WEBSITEYADA CAADAYSTAY KALA FOGAYNTA BULSHADA IYO
DACAAYADAHA RIQIISKA AH
Waxaa
runtii wax laga xishoodo ah in website yada somaliland
qaar ka mid ahi ay runtii caadaysteen inay bilaabaan
sidii ay umada ukala fogayn lahaayeen ayagoo abuura
xiqdi iyo naxli umada raad ku re eba. Sida aynu wada
ognahay dadka ugu badan ee akhrista webka waa dadka
qurbaha kunool hase a haatee may ahayn doorka
website yadu inay mushkilad bulshada ka dhex abuuraan
laakin waxay aha yd inay usoo gudbiyaan
dhacdooyinka, siyaasada wadanka, dhaqaalaha iyo wax
qabadka wadanka.
Akhriste hadii aad u fiirsato inta badan waxaad webebka
kala kulmasaa dad ayagu fikir ku qoray oo h adana
sidii gamyo-yarta isu jawaabaya adigoo arkaya JAWAAB
KU SOCOTA MAQAAL HORE--- iyo ash-khaas magac iyo maamuus
ku leh somaliland isla markaana xilal dawliya haya in la
iska aflagaadeeyo ayadoo aan wax cadayn ah aan
loo hayn, taasi waxaa dheer hada ilaa labadadii wiig ee
ugu dambeey ey inay website yada ay ka midka yihiin
WARYA TV ay soo qoraan qabiilada iyo beelaha ay ka soo
jee daan dadka mansabyaba ka haya somaliland ayagoo
xumaan waxay ka qabaan qabiiladadooda oo dh an soo
qoray, su aasha is waydiinta lihi waxaa weeye danta ugu
jirta dadka waxan qorayaa maxay t ahay? Xagayse ku
gaadhayaan? Jawaabteeda waxaan u dhaafayaa
akhristayaasha.
Akhriste waxaad ogaataa in wadanka somaliland dadka
xilalka ka hayaa ay yihiin dadkii wadanka u dh
ashay oo aanay ahayn ajaanib meel kale kaga yimi, laakin
xumaha cida jecel ee wanaaga ku hargabta ayaa waxaa ku
shaqaysata. Qabyaalada dadka ku shaqaystaa waxay u kala
baxaan laba nooc
A- Rag aan aqoon iyo kalsooni toona lahayn oo kaligood aan
meel istaagi karin oo raga ka daba hadla islamrkaana
ilaa ay cid ku tiirsadaan aan hadli karin.
B- Rag nolosha ka dhacay oo inta badan balwadaha qaadka
iyo wixii la hal maala ku talax tagay oo aan xishood iyo
damiir toona lahayn.
C- Rag ayagu ka dhigtay ilo dhaqaale sidii ay qabiil wax
ugu cuni lahaayeen oo hunguri la galay.
Gebo-gebadii waxaan leeyahay ninkii xanuusanaya ee asaga
xumaan iyo xiqdi ku beranyahay ka ku e ekaado oo
yaanu bulshada sunta soo gaadhsiin, dadkuna waa inay ka
foojig naadaan waxyaabaha no ocaas oo kale ah isla
markaana ay dareen ka bixiyaan si aanay inoogu fidin.
ALLAHAYOW DADKAAGA SOO HADEE aamiiiiiiin.
Wabilaahi tawfiiq.
Mahdi Ali
mahdi3@hotmail.co.uk
|
|