Tafaasiisha Qodobada Heshiiskii ay kala Saxeexdeen Somaliland Iyo Soomaaliya

 


 


“Waxaan Beesha Caalamka iyo Soomali-yaba Qirsiinay Qarankan Somaliland Qaladkii Laga Ga lay”Wasiir-Xirsi


Istanbuul (TNN):-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay inay Soomaaliya iyo beesha caalamkaba qirsiiyeen inay khaladkii iyo xasuuqii laga galay shacbiga Somaliland.

Wasiir Xirsi oo xubin ka ahaa ergadii Somaliland u matalaysay wada hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Soomaaliya ee saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku shirsanaa magaala dda Istanbuul ee wadanka Turkiga. Ayaa ka hadlay qodobadii ka soo baxay shirkan oo maa nta la soo gunaanaday.

“Wada hadal muddo socday ka dib, waxaan halkan idinkula wadaagaya qodobadii ka soo bax ay kulankii ay marti gelisay dawlada Turkigu, waa qoddobo gogol xaadh u noqon doona yoo lka wada hadalkan oo ah in aan beesha caalamka ku qancino xaqa iyo xuquuqda ka maqan dalkeena Somaliland,”ayuu Wasiirka Madaxtooyaddu ku yidhi qoraal uu caawa ku soo daaba cay Mareegtiisa Internet-ka ee guusha.com.

Wasiirku waxa kale oo uu shabakadiisa ku daabacay qoddobadii heshiiskii ay kala saxeexdee n labadii ergo ee kala matalayay Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi oo ay qalinka ku duuge en Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoo nis iyo Wasiirka Amniga Soomaaliya C/Kariim Xuseen Guulleed.

Qodobadii Heshiiskan oo Wasiir Xirsi shaaciyayna waxay u qornaayeen Sidan:-

1- In labada dhinac sii waddaan wada hadalada noocan ah, isla markaana la fuliyo qodoboadii kuwii hore lagu heshiiyey,
 

2- Labada Dhinacba waxay gelayaan Wada-hadalada iyaga oo ay ka go’an tahay in ay xaliyaan arrimaha u baahan xalka si loo helo natiijo labada dhanba qancisa,
 

3- Labada dhinacba waxay isku raaceen inay ku dhaqmaan xeerka anshaxa iyo heshiisyada kale
 

4- Labada dhinacba waxay si dhamaystiran u fududaynayaan si wada jir ahna u qeexayaan meelaha la iska kaashanayo kuwaas oo ku qotoma baayihaha labada dhinac
 

5-Labada dhinac ba waxaa si dhaba uga go’an xal u helida farqiyada iyada oo loo marayo hab ku salaysan nabad-gelyo iyo wada hadal
 

6- Labad dhinac waxay isla garteen in Dawlada Turkey-gu xog joogta ah siiso beesha Caalamka
 

7- Iyada oo la tix-raacayo wada-hadalkii labada dhinac ku dhex maray Istanbul, Turkey 7-9/Jul 2013 labada dhinac waxay isla garteen in muddo 45 cisho ah ku dhisaan gudiga maamulka socdaalka hawada “Air Traffic Control Board”


8- Labada dhinac waxay isla meel dhigeen in ay dhisaan guddi farsamo oo ka kooban afar xubnood “ Laba xubnood dhinac walba” labada gudi Farsamo-na waxaa kormeeraya labada Wasiir ee u xil saaran.


9- Waxaan wadaagnaynaa xanuunka iyo dhibta ay dadka Soomalida ah u geysateen nidaamkii keli taliskii Milatarigu, gaar ahaana dadka ku dhaqan Somaliland”