heshiiskii nabadeed ee ay dhawaan kala  saxeex deen labada beelood ee ku muransan deegaanka Gobolka Gabiley iyo u kuur gelida xaalada guud ahaaneed ee deegaanada ka tirsan Gobolkaasi gabiley.

wasiirka oo ka war bixinaya u jeedada safarkooda waxaa uu yidhi "waxaan doonayaa inaan ka war bixiyo  sa farka aan ku imiday gobolka Gabiley. ujeedadiisa u waynina waxa uu qayb ka yahay dadaal iyo qorshaha xuk uumada cusubi kaga war hayso, warbixino kaga dhagaysato, buug kuu gasho nolasha iyo dareemada ka jira gobolada iyo dagmooyinka dalka. xukuumadani cusubi waxa ay ka duulaysaa howlgal ay doonayso inay dalka wax kaga qabato iyaga oo ka duulaaya baahida runta ah iyo dareemada ka jira gobolada iyo dagmooyinka iyo dadka ree soomaaliland meelkasta hajoogaanee".

Wasiirka Arimaha dibada somaliland ayaa ka mid ah Guddi uu Madaxwaynaha somaliland u xilsaaray xal u  heli da deegaanka Ceel bardaale oo dhawaan heshiis nabadeed ay kala saxeexdeen labadaasi beelood,iyada oo uu wasiirka Arimaha Dibadu magaalada Gabiley maanta kaga qayb galay kulan lagu taageerayay heshiiskii nabada ee ay dhawaan gaadheen labada beelood ee ku muransan deegaanka ceel bardaale,kulankaasi oo ay yeesheen qaar ka mid ah cuqaasha,odayaasha,madax-dhaqameedyada iyo wax garadka gobolka Gabiley  lag una qabtay xarunta dawlada Hoose ee magaalada gabiley kulankaasi oo ay ka wada hadleen weftiga uu  hog aaminayay wasiirka arimaha dibada iyo Odyaashani sidii loo anba qaadi isla markaana loo sii xoojin lahaa hesh iiskii nabadeed ee ay dhawaan kala saxeexdeen labada beelood ee deegaanada Dilla iyo gabiley isaga oo  wa siirku arimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi " ceel bardaale waxa ka aloosnayd colaad dabadheer oo mudo dheer wadanka ka jirtay.

colaadaasi waxay ahayd colaad ay dad badan oo muslimiin ahi naftooda ku waayeen walina may soo gaadhin heshiisiintu halkay maanta marayso arintani waxa guusheeda iyo karamadeedaba leh deegaanka Gabiley iyo deegaanka Dila" ayuu yidhi wasiirka ayaa ugu baaqay cuqaashii iyo madax dhaqameedyadii in ay ku  dadaala an sidii loo hirgelin lahaa heshiiskaasi odayaasha ka qayb gelayay kulan ayaa iyaguna xusay in ay diyaar u yihiin sidii ay u meel marin lahaayeen heshiiskaasi isla markaana uu u noqon lahaa mid midho dhal ah.

Waxaa kale oo weftigan uu hagaaminayay Wasiirka Arimaha dibada Somaliland ay war bixino ka dhegaysteen Maamulada degmooyinka Arabsiyo,Tog-wajeele iyo Golaha deegaanka magaalada gabiley, weftigan oo  korme erkiisa ka bilaabay Magaalada Arabsiyo ayaa waxaa ay halkaasi warbixin kaga dhegaysteen hoghaya  Dawla da hoose ee degmada Arabsiyo Maxamed habane Samatar iyo TaliyahaQaybta ee Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley Axmed maxamed Guutaale oo isna ka war bixiyay Guud ahaanba Xaalada nabad geliyo ee  Gobolkaa si,intaasi ka dib waxaa uu weftigani u sii gudbay magaalada gabiley ee xarunta Gobolkaasi iyada oo ay  halka asina warbixino la xidhiidha guud ahaanba xaalada gobolaka kaga dhegaysteen Guddoomiyaha Gobolka  gabil ey,maayarka Mgaalada Gabiley iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka Magaalada gabiley.


weftigan waxaa kale oo ay kulan xog waraysi ah la yeesheen guddoomiyaha degmada Tog-wajaale iyo xubno ka tirsan dawlada Hoose ee magaalada tog-wajaale iyo sidoo kale qaar ka mid ah madx dhaqameedka  Degm adaasi wajaale,wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr maxamed C/laahi Cumar ayaa maanta markii ugu  hor aysay waxaa uu maamulka degmada Wajaale ku wareejiyay waraaq uu madaxwaynaha somaliland Axmed   M axamed Siilaanyo ku anxisiyay ama ku horgeliyay in magaalada Wajaale la siiyo dhul loogu talo galay Qabuu ro,iyada oo aanay magaaladaasi markii hore aanay lahayn Qabuuro.


sidoo kale waxaa uu weftigani soo kormeeray meelo ka mid ah Gobolka gabiley oo laga hirgeliyay biyo soo s aar meelahaasina waxaa ka mid ahaa magaalooyinka gabiley,kalabaydh iyo tog-wajale oo markii ugu horaysay lagu guulaystay in loo soo saaro biyo macaan.



Khadar C. Muuse
Timacade News Desk
Hargaysa Office