Wefdigii Ka Socday Dawlada Somaliland oo La Kulmay Madax ka tirsan
Hay’adda USAID ee Maraykanka
Washigton-DC (TNN)- Weftigii
Xukuumadda Somaliland iyo Golayaasha ee booqashada ku joogay
magaa lada Washington DC, ayaa bilaabay shaqo hawleedkoodii; iyada
oo weftigu la kulmay shalay (23/3/2010) madax sare oo ka tirsan
hay'adda USAID ee dalka Maraykanka u qaabilsan Deeqaha Caalamiga ah.
.Weftiga Somaliland waxa ay madaxda hay'adda USAID kala xaajoodeen
muhiimadda iyo ka wada tashiga sidii hay'addu gacan uga geysan
lahayd horumarinta dhaqaalaha Somaliland. Weftiga Somaliland waxa ay
madaxda hay'adda USAID u bandhigeen baahida guud ee dalka Somaliland
u qabo xagga horumarinta dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.
Ka dibna waxay ay labada dhinac isla qaateen in si deg deg ah looga
hawl galo xal u helista dhismaha iyo horumarinta dalka. Waxa sidoo
kale, la isla gartay in si dhaqso ah ay hay'adda USAID dalka
Somaliland ugu soo dirto hawl wadeenno u gogol xaadha ka
baaraandegga wada shaqaynta mustaqbalka.
Weftiga Somaliland waxa ay sidoo kale maanta (23/3/2010) kulan kula
yeesheen Guriga Cad (White Hou se) ee waddanka Maraykanka
looga taliyo gudiga Madaxweynaha kala Taliya Arrimaha Nabadad
Gelyada (National Security Council). Waxayna labada dhinac ka wada
hadleen arrimo la xidhiidha nabad gelyada iyo xasiloonida Geeska
Africa.
Weftiga Somaliland waxa kale oo uu kulan muhiim ah la yeeshay
(22/3/2010) madax sare oo ka tirsan W asaaradda Arrimaha
Dibadda ee Maraykanka. Weftigu waxa uu si gaar ah ula kulmay madaxda
qaabilsan Arrimaha Africa. Kulanadaas weftigu la yeeshay madaxda
Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Waxa kale oo ka soo qayb galay
saraakiil ka kala socday, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo hay'addaha u
qaabilsan xagga nabad gelyada iyo ka hor tagga falalka argagixisada.
Ugu dambayntii waxa labada dhinac isla qaateen, in la sii xoojiyo
iskaashiga labada dal ka dhexeeya; iyada oo muhiimad gaar ah la
siinayo xaaladda guud ee ka taagan gobolka. Waxayna kulanadaasi ku
dhamaadeen is af-garad buuxa. Weftiga oo weli hawlo kale u dhiman
yihiin, waxa uu halkaas ka sii wadi doonaa, sidii uu arrimaha
Somaliland madaxda iyo hay'adaha Maraykanka uga dhaadhicin lahaa.
Wakiilka Somaliland ee Maraykanka.
Dr. Sacad Sh. Cismaan Nuur
|