Wefti ka Socday Midowga Yurub oo Socdaal ku yimid dalka

Wefti ka socday Midowga Yurub oo Booqasho ku yimid Somaliland
Hargeysa (TNN):- Wefti ka socday Midowga
Yurub, kuwaasi oo ay hogaaminayaan Safii rrada Midowga Yurub Iyo
Ingiriiska u Qaabilsan dawladaha Somaliland & Soomaaliya, ay aa
galabta dalka ku yimid booqasho rasmi ah,waxaanay ka soo degeen
madaarka caala miga ah ee Hargeysa.
Weftigan, ayaa waxa hogaaminaya ergayga Midowga Yurub u qaabilsn
dalalka Soomaali ya iyo Somaliland Mr Michele Cervone, waxaana
weftiga ka mid ahaa safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsn
Somaliland iyo Soomaaliya Neil Wigan.Waxa weftigan madaarka ku soo dhaweeyay Xubno ka mid ah Golaha
Wasiirradda,waxaana lagu wadaa inay Isniinta berry kullamo la
yeeshaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
iyo xubno ka tirsan Xukuumadiisa.
Weftigan oo ay garoonka diyaaradaha ee Cigaal ku soo dhaweeyeen
Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa xalay u hoyanaya
Magaalada Hargeysa, waxaana la fila yaa inay maanta oo Isniinta ahi
kulamo la yeeshaan Madaxwaynaha Somaliland iyo qaar ka mid ah Golaha
Wasiirrada.
Weftigan ayaa noqonaya kii labaad ee heer Caalami ah ee Somaliland
soo booqda todd obaadkan oo kali ah, iyadoo ay hore u joogeen
safiirka Turkiga u fadhiya Somaliland iyo Somaliya iyo weliba
Maal-qabeeno u dhashay dalkaasi Turkishka.
Wufuudan isku soo beegmay ayaa socdaalkoodu la xidhiidha dhinaca
Dublamaasiyadda iyo Maal-gelinta maadaama ay taageero dhinacyo kala
duwan ah siiyaan Somaliland, ma na aha markii ugu horeysay ee ay
diblamaasiyiintani booqasho ku yimaadaan Somalilan d.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|