Wefdigii Madaxweyne ku xigeenku oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Degmooyinka Wajaale iyo Gabilay

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo wefdigii uu hogaaminayay ee labadii toddobaad ee u dambeeyay socdaalka ku marayay gobollada Saaxil , Salal iyo Awdal , ayaa shalay duhurkii soo gaadhay caasimada Gabilay.
Wefdiga Madaxweyne ku xigeenka waxa magaalada Gabilay ku soo dhaweeyay Maamulka gobolka iyo degmada iyo boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Gabilay .

Wefdigaasi oo ka soo amba baxay Magaalada Boorame ee gobolka Awdal waxay soo mareen degmooyinka Dilla iyo Wajaale , halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo hadal u jeediyay bulshada deegaankaasi ku dhaqan ayaa uga waramay ujeedada socdaalkiisa uu ku soo maray gobolladii uu booqday , waxaanu sheegay inuu ku doonayo in dadweynaha lagaga dhaadhicinayo waxtarka diiwaan gelinta codbixiyayaasha.

“Jaan goynta dhaqaalaha iyo saami qaybiga mashaariicda dalku ay ku xidhnaan doonto hawsha diiwaan gelinta codbixiyayaasha , waxaana meeliba meesha ay ka dad badan tahay ay hadhoow xaq u leedahay in laga fuliyo mashaariicda horumarinta adeegyada Bulshada.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay inaanay jirin cuduudo deegaan oo dadla lagu kala qoqobayo xuduudo beeleed , qof kastaana uu degi karo meesha uu doono, waxaanu ugu baaqay shacbiga ku dhaqan Ceel Bardaale iyo Caada in ay is dajiyaan , isla markaana ay nabad gelyada dalka ilaaliyaan.

 



SN