WEFTI KA SOCDA SAFAARADDA INGIRIISKA EE ADDIS ABABA OO SOMALILAND U YIMI HAWLAHA DIYAAR-GARAWGA DOORASHADA MADAXTOOYADA

 



 

Hargeysa (TNN):- Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya Ampasador Norman Link iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay safar shaqo oo xaqiiqo raadis ah ku yimi Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanu sheegay Safiirku inuu kulammo kala duwan la yeeshay Hoggaamiyayaasha Xisbiyada Siyaasadda iyo Guddiga doorashooyinka, isla markaana waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin taageero kasta oo ay Somaliland kaga caawin karaan arrimaha doorashadooyinka, horumarinta dimuquraadiyadda iyo wixii kale ee awooddooda ah.

Ampasador Norman Link oo shalay socdaal ku yimi magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay si aad iyo aad u wanaagsan u socdaan hawlaha diyaar-garawga doorashada. Isla markaana, waxa uu ammaan u jeediyey Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Axsaabta  siyaas adda ee kursiga Madaxtooyada ku loollamaya.

Safiirka oo ugu horreyn ka hadlayay ujeeddada safarkiisan uu Somaliland ku yimi, waxa uu  yi dhi; “Waxaannu halkan (Somaliland) u joognaa oo aannu u nimi sidii aannu taageeri lahayn  han naanka doorashada Madaxtooyada ee Somaliland ka dhaci doonta 26-ka bishan Juun ee  maal maha yari ka hadheen. Taasoo ah mid aad u mihiim ah, iyada oo xilligani yahay mid xiise gaar ah u leh taariikhda siyaasadeed ee Somaliland.”

Safiir Norman Link, waxa uu intaa ku daray, in wakhtigii uu joogay Hargeysa tan iyo shalay uu kulammo kala duwan la yeeshay Xisbiyada siyaasadda ee doorashada ku tartamaya iyo  Guddi ga doorashooyinka Somaliland uu kulammo la yeeshay, isla markaana ay iska waraysteen  hawl aha doorashadu sida ay u socdaan, isaga oo xusay inay si aad u fiican hawshu u socoto, taasoo uu sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay qaabka loogu diyaargaroobayo doorashada  Mad axtooyada.

Ambasator Norman, waxa uu sheegay in dawladdiisu door weyn ku leedahay hirgelinta  dimuqur aaddiyada curdinka ah ee Somaliland ka jirta iyo helitaanka doorashada maanta ololeheedu  soc do ee madaxtooyada, sidoo kalena ay dawladdiisu diyaar u tahay taageera kasta oo  awoodde eda ah oo ay ku horumarin karta hannaanka dimuquraaddiyada iyo doorashooyinka Somaliland, gaar ahaan ta madaxtooyada ee 26-ka bishan lagu wado in loo dareero.

Safiirku, waxa kale oo uu sheegay in 11 bilood ka hor uu Somaliland yimi, xilligaas oo uu sheegay in hannaanka dimuquraaddiyadda iyo rejada laga qabo doorashada hadda loo  diyaargarooba yaaba ay si weyn u cakirnaayeen, balse ay xalka khilaafaadkii wakhtigaa taagnaa si weyn uga qayb-qaateen, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa la yidhi, “Xilligaas Xisbiyada Somalilan, garabyada siyaasadda iyo Beesha Caalamku-ba waxaannu ka wada hadalnay khilaafkii jiray, iyada oo aannu ka dibna isla gaadhnay heshiis ay ka mid ahaayeen in la beddalo Guddigii hore ee doorashada, isla markaana la dhiso Guddi cusub oo awood loo siiyo socodsiinta hawshooda, si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah, taasoo ah Guddigan maanta hawsha meesha fiican maraynaysa, oo runtii ah Komishan aad u firfircoon.”

Ambasator Norman Link, oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Sababta aan mar l1 bilood ka dib maanta u soo laabtay waxa weeye, inaan Komishanka doorashooyinka Somaliland kala hadlo halka ay wax u marayaan, waxyaabaha caqabadda ku ah iyo waxa ay u baahan yihiin ee wax lagala qaban karo muddada gaaban ee doorashada ka hadhsan.”

“Waxaan mar kale ku ammaanayaa Guddiga doorashooyinka is-beddalka iyo diyaar-garawga  fii can ee ay muujiyeen. Sidoo kale, waxa ammaan mudan saddexda Xisbi ee UDUB, UCID iyo  KUL MIYE. Annaguna haddaannu nahay dawladda UK (Ingiriiska), waxaannu Somaliland la garab-taagannahay hirgelinta doorashada iyo hannaanka dimuquraaddiyadda curdinka ah ee  Somalil and ku tallaabsatay oo ah mid korin u baahan,” ayuu yidhi Safiirku. Waxaana laga yaabaa in  Sa fiirka iyo xubnaha Weftigiisu Somaliland illaa maalinta berri ah ama caawa ka dhoofaan.

Source: Togaherer