Waxyaalaha Soonka Jabiya



Waxyaalaha Soonka jabiya waxay u qaybsamaan laba qaybood oo kala ah:-

1-Wax jabiya oo dib ka gudis waajibiya.
2-Wax jabiya oo dib ka gudis iyo kafaaragud waajibiya.

Waxa jabiya oo dib ka gudis waajibiya

1-Cunista iyo cabista loo kaso, taasoo ah inuu qofku isagoo og inuu Sooman yahay inta uu cunto iyo cabitaan iska soo qaato uu iska cuno, isagoo og inay ka jabinayaan, haddiise uu qofku cuno isagoo illawsan ama u kasin amaba lagu qasbo gadaal ka gudis iyo kafaara gudis midna dushiisa ma ahaanin. Nabigeenu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-" Kii illooba-isagoo Sooman- ee markaa cuna ama cabba , Soonkiisa ha dhammaystiro, waxaa cunsiiyay Ilaahay oo waraabiyaye" Kooxdaa warisay. Waxaa kale oo Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-"Ilaahay wuxuu ka qaaday(aan dambi loogu qoraynin) umaddayda waxa aan loo kasin,illawshaha iyo wixii lagu khasbo" waxaa wariyay Ibnu Maajah,Addabaraani iyo Xaakim.

2-Iska matajinta loo kaso, haddiise uu mataggu ka yimaado dib ka gudis iyo kafaaro gud midna dushiisa ma ahaanin. Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"Qofka matagu ka yimaaddo dushiisa dib ka gudis ma saarna, ka iskaga matajiya si ula kac ah dib ha ka gudo" Waxaa wariyay Axmed iyo Abuu Daa'uud.


3-Dhiigga Caadada iyo dhalmada oo qofka dumarka ah ka yimaadda xattaa saacadaha ugu dambeeya maalinimadiiba ha ahaatee.


4-Biyo(Mani) uu ninku iska keenno si kastaba ha iskaga keenee sida isagoo xaaskiisa dhuunkaday ama gacantaba iskaga keenay Soonka ayay ka jabinayaan dib ka gudis baana ku waajibtay, haddiisa ay si kale uga yimaadaan sida riyo oo kale ma ka jabayo Soonkiisu, sidoo kale dhareerka aan biyaha ragga ahayn ee ragga ka yimaaddaa wax uma dhimaan Soonka.


5-Qofka isagoo Sooman niyaysta inuu jabiyo Soonkiisa xattaa waxba yaanuba cunine.


6-Haddii uu cuno,cabbo amaba uu u galmoodo xaaskiisa isagoo moodayay in gabbalkii dhacay oo uu mar dambe ogaado inaanu gabbalkiiba dhicin sida culimadu u badan yihiin dib ka gudis baa ku waajibtay.


Waxa jabiya ee dib ka gudis iyo kafaara gudba waajibiya

Waxa jabiya ee waajibiya dib ka gudis iyo kafaara gudba waxa ay culimadu isku raacsan yihiin inuu yahay u galmooshada ninku xaasikiisa u galmooda maalinimada Soonka. Abii Hurayra Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyay inuu yidhi:- Nin baa u yimid Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye, markaasuu yidha:- Rasuulkii Ilaahayow waan halaagsamay, markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-" Oo maxaa ku halaajiyay", markaasuu ninkii yidhi:- Xaaskaygii baan u galmooday maalin Ramadaan. Markaasuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-"Ma haysataa wax aad qoor ku xorayso?". Nninkii wuxuu yidhi:-Maya. Wuxuu yidhi(Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-"Ma kari kartaa inaad Soonto labo bilood oo isku xiga". Wuxu yidhi ninkii:-Maya. Wuxuu yidhi (Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-"Ma heli kartaa wax aad cunsiiso lixdan miskiin?". Wuxuu yidhi ninkii:-Maya. Abuu Hurayra wuxuu yidhi waxyar markii uu fadhiyay ayaa Nabiga naxariis iyo nabdgalyo Eebbe korkiisa ahaataye loo keenay laan timir ku taallo , markaasuu ninkii ku yidhi:-"Sadaqayso tan(timirtan)". Markaasuu ninkii yidhi:-Ma cid naga faqiirsan baa jirta? Ma qolo ku nool labada daafood ee Madiina oo nooga baahi badan baa jirta?. Markaasuu Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu qoslay ilaa gawsihiisu ay muuqdeen kuna yidhi ninkii:-"Tagoo cunsii reerkaaga" Kooxdaa warisay.


Sida ay culimadu u badan yihiin labada qof ee ninka iyo naagtu way ka siman yihiin dib ka gudista iyo kafaara gudkaba hadday labadooduba u kasaan inay isku tagaan maalinimada Ramadaan. Haddiise ay isku tagaan iyagoo illawsan, amaba lagu qasbo wax kaffaara gud ah oo saarani ma jirto. Haddiise uu ninku naagta ku qasbo, amaba ay duruufo jira darteed u afurnayd kafaara gudku isaga ayay dushiisa tahay. Shaaficiyaduse waxay qabtaa inaan kafaaro gud waajib ku ahayn qofka dumarka ah haddii uu qasbo iyo haddii ay raalli ku ahaydba.

La soco qaybta 9aad……………

 

 

 

Mustafe Abdikarin Ali (Mustafe Future)
Longlivesomaliland News Desk
mccfuture@longlivesomaliland.com
Hargeisa Office Somaliland