U CODEE KULMIYE: U CODEE ICTIRAAFKA IYO HORUMARKA SOMALILAND
(Qaybtii 2-aad)
 

 



Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr||UK|

Muwaadinka Sharafta mudanow;
Shaki igagama jiro in aad jeceshahay wanaagga iyo horumarka ay dalkaaga iyo dadkaaguba ku tallaabsadaan.
Shaki igagama jiro inayna dhegahaagu jeclayn warka xun iyo dhiillada ka soo yeedha dalkaaga hooyo.
Shaki igagama jiro inaad jeceshahay in nidaamka Dimuqraadiyaddu dalkeenna si rasmi ah uga hirgalo, isla markaana ay dhacdo doorasho xor iyo xalaalba ah.
Shaki igagama jiro, haddii uu cimrigu kugu simo, inaad si weyn u jeclaan lahayd dalkeenna oo hela ictiraaf iyo aqoonsi caalami ah.
-----------------------------------------------------------------
Dib u milicsi Qaybtii 1-aad:
Waxaynu guud ahaanba qaybtii 1-aad ee maqaalka isku hoga tusaalaynay:
Marka ay Somaliland dawlad ahaan, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo sumcad ahaanba taagantahay halka ay maanta marayso, aynu la wada soconno khataraha, carqaladaha iyo hagardaamooyinka ku gedaaman Somaliland (gudaha iyo dibeddaba), muwaadiniinta Somaliland-na ay 7 sano kaddib mar kale fursad u heli doonaan inay soo doortaan madaxweyne:
Maxaa la gudboon muwaadiniinta Somaliland doorashada soo socota, oo la inooga baahanyahay ee ay dunidu inaga filaysaa si aynu u helno aqoonsi caalamiya?
Waxa inala gudboon inaynu taageerno isbeddelka lama huraanka ah ee dalkeennu u baahanyahay. Waxa inala gudboon inaynu ka leexanno dariiqii ay Afriki hore u eedday ee ahaa in codka dadweynuhu uu abuuro keli taliyaha.
Waxa inala gudboon inaynu doorkan codkeenna ku ciil baxno oo aynu isweydiinno waxa inoo qabsoomay 7-dii sano ee Xukuumadda Dahir Riyaale talada dalka haysay.
Isbeddelka keliya ee ay doorkan dunidu ummadda Somaliland ka filaysaa waxa weeye in Xisbiyada mucaaridka ahi ay ku guulaystaan doorashada soo socota, isla markaana xukuumadda hadda jirtaa ay si nabad gelyo ah talada dalka ku wareejiso.
Xisbiga keliya ee awoodda u leh inuu dalka ka hirgeliyo isbeddel dhab ah oo la taaban karo waa Xisbiga KULMIYE. Sidaa darteed U CODEE XISBIGA KULMIYE.
---------------------------------------------------------------------------------
Qaybtii 2-aad:

Muwaadinka sharafta mudanow xaq baad iigu leedahay inaad i weydiiso su’aalahan:

 Ma u qalmaa Xisbiga KULMIYE inaan codkayga siiyo?
 Maxaan ku dooranayaa ee aan kaga dooranayaa Xisbiga KULMIYE labada
Xisbi Qaran ee kale?

Haddaba waxaan si kalsooni leh kuu leeyahay HAA Xisbiga KULMIYE wuu u qalmaa inaad codkaaga siiso oo uu hoggaanka talada dalkeenna qabto.
Waxaan halkan kuugu soo bandhigayaa sababaha aad ku dooran karto Xisbiga Kulmiye iyo musharraxa m/weynaha mudane mujaahid Ahmed Siilaanyo, ee aad kaga door bidi karto Xisbiyada kale ee tartanka kula jira.

1. Xisbiga Midnimada, Horumarka iyo Cadaaladda: Waa KULMIYE

Guud ahaanba Xisbiga Kulmiye, hoggaankiisa, hawlwadeenadiisa iyo taageerayaashiisuba waa ehelka, wehelka iyo astaanta u taagan midnimada, dal jacaylka iyo madaxbannaanida Somaliland. Xisbiga Kulmiye waxa uu hoy iyo hiilba u yahay kuwa xaqa iyo caddaaladda ku taagan ee xaq-darrada iyo eexdaba la dagaallama.

Marka la eego kalsoonida uu Xisbiga Kulmiye ka haysto bulsha weynta Somaliland gudaha dalka iyo dibeddaba, marka la eego sumcadda iyo qadarinta uu Xisbiga Kulmiye ku leeyahay dalalka deriska iyo dunida dacalladeedaba, waxay dunidu Xisbiga Kulmiye u aragtaa inuu yahay horseedka iyo saldhigga hana qaadka barnaamijka dimuqraadiyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo ay guud ahaanba Afrika u oomantahay.

Haddii Xisbiga Kulmiye ku guulaysto doorashada soo socota oo uu talada dalka qabtana waxa uu soo jiidan karaa indhaha bulshada caalamka, soona dedejin karaa in Somaliland hesho ictiraaf iyo aqoonsi caalami ah. Xisbiga Kulmiye waa xisbiga keliya ee suurto gelin kara in Somaliland si rasmi ah bulshada caalamka uga mid noqoto.

2. Barnaamijka Wax Qabad ee Xisbiga Kulmiye:

Barnaamijka wax qabad ee X.Kulmiye waxa aasaas iyo saldhigba u ah: Caddaalad, Maamul tayo wanaagsan iyo Awood qaybsi, Shaqo badan iyo hawlkarnimo, Kobcinta dhaqaalaha iyo soo saaridda khayraadka dalka, Dhiirri-gelinta maalgashiga iyo suuqa xorta ah, La dagaalanka musuqmaasaqa, Kobcinta iyo wanaajinta tirade iyo tayada adeegyada bulshada ee asaasiga ah, Shicibka oo awoodooda iyo xuquuqdooda dastuuriga ah gacantooda lagu soo celiyo,U sinnaanshaha hantida, dakhliga iyo macaashka dhaqaale ee dalka soo gala.

3.Hoggaamiyaha Xisbiga /Musharaxa M/weynaha: Muj. Ahmed Siilaanyo

 Waa mujaahid derajo iyo xilba inaga mudan, Bulshadana daadahayn kara.
 Waa muwaadin xalaal ah oo leh dareenkii wadaninimo, dhibaatada dalkiisa iyo dadkiisuna damqayso.
 Waa dacar qabiilkuye, Ahmed Siilaanyo waa nin diidey odhan kara.
 Ahmed Siilaanyo waa nin dadka hor iman kara, hadal deeqa odhan kara, doodana ka dhergin kara.
 Waa mujaahid kasban kara rag iyo dumar oo xumo ka daahira.
 La iskama durduriyee, dawladaha deriskiyo waa nin sumcad dunida ku leh, ictiraaf iyo keeni kara aqoonsi dawladnimo.
 Waa halyey, hagamaa iyo geesi xalaal ah oo naftiisa, maalkiisa iyo noloshiisaba u huray dib u xoraynta dalkiisa iyo haybadda iyo karaamada ummaddiisa.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo):
 Waa mujaahid ummaddiisa la wadaaga halgan iyo dhacdo taariikhi ah oo ma guuraan ah.
 Waa muwaadin ay Somalilandernimadu ku dheer tahay oo leh kartidii, aqoontii, magacii, milgihii iyo maamuustii hogaamiyenimoba.
 Waa xeel-dheere siyaasadeed iyo khabiir si wanaagsan u fahansan macnaha iyo hab-dhaqanka looga baahan yahay inuu la yimaado Hoggaamiyaha ay Somaliland maanta u ooman tahay.
 Waa nin leh kartidii, milgihii iyo maamuuskii uu qaranka iyo qoomiyadda Somaliland ku matali lahaa, kagana midho dhalin lahaa xilka iyo masuuliyadda loo igmado nooc kasta iyo meel kasta oo ay tahayba.
 Waa aqoonyahan iyo xeel-dheere siyaasadeed oo daacad ah, ku sifoobay halganka dheer ee uu dalkiisa iyo dadkiisaba u soo galay, haatanna halgan adag ugu jira ka midho dhalinta danta guud ee dalka iyo maslaxadda umadda reer Somaliland, isagoo adeegsanaya aqoontiisa, khibraddiisa iyo waayo arragnimadiisa balaadhan ee uu u leeyahay siyaasada caalamka ee casriga ah iyo qaababka ay dunidu waqtigan xaadirka ah wax isku dhaafsato.
 Waa hoggaamiye daacad ah oo hiil iyo hooba la agtaagan kuwa ku taagan wanaagga, horumarka, hagaajinta Dimuqraadiyadda iyo difaaca dalka hooyo.
 Waa mujaahid aan marnaba hore uga gabban, hadeerna ka gabban doonin kuwa xaqdarrada weheshada iyo xumo-wadayaasha ay dhibayso inay Somaliland ka mid noqoto bulshada caalamka oo ay hesho aqoonsi iyo madaxbannaani caalami ah.