Waynu ognahay in nabadgelyadeena iyo midnimadeena la doonayo in wax la yeelo oo…

 


Hargeysa  (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaa nyo), ayaa eeda yn u jeediyay dad muwaadiniin ah oo uu sheegay inay ka xun yihiin wanaaga  dal ka.

Madaxweynaha oo habeen hore hadal kooban siiyay Warbaahinta dawladda, waxa uu  dadweyna ha uga digay inay ku camal falaan hadalada dadkaas oo naqdiyay oo aanu magacaabin.

Axmed-Siilaanyo oo ka hadlayay wefti ka socday dalka Denmark oo doraad saacado kooban  joog ay Hargeysa, waxa uu sheegay inay balaqaadeen inay la shaqayn doonaan Somaliland. “Markii aa nu isu nimi weftigan reer Denmark Somaliland sawirka ay ka qaarteen wuxuu ahaa sawir aad iyo aad u wanaagsan niyad fiican ayey dalka kala tageen, waxtar badan iyo wada qabsi badan iyo la shaqayn ay wax inala qabtaana way ballan qaadeen hore iyaga oo u ballan qaaday, marka ay wuf uuda dibadu inoo yimaadaan waxaynu ku wanaagsan nahay waligeen haddaynu dadweynaha reer Somaliland nahay soo dhaweynta, raxraxda, nabad gelyada iyo wajiga farxada leh ee aynu umma da la hortagno,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

“Waxaan maanta jecelahay inaan mahad naq balaadhan u jeediyo shacbi weynaha reer Hargaysa ee sida fiican ee caaqiibada leh u soo dhaweeyey weftigii inoo yimi, gaar ahaan waxaan mahadnaq u soo jeediyo ciidamada nabadgelyada. Waynu ognahay muddo yar ayuu maamulkeenani jiray oo saddex bilood ku kooban, wixii la soo qabtay iyo wixii inoo hagaagay waynu soo bandhigi doonaa, ummaduna way inala aragtay.

Waxaanu jecel nahay dadka inaga midka ah ee had iyo goor jecel wax xun sheega, waynu  ognah ay in dhibaatooyin badan dalkeena lala raadinayo, in nabadgelyadeena iyo midnimadeena la doo nayo in wax la yeelo, waxaan dadweynaha reer Somaliland ku bogaadinayaa kuna dhiirigelinayaa inaanay dheg u dhigin dadka xumaanta wada ee wanaagaa aynu ku soo dhaweynayno martida in oo imanaysa ka xun,” ayuu raaciyay.
 

Source:Wargeyska Ogaal