Jiifto magaceeda la yidhaa "maalmo tagay", Siyaad Barre ayaa tiriyay
 

Waxaan halkan ka salaamya umadda reer soomaaliland meel ay joogaanba. waxa kale oon salamaya shaqaalaha shabakada wararka ee Timacade News Network iyo shaqaalaheeda.

halkan waxaan ku soo gudbinaya maansada aan magaceeda soo sheegay soona baxday 7.11.09 waxaanu is waraysanayna Siyaad Barre oo mar aan meel fadhiistay ii yimi isagoo aakhiro ka soo baxay isagoo doonayay inuu ii sheego laba arimood

1.Sida uuga xunyahay waxii dhacay iyo waxa hada ka socda soomaliya
2.Sida uu ugu faraxsanyahay in wali yaryarkii uu macalinka u ahaa inay howli hiisii si fiican ilaa iyo hada u wadaan .macnaha kale waxaad ka heli maansada .akhriste waxaan ku xasuusinaya inay 3 maanso oo hore loo sii daayay ooy kala tiriyeen gudoomiyayaasha xisbiyada soomaaliland......waxaa tiriyay Mowlid Aden (Qolqol).



Waxa uu yidhi :
 


Sheekaba maceediyo
madashay is taagtiyo
muunaday lahaataa
loo miiciin dayaayoo
marag loogu yeelaa
Dhaxaan magaabsiga
maansooyin dihin iyo
geeraaro mariyoon
waayaha mugiisiyo
miisaamay aragtida
Dhaxaan muskeediyo
moosaskeeda faydoon
mowjadaha lagdamayiyo
maayadaha israac-shoon
dhex muquuray moorada

*******

Dhaxaan mid maagiyo
wiil miigan raacoon
labadaba mugoodiyo
haasaawe miidi- iyo
garashada midaynoo
midabada abwaanimo
meerisyada hogaynoo
macnayaal u daadagay
Maantana godkeedaan
u maqaam hayaayoo
xalay baa mirtii dhexe
mucjisadu i daartoo

*******

Waxaan maanka galiniyo
ii yimi marxuum tagay
wuxu yidhi mar kowaad
waa nin maalmo taliyoo
madax soo ahaayoo
magaciisa mooyee
aanad muuqa horow arag..

*******

Mudultuulshay himilada
marmartoo idhaha sacab
guudkooda mariyoo
gartay inay madhaafaan
riyo ay ka maqantahay..
Muhmuhdoo afkaygii
waxa ereyo soo maray
Hada muuqa gudnimo
maandhow dareemaye
magacaaga ii sheeg

*******

Dooyaysay meeshaa
maraduu hilaabnaa
midho geeljireeyoo
soo marmaray go.iisii
gacmahana mahaa gali
soo mar-celi odhaahdii
madaxana gilgilashada
meermeeri oo yidhi
mudanow siyaad iyo
madax hoyday baan ay...

*******

Kama filanin meeshee
naxdin aan markaa jirin
iyo murugo ciilkeed
igu furatay maradoo
xusuus maalmihii tagay
meeqaansadoo tabay
maal iyo naf soo tubay

*******

Idhi taa markeedee
marti socota sooree
Waxaan idhi mar kale hadal
gartay inaad mar hoyatoo
aakhiro u meertee
waa maxay rogaalkiyo
maantana socdaalkaa

*******

Xusuusahan marooriyo
sowdigii mashaqo dhigay
maxaad sii hilmaantee
ifka mudane kaa yiil..
Waxa uu yidhi markale hadal
miciin aan ku hiiloo
dhibta ila masaystaan
maandhow ku moode
garta haygu marag furin

*******

Waxan idhi markale hadal
dabcigaa ma maydhmine
maqalkii guyaal hore
dhagtii maqashay joogtaa
mudanow xaqiiqsaday
Wuxu yidhi markale hadal
shalay murugadeedii
maan-gaab xilkaygii
iyo macangagaygii
maantaan hayaayoo
igu mudan xisaabtii

*******

Maqlay waayihiinii
muqdishiyo hargaysiyo
boosaaso iyo mudug
waxa gobola meeriyo
waxa magacyo bixiseen
Mooryaanta tarantiyo
muslin iyo dilkiisiyo
gaalada ku murantiyo
waxaa hadimo meel taal
yaa mashaqadoodii
lay muujiyaayoo
waa muramo aakhiro

*******

Afartaa macaankood
moqoraysi yeellee
hada aan mid kale dhigo
La musbaar la maaree
la musbaaxay taydii
layga meeri taladii
noqday orodka maali-hi
muska jabiyay ee tagay

Meeraystay dibadaha
muusanabay yaa tolla
cidla mowdku kaligay
igu moora duugyoo
anigoon manfaca wadan
afrikaan i maamule
godka lay madoobee
mutay waayahaygii

*******


Dabaday mushkuladaha
qaar mamay la ii sheeg
muunaddii dhulkeeniyo
quruxdii ka malafsade
loo muhay dagalada
raasraas miciinsade
mahuraan is bixin waa
qaxoontiga malyuun tage
mudantii la gowracay
Muslin nacab ahaayoo
masalaha la kala dhigay
Loo marag fur gaalada
marwdiiyo gaarida
masjidyada ku faaqide..................macnaha kufsade
Loo miiqay xumihii
la minguuri talladii
odayadii mudnaan jiray
la maquuni dhaqankii
la miisaan wanaagii
la mildhaan garaadkii
la majiiray sabankii
la maraanmar yeelaha
la maxbuus wadanigii
loo meeri nacabkii
loo maxali cadowgii
laga qaaday maal jaban
la mujee garaadkii
loo dhiibay maakhade....

*******
Xabashigii madoobaa
cadogii midaysnaa
laga dhigay maxbuub kale
gacantiyo mugeedoo
ninkii maqasha raran jiray
ninkii macasha qaban jiry
ninkii maalmo tirin jiray
ninkii meel an joognaba
ina kal midhayn jiray
loo maquuni wanankii
loo magansay danihii

*******


Masalooyinkaan idhi
muusanaabidoodiyo
midowgiyo dhibtoodaa
inaan midig ku leeyahay
maandhow madiidani
Mid kalaana farax lee
haddii aan miliilico
ubadkaan midhee bari
aan macalin wayn iyo
ka masuul ahaabaa
idin maamulaayoo
iyagaan majiirha
madaxyada u saaroo
kacaankii midaysnaa
maskaxday ku haystaan

*******


Mabda-i iyo shuuciga
iyagaa matala oo
dimuqraadi madhan bay
maryo saarayaanoo
waa kuwa hasoo marin
marna hadal hasoo celin
miltariga saaree
Beentii malaasnayd
maaweelo aan jirin
laluush nin malafsaday
af miishaar dirsanayee
macno yarida goornaba
mudanow ka daalayn


*******


Wuxu yidhi markale hadal
aan dardaaran madal taga
kuu gacalo miisee
waxaad madaxdi leedahay
Godob mahadhadeedii
taydaa markhaatiya
Cadli baa macaan badan
naxariis la muujiyo
shacab muxibadiisiyo
midnimaa hal adagoo
musuqmaasuq socon waa

*******

Jidkaan maray nin moogani
wuxu meel la joogaa
miidaame dhago maleh
haduu malag dhawaaqee
mar danbuu ka sheekayn....

waxaan ka cudur daaranaya wixii qalad u dhaca
hadlay illahay baa

Mawliid Aden
qolqol3@hotmail.co.uk