Waxqabadka badhasaabka
Gobolka gabiley iyo maamul wanaaga uu u
horseeday

Waxaa muddo dhaw oo haatan
laga joogo 2 sano kudhawaad lagu dhawa aqay Gobolo iyo
degmooyin badan oo dalkan s/land katirsan waxa kamid ah Gobolka
gabiley
oo runtii mudo aad u dheer u hanqal taagayay sidii uu mar uun gobol
u noqon lahaa.
Hadaba maadaama ay u rumawday riyadii ay mudo badan ku riyoonjireen
dad-waynaha ku dhaqan Gobolkan gabiley oo ay heleen gobol kii ay
muda da dheer sugayeen
Maxaa lagudboon dadwaynaha gobalkan kasoo jeeda gudo iyo dibadba
jooga?
Hadii ay yihiin waxgarad, aqoonyahan, culimo awdiin, Dhalinyaro,
Odayaal, Siyaasiyiin, Haween, iyo dhamaanba qaybaha kale ee ay ka
koobantahay bulsho waynta ku dhaqan gobolka gabiley
Waxay ila tahay in aan la is dhigan oo aan magaca Gobol ina
madaxmarin ee aynu meel uga soo wada jeedsano sidii loo horu marin
lahaa gobolkani cusub ee la inoo magacaabay laguna dadaalo sidii uu
ugaadhi lahaa gobol adii ka horeeyay
Waxa maanbta xusid mudan sida ay u haawanayso magaalo madaxdii
gob olku ama ay u kala dhimantahay bilicdeedu waxa aynu ognahay in
mudadii labada sanno ahayd ee ugu danbaysay ay magaalada gabiley six
ad dhaaf ah uga soo guureen qoysas badan oo deganaa Gabiley sobobta
ugu wayn ee ay usoo guureena ay tahay sobobta ugu wayn ee ay uga soo
guure ena ay tahay jaamacad la’aan oo qoys walba mar kii ay laba iyo
sadexba u kala jabeen ay dantu ku khasbayso in loo wareego ama loo
guuro halk aasi ay caruurtoodii jaamacada ka dhiganayso sida
jamacada hargaysa ama borama
Hadaba waxa farxad iyo xusid mudan in uu badhasaabka gobolka gabiley
oo ku guulaystay in uu kafarxiyo dadbadan oo katirsan qoysaskaasi
war-warka iyo iyo walbahaarka badani kahaysan jiray kala jabka
reerkooda iyo jaamacad doonashada masaafadaas leh isagoo badhasaabku
ilaa sidii uu xilkaasi u qabtay ku dadaal badan ka muujiyay sidii ay
usoo guryo noq o nlahaayeen dadwaynihii kaguuray magaalada
isagoo ku dhawaaqay in ay furmayso jaamacad laga hirgaliyay gobolka
gabiley oo runtii aad loogu riyaaqay
Waxa kale oo hadaba wax aad loogu farxo ah in uu badhasaab ku ku
guul aystay in uu hirgaliyo wado wayn oo isu xidha badhtamaha magala
mad axda gobolka gabiley iyo iskuul ka sare ee timo-ade secondary
school wadadaas oo runtii aad loogu baahnaa dad badana kafarxisay oo
noqotay mid lagu doogsaday
Waaxaana is odhan karnaa badhasaabku waxa aanu wali la fal galin
dhaq amada beenta iyo laaluush ku kubadan yahay ee masuuliyiinta
qaar lagu yaqaanay
Waxqabad yada runtii uu badhasaabku gobolka u qabtay ma aha kuwa aan
halkan ku soo koobi karno waxa kale oo badhasaabku ku guulaystay in
uu qasabadaha biyaha gaadhsiiyo dagmo ama tuulo u dhaw magalo
madaxda gobolka gabiley oo layidhaa (kalabaydh) taasina waa waxqabad
lagu farxo oo aan runtii hore looga helin maa muladii hore ee isaga
danbe eyay gabiley
Waxa aan leeyahay oo aanu u diraynaa badhasaabka gobolka in aanu ku
faraxsanahay waxqabad kaasi meel-marka leh ee uu ku talaabsaday
wax aananu leenahay hadaanu nahay shacbi waynahii gobolka gabiley
halkaasi kasii wad
Waxa nasiib darro aad looga xumaan karo ah in ay dad yar oo faro
kutiris ahi caadaysteen dhaliisha ama cayda badhasaab kaasi iyo
masuuliyiin kale oo hawlkarnimo badan ka muujiyay gobolkan waxaan
leenahay waadad aan kawar qabin hawsha iyo xilkani in aan wax waliba
sidaad rabto aanay udhici doonin waxa layidhi (habar fadhida lagdini
wax uga fudud) markaa waxanu leenahay hubsiimo halbaa lasiistaa yaan
fudayd idinqaadin halkii siwada jira ay ugala shaqayn lahaayeen
masuuliyiinta gobolka in ay iyagu kasoo horjeedsadaan waxaanu u
aragnaa nasiibdaro ku kooban dadkasi faro ku tiriska ah
Talo iyo tusaale waxa iga ah in ay iska daayaan is gooniyeelida ay
ku dha leecaynayaan madaxdii gobolkooda ee iyaga u shaqaynayay
waxaan lee yahay midnimada haka tagina
Midda kale waxa su’aal la is waydiin karo ah Badhasaabka gobolku
ma da booli karaa dhamaanba hawlaha jaamacadu u baahantahay oo
dhan kalidii hadii garab uu ka waayo dadkiisa?
Taasi waa maya mida loo baahan yahayna waxay tahay in dhamaanba
da dka danta kaleh gobolkoodu ay kawar hayaan hawlaha kasocda iyagoo
a an kahakran wixii caawimo dhaqaale iyo talo ay uga baahan tahay
jaama cada gobolka iyo waliba sidii ay uga shaqayn lahaayeen bilicda
gobolka
Waxa aan hadaba hadalkaygani kusoo koobilahaa in ay madaxda gobolku
fadhiga ka kacdo oo ay u guntato waxqabad ka gobolka oo ay ogaadaan
in aanay cidkale u maqnayn ceelna u qodnayn
Dadka caadaystay in ay madaxdii gobolkooda ee iyaga u shaqaynaysay
a y ka waantoobaan caydooda iyo dhaleecayntooda anoon hadalkayga sii
badin waxaan leeyahay (Habar fadhida lagdini wax uga fudud)
Qalinkii: Deeqa Subeer Nuux
E-mail:
deeqasn@hotmail.com
|