Marxuum Sacad Aw Muuse Nadiif

Waxaan halkan ka tacsidaynayaa
qoyska reer Nadiif, geeridii naxdinta badneyd ee ku timid Sacad Aw
Muuse Nadiif oo ku geeriyooday magaalada Arabsiyo ee gobalka
Gab iley, Ilaahayna naxariistii jano ha ka waraabiyo, inagana samir
iyo iimaan ha inaga sii yo.
Sacad Aw Muuse Nadiif wuxuu ahaa gudoomiyihii waxbarashada ee
gobalka Gabiley. Sacad Aw Muuse wuxuu ahaa halgamaa u guntaday kana
miro dhaliyey in ilmo kasta oo reer Gabiley ahi uu dugsiyada
waxbarashada aasaasigaa ka helo duleedkooda. Marxuun Sacad Aw Muuse
wuxuu noqday gudoomiyaha waxbarashada Gabiley 1991kii, iyadoo
dugsiyadu wada burbursan yihiin, maantana dugsiyadu waxay gaadheen
goob kasta oo gobalka Gabiley.
Sacad Aw muuse Nadiif wuxuu hore u ahaa macalin ka soo shaqeeyey
muddo dheer d ugsiga sare ee Timacade wakhtiyadii dowladii
Soomaliya. Sacad Aw Muuse wuxuu ka mid ahaa macalimiintii horseedka
ka ahayd aasaaskii dugsiga sare ee Arabsiyo.
Sacad Aw Muuse Nadiif wuxuu ahaa geesi mabda iyo ujeedo leh oo
aqoontiisii iyo xoo giisi u huray horumarinta dadkiisa iyo
dhulkiisa. Ilaahay naxariistii jano haka waraab iyo, inagana
samir iyo iimaan ha inaga siiyo, AAMIIN, AAMIIN.
Mukhtaar Ibraahin Fadan
|