“Waxaanu Xilka la wareegnay iyadoo cunoqabateyno Somaliland Caalamka iyo gobolkuba ku hayo”




London (TNN)-Wasiirka arrimaha dibada somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo caawa ka had layay kulan balaadhan oo madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayo ee ku sugan Mag aalada London ay yeeshay Jaaliyad reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska, ayaa sheegay inay somaliland ka dhaxashay Safaradii kala dambeeyay ee ay kaga qayb-gashay shirarkii Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, rejo hor leh oo muujinaysa in beesha Caalamku yiqiinsatay gooni isutaaga qaranka Somaliland.

Dr. Cumar ayaa sidoo kale tilmaamay in safarka uu hada madaxweyne siilaanyo ku marayo wadanka Ingiriisku uu yahay kii ugu dheeraa ee Diblomaasiyadeed, horseedayna waji cusub iyo Taariikh ugub ah oo ay somaliland gaadhay 22 sanadood oo ay madaxbanaani haysatay.

isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “weftiga Madax Madaxweynuhu wuxuu ku jiraa safar kiisii diblomaasiga ahaa ee ugu dheeraa oo ka soo bilaamay Imaaraaadka oo Taariikh uga tegaya wa danka, soo dhaweyntii iyo arimihii aanu kala kulanay wadanka Imaraadka waxay u furtay somaliland saaxiib cusub iyo Kaalin cusub oo Qarankani yeeshay, safaradii kale ee Turkiga iyo kuwii ka horeey ay waxay ahaayeen safaro kale oo Taariikhi ah oo muujiyay Sharafta iyo Milgaha dawlada Somalilan d, waxaanan tilmaamayaa safaradaa hore iyo safarkan aanu dalka Ingiriiska ku nimi ee aanu shirka Taariikhiga ah kula yeelanay Reysal wasaraaha Ingiriiska, waxa uu gaadhsiiyay somaliland Haykalka qaranimada meel cusub. Xidhiidhka aanu caalamka la leenahay iyo siyaasadda arrimaha dibadu wax ay jeexday aragtiyo cusub oo aanu isleenahay waxay ka midho dhalin karaan Himilada wada nkani leeyahay oo ah inuu noqdo dal xoriyadiisa hela”.


Wasiirka ayaa tilmaamay sidoo kale inay xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo talada la wareegtay xili caqabado siyaasadeed iyo cunoqabateyni saarantay ” Waxaanu Xilka la wareegnay iyadoo caqabado badan iyo cunoqabateyno somaliland Caalamka iyo gobolkuba ku hayo Qaranka oo aanu somaliland codkeedu si fiican uga dhex muuqan Caalamka, waxaanan qaadanay inaanu nidaamkii hore ku kordhino ee dalku Ictiraafka ku raadinayay Dariiqyo cusub oo aanu is-leenahay somaliland waxay ku gaadhaysaa dariiq kasta oo sahlaya inaanu u marno baadi goobka Ictiraafka. Siyaasadaa madaxweynuhu qaranka u jeexay waxay keentay saddexdii sanado od in somaliland iyo somaliya laba dawladood loo kala aqoonsado”ayuu yidhi Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa dhamaatay cabsidii beesha Caalamku ka qabay maal-gashiga somaliland oo loo arki jiray meel aan nabad-gelyadeedu sugnayn, waxaana iminka muuqata in isbedel arimah aasi ku yimi oo wadanka waxa iminka Maalgashi ka samaynaya shirkado Malaayuun Dollar gelinaya”.


Sidoo kale wasiir Cumar, waxa uu xusay inay somaliland Caalamka u bandhigtay sidii loo siin lahaa ca awimo toos ah, taasoo buu yidhi hada lagu guulaystay, dhanka kalena ay meesha ka baxday cabsidii caalamku ka qabay Maal-gashiga wadanka.


waxaanu yidhi “Waxa kale oo xusid mudan Mucaawimadii Hay’daha naloo soo marin jiray, waxaanu caalamka ugu baaqnay in somaliland Caawimadeeda toos loo siiyo, arintaana dawladu isbedel wey nbay ka keentay, anagoo Caalamka u sheegnay inay somaliland dhaaftay xiligii Mucaawimada loo soo marin lahaa Hay’ado gaar ah, oo ay somaliland leedahay qaran Hogaamin kara horumarkay u baahantahay, iyadoo sanadkan gudihiisa aanu wadanka Ingiriiska iyo Denmark ka helnay Caawimadii ugu horaysay ee toos ah oo gaadhay 12 Milyan”ayuu yidhi.

Dhinac kale Guddoomiyaha Golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Cirro), oo munaasibadaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku taageer sanyihiin wadiiqada cusub ee ay u jeexday socodsiinta iyo ka midho dhalinta Himilada shacbiga som aliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Guddomiyaha, Golaha wakiillada oo ka mid ahaa weftigii ka qa yb galay shirkii Turkigu, wuxuu sidoo kale ka markhaati kacay muhiimadda ay somaliland ugu fadhiyaan qodobadii ka soo baxay shirkii turkiga ku dhexmaray somaliland iyo somaliya todobaadkii hore.

Cumar Maxamed Faarax