Wefti
Ciidan ah oo ka socda Itoobiya oo dalka yimi iyo Xukuummada oo ka
hadashay
Hargeysa (Timacade News)- Wefti
ka socda Dawladda Itoobiya oo habeen hore dalka soo gaadhay, ayaa
shalay kulamo la yeeshay Xukuumadda iyo Saraakiisha Booliska
Somaliland. Waxaanay Ciidamada Boolisku ka hadleen Warar laysla dhex
marayay oo sheegayay in Weftigani ay dalka u yimaadeen laba Wadaad
oo toddobaadkii hore isu-dhiibay Xukuumadda, ka dib markii ay
Xukuumaddu dalbatay.
Wefti ka socda Dawladda Itoobiya ayaa habeen hore dalka yimi, isla
markaa na shalay kulamo la qaatay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda
iyo Saraakiisha Ciidamada Booliska Somaliland. Weftigan ayaa la
sheegay inay shalay Xarun ta Wasaaradda Daakhiliga kula
kulmeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Daak hiliga iyo Masuuliyiin
kale oo ka tirsan Wasaaraddaas.
Taliyaha guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi
Dubbad oo aanu xalay Khadka Telefoonka kula xidhiidhay oo aanu wax
waydiinay arrinta n, ayaa ku jawaabay oo yidhi, ?Haa
Weftigaasi way jiraan, waanu soo dhawa ynay, way yimaaddeen,
imikana (xalay) waanu wada cashaynaynaa. Waana arrin Booliis gaar u
ah, waxaananu ka wada tashanaynaa nabadgelyada guud ee labada
dhinacba (Somaliland iyo Itoobiya).?
Mar aanu Taliyaha waydiinay ujeedada dhabta ah ee Weftigan, ayaa
wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, ?Ujeedada socdaalkoodu waxay ku
salaysan tahay uun iskaashi Booliskayaga labada dhinac ah?
Ilaa shalay waxa jiray Warar layska dhex marayo oo sheegayay in
ujeedada Weftigan Itoobiyaanka ahi ay dalka u yimaadeen inay la
kulmaan, isla marka ana ay waraysi la yeeshaan labada Wadaad
ee Burco ku xidhnaa, kuwaas oo wararka qaarkood ay sheegeen in loo
gacan-gelinayayba. Sidaas darteed, Taliye Maxamed Saqadhi Dubbad oo
aanu wax ka waydiinay, ayaa Warkaa ku tilmaamay mid aan sal iyo raad
toona lahayn. Waxaanu sheegay in Wefti ay maanta dalka ka
amba-baxayaan. ?Arrintaasi waa been oo waxba kama jiraa n,
waar nimankani xalay (habeen hore), ayaabay yimaaddeen. Meelna may
tegin ee anagaa wada fadhiisanay, berritana (maanta) way
dhammaanaysaa oo waanu dhammaysanaynaa.? Ayuu yidhi Taliye Saqadhi.
Gebogebadii mar aanu Taliyaha waydiinay tirada Weftigan, wuu ka
gaabsad ay in uu faahfaahiyo. Waxaanu sheegay in socdaalkani uu
jawaab u yahay socdaal ay Saraakiil Booliska Somaliland ahi hore ugu
tageen Itoobiya. ?Waa saraakiil Boolis ah, tiradooda iska illow.
Sababtoo ah, waxa laga wada hadlay aa waa danta labada dal,
horena way u jirtay in anaga nalagu marti qaaday halkaas (Itoobiya),
maantana anagaa soo dhawaynay.? Ayuu yidhi Maxamed Saqadhi Dubbad.
Xigasho: Wargeyska Ogaal
|